Shabaabku yay uga daysadeen falalka ay sameeyaan. Qaybta 1-aad. ( Taariikhda shabaabka) { 14 Dec 2009}
waxaa la daabacay Mon 14 Dec 2009 20: 57: 06

Xog aad muhiim u ah, Oo laga soo tarjumey kutub fara badan Mahadda Rabbi S.Watacaalaa ayey u sgnaatay salli iyo salaam nabiga iyo Aalkiisa korkooda Allaha yeelo.

Intaa ka dib , waxaan u mahad celinayaa wax garadka iyo aqoonyahanka soomaaliyeed ee ka fekeraya badbaadinta diinta, dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Dadka gartay in aan la difaaci karin cadawga debedda iyo noocyada gumaysiga haddii aan la xallin kan gudaha.

Waxaa cilmiga iyo siyaasaddaba ijmaac ku ah in cadawga guduhu ka khatar badan yahay cadawga dibadda.

Waxaa laga dheregsanyahay in cadawga debedda iyo kan guduhuba heleen fursado xadka ka baxsan, muddadii soddonka sano aheyd ee colaadaha, siiba siddeed iyo tobankii sano ee dawlad la’aanta iyo burburka.

Nasiib wanaag waxaa marba marka ka dambeysa soo fashalmayey qaar badan oo ka mid ah kuwii loo adeegsaday shirqoollada sida: qabqablayaashii ku dhisnaa kala fogeynta ummadda iyo adeegsiga qabyaaladda.

Waxaa nasiib wanaag ah, in maanta dad badani dareensan yihiin, in shacabku ku dhacay, shirqool ka qatarsan kii qabqablayaasha, kaasoo si gurracan u adeegsanaya magaca diinta Islaamka iyo kan qabiilkaba, una qeybsama sidan:

a. Shirqool ka dhaqaale iyo taageero badan kii qabqablayaasha

b. Shirqool ay gacan siinayaan dawaldo waaweyn, hantiilayaal caalami ah, hay’ado reer galbeed ah, iyo kuwo sheegta iney Islaami yihiin.

c. Shirqool fursad u helay, in uu taageero iyo dhaqaale badan ka helo, ummadda soomaaliyeed, dhaqaalahaas oo ay ku qaataan magac Agoon , Masaajid , Quudin , Iskuullo iwm , waxayna dhaqaalahaas u adeegsadaan in ay ku burburiyaan isla ummaddii laga qaaday dhaqaalaha.

Waxaad mooddaa in maanta la soo gaaray, waqtigii uu shirqoolkaasi fashalmi lahaa, dadkuna ogaan lahaayeen khatarta uu u leeyahay diinta, dadka iyo dalka.
Waxaa weli muuqanaya shirqoolla kale, oo kaas ka sii qatarsan iyo marin habaabinno dadka lagaga weecinayo xaqiiqada, si ay ugu sii dhex jiraan jaha wareerka mu’aamaradahan loo huwiyey magaca diinka.

Waa marin habaabin tan ugu weyn, in tacaddiyada burburinta loo adeegsaday magaca diinta, lagu eedeeyo kooxda al-shabaab oo keliya.
Kooxdaas oo dagaalladooda, ku soo bandhigay xad gudubyo argagax leh. Sida gaalaysiinta, xalaalaysashada dhiigga muslimiinta, bannaysashada dhaca hantida ummaadda iwm.

Waxaa xog yari ama aqoon li’i ah in eedda al-shabaabka laga dhigo mid ay keligood leeyihiiin, iyadoo aan la is waydiin, la fahmin, lagana jawaabin arrimahan soo socda:

1. Maxay shabaabku gaalo ugu sheegaan dadka muslimiinta ah?
2. Maxay u laynayaan dadka, una xalaalaystaan naftooda, maalkooda iyo cirdigooda?
3. Maxay u duminayaan qubuuraha una faganayaan lafaha sheekhyada dhintay?
4. Maxay dadka muslimiinta ah uga aaminsan yihiin, in ay yihiin mushrikiin caabudda asnaam, qubuuro, lafo iwm?
5. Xad gudubyadaan ama danbiyadan, ma kuwa shabaabku iska sameeystaa, mise waxay fulinayaan falal diin looga dhigay, oo ay ka soo min guuriyeen dad culamma sheeganaya?

Waa lagama maarmaan in la ogaado jawaabaha su’aalahan, waana arrinta aan doonayno in aan ku eegno qoraalkan.
Ujeeddada aan ka leennahay, fahamka iyo jawaabaha su’aalahan, waxay tahay :

• In si hufan loo ogaado, ineysan xadgudubyadu ku koobanyn shabaabka.
• In ay jiraan kooxa ka khatarsan shabaabka, oo iyagu soo qaatay qandaraaskan

Halaagga ah ee uu fulinayo shabaabku.
In ay jiraan kooxo shababka soo qalday, una sheegay inay gudanayaan waajibaad diini ah, falalkanna ay ku gelayaan Jannada Rabbi, S.W.tacaalaa.

