|
Waxaan qoraalladeennii hore ku soo ogaannay in Wahaabiyada iyo sheekhooda Maxammed C/Wahaab ay keeneen lagana bartay gaalaysiinta ay shabaabku isticmaalaan. Intaas waxaa dheer shabaabku weli ma gaarin heerkii uu sheekha wahaabiaydu gaarsiiyey gaalaysiinta muslimiinta iyo takfiirka.
Waxaan soo ogaanay kitaabbada muslimiinta lagu gaalaysiinayo ee ay qoreen wahaabiyada iyo sheekhooda maxammed C/wahaab , weliba waxaan soo ogaanay kitaabbada iyo bogagga ay ku qoranyihiin taasoo noqoatay xaqiiqo aanay dafiri Karin.
Dagaalladii iyo Gawracii Sheekhyada Wahaabiyadu u geysteen Muslimiinta kuna magacaabeen Jihaadka.
Haddaba , waxaan halkan ka geleynaa sidii Maxammed C/Wahaab u bannaystay dhiigga Muslimiinta.
Taas waxaan uga gol leennahay in la ogaado in shabaabku aanay iska samayn falalka arxan darrada ah ee ay muslimiinta ku gumaadayaan.
balse uu yahay falal diin looga dhigay oo ah caqiiddadii Maxammmed C/Wahaab oo ay faafinayaan , waxaana kitaabbda loo aqriyo ama lagu wacdiyo ugu qoran in ay jannada gelayaan haddii ay laayaan muslimiinta aan wahaabiayda ahayn ee ay fikirka ku kala duwan yihiin.
Taariikhdu 1157-dii Hijriyada oo ku beegan 1744-tii Miilaadiyada; ayuu Med C/Wahaab wuxuu hishiis la galay Med Ibnu Sacuud oo amiir ka ahaa Degmadii Dirciya ee Gobolka Xijaas .
Maxammad C/Wahaab wuxuu amiirkan ku qanciyey fikraddiisii wahaabiyannimada ee takfiirka ahayd laguna gaalaysiinaey dadka muslimiinta ah.
Wuxuu ku qanciyey in ay la dagaallamaan Muslimiinta aan aamminsanyn fikraddiisa , kuna sheegaan gaalo lagu Jihaadayo laguna janna tegayo dilkooda.
Sidaas waxaa qoraya dhammaan kutubta taraajimta iyo taariikhda Wahaabiyada , sida Taariikhu , Najdi Cunwaanul Majdi , Siiratu Maxammed Cabdil Wahaab , Al-Duraru - Saniyah Fil Ajwubati Najdiyah IWM.
Dagaalladii iyo Gawracii Sheekhyada Wahaabiyadu u geysteen Muslimiinta kuna magacaabeen Jihaadka.
☛ Dagaalkii 1-aad 1159H-1746M.
Taariikhdu Markay hayd 1159- Hijriya oo ku beegan 1746- Miilaadiyada , ayuu Sheekha wahaabiyada Maxammed C/wahaab wuxuu qaaday dagaalkii ugu horreeyey ee uu ku leynayo Muslimiinta , wuxuuna ku magacaabay jihaad.
Sheekha wahaabiyada Med C/Wahaab dagaalka uu watigan ku billaabay Muslimiinta wuxuu weedy ilaa uu ka dhintay . wuxuu dhintay isagoo dhahaya Laaya gaalada siiba Culammada , Asharaafta , reer maka iyo ree Madiina , Qudaada iyo Madaxda dawladda Islaamka ee Cusmaaniyadda!! , mana dhicin weligeed in Wahaabiyada iyo sheekhooda Med C/Wahaab ay la dagaallamaan hal gaal .
Dagaalkan aan hadda ka hadlayno oo ah kii ugu horreeyey ee wahaabiyadu ku qaadaan Muslimiinta waxay ku magacabeen:
Awalul Jihaad oo macnihiisu yahay JIhaadkii U horreeyey.
Aad ayey u badanyihiin Kitaabbada wahaabiyada ee qoraya dagaalkan iyagoo ku faanaya , waxaanse soo qaadanaynaa kitaabka ugu caansan taariikhda Wahaabiyada ee magaciisu yahay Cunwaanul-Majdi.
Kitaabkan Cunawaanul Majdi Juskiisa 1-aad, Bogga 14-aad ilaa 15-aad, waxay ku qorteen Wahaabiyadu : "in ciidankoodii ugu horreeyey ee duulaan qaada ay wateen 7-todoba Gaadiid, oo lagu weeraray dadkii deggenaa baadiyaha".
Waxa ay ku duulayaan waa dad Muslimiina oo reer baadiya ah oo ay leeyihiin waa gaalo aan jihaad ku qaadnay . waxay isla kitaabkan boggiis 14aad ku qoreen kuna faaneen in ay Qaniimeysteen!! xooliha Muslimiintii ay ku duuleen, soona laabteen iyagoo aanay wax dhibaato ahi gaarin.
Halkaas ayey wahaabiyada iyo sheekhooda Med C/Wahaab ka sii wadeen dagaaladii ay kula jireen Muslimiinta ee ay ugu yeereen Jihaadka. Waxaanna qoralladeenna danbe ku soo gudbin doonnaa gawracii , dilalkii , xasuuqii , dhicii , barakicintii iyo halaagyadii ay wahaabiaydu u gaysteen muslimiintii degganayd Makka , Maddiina , Riyaad , Daa'if , Ciraaq iyo magaalooyin kale oo aad u fara badan.
Ahlusunna.org
Waa socotaa ----
|