shabaabku yey uga daysadeen falalka ay sameynayaan. Q: 2aad ( Taariikhda Shabaabka) { 17 Dec 2009}
waxaa la daabacay Thu 17 Dec 2009 03: 18: 10
Sheekhii aasaasay wahaabiyada ee Muxammad Cabdil Wahaab ayaa horay u sameeyey Fal la mid ah kii af goooye , ee Xisbul Islaanku wiilka dhagaxa lagu dileen, iyagoo raalli gelinaya Al-Shabaab.

Argagax naxdin huwan iyo fajac indhuhu la taagmeen ayaa dadkii wada hareeyey ka dib markii la Arkay xisbiga Xasan daahir Uweys oo Degmada Afgooye ku Karbaashaya gabar aad u da'yar oo ay sheegeen in ay Sinaysatay!!!, in kastoo ay wel wel lahayd sidii ay gabadha ugula soo qamaameen ulaha iyo shaamuugyada , oo gabadhii yarayd hal mar dhulka isugu dhifatay ayaa waxaa ka daray oo dhacdadaasi I qarsa noqotay markii haddana isla fagaarihii dhexdiisa madaxa Xabbad uga bajiyeen nin aan cidna u xil saaran dilkiisa.

Dilkaas argagax weyn ayaa isaga qudhiisu I qarsa noqday ka dib markii la arkay wiil ay qaarka danbe god u geliyeen , kadibna ay madaxa kala dhaceen dhagaxya waawayn oo ay adagtahay in kor loo qaado. dilkaan wal bahaarka leh oo ay soo muuqaal ka soo duubeen kooxda Xasan Daahir ayaa lagana sii daayey idaacadaha la iska arko iyo websetyada muujiya aragga . in kastoo uu yaraaday qof indhaha u dhammayn kara.

Naftii ayaa ka dhacday wiilka bahalladu heleen , Madaxiina dhagax ayey uga bur bruiyeen , qaadistiisii ayaa naxdin kale noqotay maadaama madaxdiisii noqday Rah baabuur maray , waxaana la soo sheegayaa dad badan oo ku wax yeelloobay daawashada wiilkan madaxa laga bashkaaxiyey.

Haddaba su'aasha yay tahay falalkan halaagga ah ee ay fuliyaan garabyada waahaabiyada ee Shabaabka Usaama iyo Xisbiga Xasan d. Uweys yey uga daysadeen ?

Jawaabtu way caddahay waxay uga daysadeen Sheekhooda ay ku abtirsadaan , ahna aasaasaha wahaabiyada oo la yiraahdo Muxammed ibnu C/Wahaab.

Horseedaha wahaabiyada markii ugu horreysay ee uu billaabay faafinta Wahaabiyada wuxuu isku soo caan bixiyey gabar uu u dilay sidii ay shalay afgooye ugu dileen wiilkii miskiinka ahaa sidaas waxaa qoraya kutubta wahaabiyada , oo uma baahna wax marqaatiya.

1157dii Hijriyada oo ku beegan 1744tii Miilaadiyada markii med C/Wahaab la kulmaay Cusmaan Ibnu Naasir Ibnu Mucammar oo ahaa amiirkii magaalada Al-Cuyeyna , wuu soo dhoweeyey med C/Wahaab umana takorin sidii ay u takooreen madaxdii Dawladda Islaamka iyo sheekhyadii diinta oo uu ka mid ahaa Aabbihii c/Wahaab oo aad u diidanaa caqiiddada khaldan ee wiilkiisa Med C/Wahaab.

Maxamed c/wahaab isagoo ka faa'iidaysanaya fursaddaas waxay isaga iyo kooxdiisii wahaabiyadu meel fagaara ah ku dileen gabar uu isagu sheegay in ay Sino qiratay!!! Waxaa markiiba la arkay maxammed c/Wahaab oo aan horey magaalada looga oqoon oo isaga iyo wahaabiyadiisii ay dhagax waawayn madaxa kala dhacayaan gabar yar oo ay qaarka danbe god u geliyeen.

Arrintaas waxay fajiciso iyo walbahaar daran ku abuurtay dadkii magaalada siiba Culammaa'udiinkii , Qaadiyaalkii iyo madaxdii dawladda Islaamka. Hortii lama arag wadaad dhagax isaga dilaya qofkuu doono ka dibna dhahay danbigaasoo galay xad ayaan ka oofinayaa iyo arrima la mid ah, hawlahaas waxaa u xil saaran Dawladda islaamka iyo qudaadeeda, waxayna u baahanyahay shuruudo iyo caddayma badan oo in la helaa ay adagtahay.