Waxaa cilmi ah, caqliga saliimkuna na farayaa, marka arrimahan oo kale dhacaan, in laga hortago fikradda asalka u ah mashaakilka, oo aan si gaar ah loogu mashquulin, dhallin yaradan la qalday.

Jawaabta oo kooban waxay tahay, dhammaan khataraha ay shabaabku sameeyaan, ma
aha qalad ay isaga dhacaan, ee waxay fuliyaan, kuna camal falaan duruustii iyo muxaadaraadkii ay siinayeen sheekhyada wahaabiyada.

Waxaa loo sheegay, inay yihiin dadka keliya ee diin-ahaan saxda ah, oo ku taagan dariiqii Salafka.
Kitaabbada fikradahaas laga baro, waxa lagu magacaabaa; kitaabbada tawxiidka, dacwada iwm.

Waxaa loo sheegaa, in kitaabbadaas la’aantood, aanu qofku muslim noqonayn. Qofka fikraddan qaata, waxay ku magacaabaan muwaxid, muslimiinta kalena waxay ku magacaabaan mushrikiin, dilkoodu bannaan yahay.

Kitaabbadaas qaarkood, waxaa lagu tarjumay afsoomaali, waxaana laga duubay cajalado, aad loo maal geliyey, oo uu yaryahay guri qof soomaali ah oo aanay oollin. Kitaabbada soo saaray shabaabka iyo wahaabiyada inteeda kale waxaa kuwa ugu qatarsan ka mid ah:

01. Kitaabu Tawxiid --- Maxmed C/Wahaab
02. Fatxul-Majiid --- C/rraxmaan Ibnu Xasan Ibnu M. C/Wahaab
03. Qurratul-Cuyuunil-Muwaxidiin --- C/Rraxmaan Ibnu Xasan
04. Kashfu-Shubhaat --- Maxamed C/Wahaab
05. Nawaaqidul-Islaam --- Maxamed C/Wahaab
06. Masaa’ilul-Jaahiliyah --- Maxamed C/Wahaab
07. Al-duraru-Saniyah fil–ajwubati-Najdiyah --- C/Raxman Al-Najdi
08. Rawdatul-Afkaar Wal-Afhaam --- Xuseen Ibnu Qannaam
09. Atawasul Anwaacuhu Wa Axkaamuhu --- Al-Baani
10. Al-Rasaa’ilu-Shakhsiyah --- Maxamed C/Wahaab
11. Taysiirul-Casiisil-Xamiid --- C/aahi Ibnu M. C/Wahaab
12. Arbacu Qawaacidi-diin --- Maxamed C/Wahaab
13. Caqiidatu-Saxiixah --- Cabdil-Casiis Bin Baaz
14. Taxkiimu-Naadir --- Axmed Bin Saalix; taqdiimka Bin Baaz
15. Xiwaar Macal-Maaliki --- Ibnu Maniic, Hor Dhaca Ibnu Baaz
16. Siiratu Maxamed C/Wahaab --- Amiin Saciid
17. Alfikru-Suufi --- C-Raxiim C/Khaaliq
18. Xawaashida Fatxul-Majiid --- Maxamed Xaamid Faqi
19. Tacliiqa Xawaashida Fatxul-Majiid --- Bin Baas

Shabaabku weli ma gaarsiin gaalaysiinta iyo dilka muslimiinta, heerkii uu gaarsiiyey, ninka ay diinta ku raacsan yihii oo ah Maxammed Cabdil-wahaab. Ma gaarsiin heerka ay gaarsiiyeen raggii ka dambeeyey ee qoray kitaabbada wahaabiyada ee kor ku xusan.

Kitaabka Duraru-saniyah, oo ka mid ah kutubta maraajicda u ah wahaabiyada, wuxuu qorayaa laba mujallad oo waawayn oo ay ku sheegayaan Jihaadyadii uu qaaday Maxamed C/Wahaab. Weligii gaalo lama dagaallamin, inuu u adeego maahee. Laakiin waxay jihaadka ku sheegayaan, waa muslimiintii ay Wahaabiyadu ku duulayeen.

Kitaabbada ugu yaabka badan, ee ka hadla sidii Maxamed C/wahaab, uu u xalaalaystay dhiigga muslimiinta, uguna sheegay jihaadka, waxaa ka mid ah Taariikhu-Najdi, oo uu qoray gacan yarihii Maxamed C/wahaab.

Haddaba si xaqiiqadu u caddaato, aan si kooban u akhrinno, heerkii Maxamed C/wahaab iyo taageerayaashiisu gaarsiiyeen, takfiirka iyo gaalaysiinta, si aan u ogaanno sababaha diyaariyey naxariis darrada shabaabka, iyo asalka meesha fitnadu ka socoto, si aan marin habaabin danbe u dhicin, loogana badbaado shirqoollada cadawga gudaha iyo kan dibadda. Waa socotaa ---

waxaa diyaariyey lajnada wacyi gelinta ahlu -sunna wal-jamaaca.

Ahlusunna.org






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved