Shuuke !!! C/raxmaan Odowaa
Shuuke!!! C/raxmaan Odowaa oo ahaa mid ka mid ah horjoogayaasha Xisbul-Islam ee shalay ka soo goosatay ururkaasi ayaa ku macneeyey sababta uu uga soo baxay kadib markii sida uu sheegay ururkaasi uu ka leexday hadafkii loo aas-aasay.
Shuuke!! wuxuu sheegay inay u cuntami wayday dagaallada iyo dilalka sii socda ee uu sheegay inay si macno daro ah u wadaan Xisbul-Islaam. Shuuke C/raxmaan waxay ay walaalo yihiin Sarkaal ka tirsanaa Xisbul-Islam oo dhawaan Muqdisho laga dilay.
Koox ciidan ah oo uu hogaaminayo Shuuke C/raxmaan oo ka koobnaa 19 qof ayaa shalay ku soo biiray ciidamada dowlada KMG ah.
Hadaba Su’aasha aan wali lays waydiin ayaa ah shuuke kuma? Yuu ahaa ? Muxuuse hadda yahay?Dadkuse maxay u yaqaanan hadda?Awalse maxaa looyaqaanay?.
Shuuke waa nin da’yar daganaan jirayna Xaafada Buula Xuubey ,hadana looyaqano shiikh shuuke.
Shuuke!!waa nin caanka ahaan jiray Xaafada Buula Xuubey ,intii aanu dhicin Dagalakii Hogaamiye Kooxeedyada iyo Maxkamadaha.
Hadii aad tahay qof dagaanan jiaray Magaalad Muqdisho waxaad si sahalan u aqoonsankartaa shuuke,adigoo aan cidana waydiin.
Shuuke !! wuxuu ahaa ninka jara Tigidhada (bilyeetiga) Shaneema Ducaale, oo kutaala Xaafadda Buula Xuubey.Isagoo shaqadaas hayay muddo kabadan 3 –Sano.
Shuuke!! oo xaafdaas iyo Shaneemadaba caan ka ahaa,ayaa dadka reer Muqdisho gaar ahaan Dadka kunool Xaafada Madiina,waxaa fajac iyo argagax kunoqotay, markay maqleen Shiikh shuuke iyo isagoo gar iyo Cimaamad kujanjalan.
Layaab malahan waxaan umalaynayaa in aad in badan maqasheen shiikh hebel !!!, ama Shiikh Hebel !!!! horay looguyaqaanay Mooryaanta Magaalada.
Laakiin Sawirka guud oo lagqaadan karo arinkaan ayaa ah, in qaab dhismeedka ururada khawaarijtu dhamaantood ay usamaysanyihiin qaab nuucaan ah.Tanina waa Miraayada laga daalaacankaro qaab dhismeed kooda.
Shuuke!! oo sababta keenatay hadda ay tahay sabab naf lacaari ah, kadib markii digniino isdabajooog ah aysoogaareen iyo hanjabaadyo walaalkiis daalibaana ladilay ayuu Naf iyo miciin soobiday DFK.
Shuuke!!! C/raxmaan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Xisbul-shaydaan ayaa sheegay in ay u cuntami wayday dhiiga ay daadinayaan Xisbul-Islam.
Hadaba Su’aasha la iswaydiinayo ayaa ah shuuke mayahay waxa uuvsheeganayo,mise waa shuukihii hore.Sowse shuuke maahan muuqaal buuxa oo lagu fahmikaro qaabdhismeedka hoose diineed ee xarakaatka KHawaarijta.
Xaaji Saalax
ahlusunna.org