Gabadhaas uu maxammed C/Wahaab dilay , madaxana dhagaxa uga bur buriyey iyo falal kale oo bahalnima ah waxaa ka carooday dadweynihii , culammaa'udiinkii iyo madaxdii dawladdii Islaamka ee cusmaaniyadda

Sidaas awgeed waxaa amiirkii degaanka Al-cuyeyniyah la hadlay Amiirkii dawladda Islaamka madaxda uga ahaa Magaalada Al-Axsaa , uu amiirkii Cuyeyniya ku amray in Maxammed C/Wahaab iyo kooxdisa laga qaado Tallaabo deg deg ah.

Madaxdii Degaanka oo u badneed taageerayaashiisa , isticmaalayna xeelada badan ayaa baajiyey in tillaabo laga qaado maxammed c/Wahab, taas awgeed lama dilin si loogu Qisaaso gabadhii uu dilay , waxayna wrrintiisii ku ekaatay in si deg deg ah magaalada looga saaro.

Haddaba ogow in Al-shabaab iyo Xisbul AWeys fulinayaan caqiiddadii ay bareen sheekhyada wahaabiyada oo faafinta waxaan ku soo qaatay dhaqaale aad u fara badan.

• Ha dhegeysan muxaadaraadka , cajaladaha iyo idaacadaha wadaadada wahaabiyada , haddii aadan rabin in ay sii bataan kooxaha sida beenta ah u adeegsanaya magaca diinta dadkana laynaya sida : shabaabka iyo xisbul uwesku sii xoogaysto.

• Ha dhegaysan idaacad sida aadka ah u faafiya caqiiddada Wahaabiyada sida

1. Telefishinka Universaltv , Telefishinkan wuxuu buun buuniyaa Wadaadada wahaabiyada wuxuuna u sameeyaa barnaamij ay dhaqaale badan ku aruursanayaan iyagoo ku ganbanaya dhisma masaajid , Quudin agoon , bar kacayaal , iwm.

2. Idaacada BBC-da laanta afka Soomaaliga , oo lahayd sababta ugu weyn ee ay dalka u qabsadeen wahaabiyada sheegata Islaamiyiinta.

3. Idaacadaha Shabeelle , horn Afrik , Iwm.

• Raac culammadii hore ee naxariista badnaeyd ee ahlu sunna wal-jamaaca , hana yeelin dacaayadaha faraha badan ee ay ka faafiyaan wadaadada wahaabiyada oo doonaya in la baabi'iyo taariikhdii Islaamka ee soo jireenka ah , si iyagu u noqdaan kuwa keliya ee la dhegaysto , taas soomaalidu wey sameeyeen wayna eedeen oo wahaabiaynnimadii ayaa dhashay gacan ku dhiiglayaasha Shabaab , xisbul islan oo horey laysugu oran jirey Al-itixaad , markii ay magac ku fashalmaan magac kale ayey la baxaan.

• Weydii cilmiga culammada suubban ee Ahlu sunna , ha weydiin kuwa dibadda laga maal geliyo ee dhaqaalaha dartii aad caanka looga dhigay , oo faafiya wahaabiyannimada iyo khawaarijnimada dilaaga ah.

• Culammada Ahlu sunnana waa in ay badiyaan wacyi gelinta , si ummadda looga bad baadiyo caqiiddadan wahaabiyada ee khawaarijnimada ku dhisan.

• Waa in shacabka aan wax ogayn la faham siiyaa in Culammada Ahlu Sunna ay ka caqiidda fiicanyihiin kana aqoon badanyihiin wadaadada Wahaabiyada, si loo ogaado in aan shacabku aanay cilmi uga baahnayn khawaarijtan wahaabiyada ah ee isu kala qaybiyey, koox dhiigga bannaysata , Qayb is qarisa laakiin hoos dhaqaalaha uga soo ururisa, qayb iska dhigta in ay diidanyihiin shabaabka, mar marka qaarna khawaarij ku sheegta iyada oo la ogyahay in ay yihiin kuwii soo saaray shabaabka , welina faafinaya caqiiddada shababka ee wahaabiyada.

Ilaahay ummaddeenna ha ka bad baadiyo caqiiddadan cusub ee wahaabiyada ee dilaaga ah.
Lajnada wacyi gelinta Ahlu sunna Wal-Jamaaca

Ahlusunna.org






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved