Al-shabaab iyo kuwa Dadka Gaaleysiiya...Taariikhiyan Meesha ay Salka ku Hayaan { 17 Aug 2009}
waxaa la daabacay Mon 17 Aug 2009 00: 35: 30
bismilaahi wabihi nastaciin Ilaahay baa mahad leh ..allahaasoo abuuray koonka oo idil ..jirayna koonkaas ka hor.. jiridoonana.. allaahaasoo kaweyn in meel laqotomiyo ama wax loo ekeysiiyo ama jiho gaar ah loo yeelo (laysa kamith-lihi shey,un).. nabad iyo naxariis nabigeenna maxammed CSW baa leh ..ee ahaa iftiimiyihii koonkaan loosoo diray ..dhammaan muslimiinta soomaaliyeed waa salaamantihiin salaanta islaamka ..salaama calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu !!..kadib;

Waxaan isku dayahayaa in aan aad usoo gaabsho maqaalkeyga ..aqristoow ii dulqaado hana kala goyn aqriska maqaalkaan ..waayo xaqaa,iq badan oo aadan lasocon baan ka hadlaayaa waana duruus ah buxuuth cilmiya oo aan shaki ku jirin anoo cuskanaayo addillo iyo buugaag dhab ah ..baal-baal iyo taariikh dhameys tiran anoo soo saaraayo xiddidada meesha ay kasoo jeedaan kuwan ..muslimiinta gaaleysiiyo ama ay salka ku hayaan shabaabka iyo takfiirka lahalmaala .

Hor iyo horaan waxaa xusid mudan in magacbadanayaashan kusoo batay soomaaliya ee huwan magaca diinta sida maxkamado ..xisbul islaam ..markii hore ..lagta caanoole jabiso..jabha islaamiya ..kaanbooni ..al-shabaab ..horey al-itaxaad ..haatan altakfiir ..mar salifiya cusub ..dhammaantood waxaa ay salka ku hayaan waa fkirka ..loo yaqaan wahaabiyada ee ina cabdi wahaab oo fikir ahaan qaatey afkaartii taymiyada oo uu macalim u ahaa shiikh ibn-taymiyya al xarraani...dhammaan magacyadaas aan soo sheegay waxey isaga mid yihiin ..gaaleysiinta sida fudud muslimiinta loo gaaleysiiyo iyo fikirka xag jirnimo

Aan wax yar oo aad ukooban kasoo qaato hadaba ..ibn-taymiyya ..shiikhaan waxaa uu kasoo jeedey guri culumo aabihii nin caalim ah buu ahaa ..isaga qudhiisu markiisii hore waxaa uu ahaa nin aad loo jecleystey oo aqoonta diinta magac weyn ku yeeshey ..hase ahaatee goor danbe ayuu lasoo baxey afkaar xag jirnimo iyo afkaar aan horey muslimiinta isaga ka horeysey laga maqlin ..waxaa uu gaaleysiiyey a,immadii muslimiinta afarta aheyd ..sida imaam al-shaafici ..imaam xanbal oo uu isaga fikir ahaan markii hore aminsnaa ama heystey ..sidoo kale waxaa uu gaaleysiiyey imaam abuu xaniifa ..iyo imaam maalik..waxaa uu wax udhimay sharaftii nabiga iyo asxaabtii ..sedex jeer baa maxkamad lakeenay ..laakiin waxaa uu codsadey in cafis loo fidiyo isagoo ballan qaadey in uu towbadkeenayo ..laakiin matowbadkeenin .gaaleysiinta muslimka ayuu sii wadey illaa markii danbe lasoo qabto uu uu xabsiga ladhigo oo lagu xakumo xabsi daa,im ..waxaana lagusoo eedeeyey in uu meel uga dhacay diinta islaamka iyo culimadii raacsaneyd asxaabul madaahibka iyo a,immadoodii intaba waxaana riday xukunkaas ..afar mufti oo ka kala socotey afarta mathhabood sida (shaafici..xanbali..maaliki..xanafi)..markuu labasano xirnaana xabsiguu ku dhintey taariikhdu markey aheyd 728 hijriyada ..waxaana uu ku xirnaa qalcadda boqorka maxamed ibn qalaawoon ..kadib waxaa dunida islaamka oo dhan la amray in lagaga dhawaaqo oo looga hadlo qudbadaha jimcaha in ladabargooyo afkaarta sumeysan ee gaaleysiin ee uu layimid isla markaana ladabargooyo qof allaale iyo qofkii lafikrad ah ..aqristoow hadalkaan aan sheegahayo waxaad ka aqrisataa buuga uu qoray isaga ardeygiisii waa ardeygii ibn taymiyya waana ibn-shakir al-kathiir buugiisa lagu magacaabo (fii cuyuun al-tawaariikh) indhaha taariikhda (tarjumid).

