|
Haweeney Waayeel ah oo ilaa 75jir ah ayaa inta Khawaarijta Al-shabaab soo gawracdey maydkeedii saaka soo dhigeen xaafadda Suuq Bacaad ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho. Haweeneydan oo lagu magacaabo Maka Aadan oo gardaduudb u xiran ayaa saakay la soo dhigey maydkeeda Xaafadda Suuq Bacaad iyadoo sidii xoolihii oo kale loo soo bireeyey. Haweynaydaan ayaa sababta loo gowracey ka dambeysay ka dib markii dhawr jeer ay la hadashay Khawaarijta oo ku tiri “Ummadda Dhibaatada ka daaya!”. Khawaarijta naxariis-daradeeda, hadalkaas waanada ah ayey u dabagaleen Haweynaydaas Waayeelka ah ee da’da sideetanaad madaxa la sii gashay. Waayadan oo dhan oo Waqooyiga magaalada Muqdisho ay ka socotey falal fool xun oo isgu jirey Bireyn iyo xaafado bililiqeysi oo ay halkaas ka wadeen Khawaarijta Al-shabaab ayaa xalay Maka Aadan waxay nasiib u yeelatey in ay la kulanto Gawrac Araxan-darro ah iyo seef aan naxariis lahayn oo ay wataan dad aan Diin iska dhaafe Xitaa Bini-Aadaminimo aan lahayn. Gawracaan loo geystey Maka Aadan ayeysan kaligeed ku ahayn, waxaa laba hamiin ka hor Khawaarijtu ku Gawraceen Ceeltubaweyne Nin odey ahaa iyo Gabadhiisa, waxay sidoo kale 10 Beri ka hor ku Gawraceen Hotel Lafweyn agtiisa Laba Wiil oo 15jiro ah.
|