Wax yar aan kasoo qaato buug kamid ah buugaagtii ugu caansaneyd ee uu qoray ibn-taymiyya aabaha gaaleysiinta muslimiinta ..buugiisa lagu magacaabo (fii-fataawaa al-kubraa) qeybtiisa 1aad baalka 1aad waxaa uu leeyahay mar su,aal laweydiiyey aheyd ..shiikhoow maxaa xukunkiisu yahay qofkii kor uqaada xirashada salaada iyadoo salaada lagu jiro ?! jawaabtiisa waatan ( salaadda xirashadeeda ninkii kor ugu dhawaaqa iyadoo salaada lagu jiro ..diinta meelna kagama soo aroorin laa nabigii walaa saxaabadii ..qofkii kudhawaaqaa ..waa loo sheegahayaa ..haddii uu mar labaad saa yeelo waa GAAL waana LADILAAYAA ).. dhamaad .

Bal eeg arin yar oo mas alao diini ah oo kala duwanaansho aragti oo fiqhi ah dil qof muslim ah buu dhiigiisa baneeyey ..aqristoow anoo soo gaba gabeynaaya taariikhda ibn-taymiyya ..buugaagta uu qoray guud ahaan waxaa kusoo aroortey ama uu ku xusay ereyga ah waa GAAL 917 jeer sidoo kale eryga ah waa GAAL MURTAD 29 jeer DHIIGIISU WAAXALAAL 19 jeer sidoo kale HADUUSAN TOWBAD KEENIN WAA LADILAYAA 97 jeer iyan WAA LADILAHAYAA waxaa ku xusan 849 jeer waxaa kaloo ku soo aroortey waxaa laga codsan in uu towbad keeno 219 jeer WAA LAGOWRACAAYAA ama QOORTAA LAGA JARAAYAA waxaa ku xusan 29 jeer ..waxaan kahadleyno waa cilmi baaris ee maahan sheeko sheeko ...kaasi waa aabaha ay kasoo jeedaan oo ay ku abtirsanayaan AL-SHABAAB ka hadda soomaliya jooga

Aan usoo laabto qolyaha soo noleeyey fikirkaas ..waxaa soo nooleeyey gumeystihii in giriiska markuu qabsadey sacuudiya iyo qaliijka ..waxaana lagula dagaalamaayey dowladii islaamka ee turkiga aheyd ee ka hartey cusmaaniyiintii ..waqti xaalkeeduba uu iska liito muddana soo jiitameysey ..maxamed cabdi wahaab baana qaatey fkirkii ibn-taymiyya ..boqortooyada hadda baana lagu dhisay oo dhul balaaran loogu fariisiyey si islaamka loogu tashwiishiyo fikriyan waxey xaqiraan nabiga CSW iyo a,immada muslimiinta waxeyna gaaleysiiyaan qof kasta oo iyaga khilaafsan ..fikirkoodana caalam islaami mashriq iyo maqrib kama shaqeeyo oo lagama ogola sun baana loo yaqaan hase yeeshee waxey jaanis uheleen geeska africa iyo afganistaan .

Waxaan soo qadanayaa xoogaa ka mid ah aragtidooda ..waxey kufriyeen oo ay ku sheegeen GAALO daka heysta math-habadaha afarta ah sida (shaaficiya ..xanbaliya ..maalikiya ..xanafiya) waxey yiraahdeen kuwaa in lagu daydaa oo fikirkooda diiniga laqaataa waa GAALNIMO..eeg buuga uu qoray maxamed sadiiq xasan al-qanuujii ..aabaha fikirka wahaabiyada dadka muslimiinta gaaleysiiya buugiisa lagu magacaabo (al-diin al-khaalis) P.140 juzkiisa 1aad...ee uu cinwaanba uga dhigaayo..in lagu daydaa oo laraacaa madhabadaha afarta ah waaba gaal-nimo..(tarjumid)...isla buugaas waxaa uu gaaleysiinahayaa ayeeyo xaawo oo udhaxdey nabi aadan eeg isla buugaas safxadda 160 aad juz 1aad .

Qowlka ah ( LAA ILAAHA ILLA LAAH ) waxeynu wada ognahay in labadiyaa in uu yahay amar ilaahiya ah oo uu ilaah ina faray eeg aayada 41 ee suuradda al-axzaab oo ah micnaheedu (muslimiinta alloow xusa magaca ilaahey xus aad iyo aad ubadan)dadka qaar baana wardi ahaan u aqriya 1000 ama 2000 daily.. wahaabiyada wax gaaleysiisaa iyagu fikir kaa ka duwan bey qabaan iyagoo qilaafayaa amarka ilaah iyo sunnada nabiga waxey yiraahdeen sida tan "" kaasi waa bidcada cusub ee jaahiliyada ah waxaa ay bilaabeen waana wax looga baxaayo xuska alle ee sharciga ah loona aadaayo mid GAALNIMO AH "" dhamaad... (tarjumid) ..eeg buugooda looyaqaan (xalaqaad mamnuucah) P.25 aad ee uu qoray xussaam al-caqaad ..ee wahaabiga ah

Waxaa ay qilaafahayaan qowlka nabigeena maxammed (SWC) EE AH :-(qofkii islaamka u jideeyaa sunno wacan..ajarkeeduu leeyahay iyo ajarka qofka ku camal fala oo suubiya ) abuu muslim baa wariyey .

Salliga nabiga ma ay ogola in lagu dhawaaqo tusaale ahaan waxeynu ognahay in ay banaantahay oo aaney ka hor imaaney diinta iyo axaadiith-ta toona qowlka ah ( allahumma salli calaa muxamed dhubul quluubi wada waa, i-haa wacaafiyatul abdaani wa shifaa,ihaa wanuurul absaari wad-diyaa,i-haa ) qaabkaas isaga ah waxaa uu ka yiri ibn-baaz sidatan :-( hadalkaas isaga ah wa GAALNIMO ) eeg buugooda lagu magacaabo (keyfa ihtadeyta ilal towxiid) sideed uqadatey towxiidka ama ugu hanuuntey (tarjumid) ee uu qoray mahamed jamiil zeynuu ..ka eeg PP:83-89 .

NAARTA ..waxeynu ognahay in ilaah uqadaray in ay jirto waligeed ..gaaladana ay ku waareyso taasoo uu inoogu sheegay qur,aanka aayadda 36aad ee suuratu al-fadhir ..oo micnaheedu yahay sidatan..(kuwa ku gaalooba towxiidka alle ..waxaa usugnaatey oo ay muteysteen..naarta jahanamo oo aan DAMEYNINBA (ama AANDHAMAANEYN) taasoo nafta ku silcineysa.. (dhimasho aan dhamaaneyn)cadaabkaasoo aan lagaga qafiifineyn..sidaasaan-na gaal kastaa ugu abaal marin doonaa).. dhamaad tarjumid...laakiin wahaabiyada iyo kuwa dadka gaaleysiiya ee ku fikirka ah ibn taymiyya waxey qabaan in naartu baa,bayso ..gaaladuna aaney cadaabka kuwaareen eeg buugooda( al-qowl al-muqtaar lifanaa,a al-naar) baalka 7aad ee uu qoray wahaabiga c/kariim al xamiid ..ee lagu daabacay riyaal /sacuudiga .


Wahaabiyda dadka gaaleysiiyaa waxey gaaleysiiyeen dhamaan ahla towxiidka ahlu sunna waljamaaca..iyagoo hadana soo dhaweysanaayo..mushrikiintii makka.. waxey yiraahdeen sidatan:-(abuu jahal iyo abuu lahab waxey towxiidka in badan kaga dhow yihiin ..iimaan ahaan-na kaga daacadsan yihiin muslimiinta ku qowla oo yiraahda''laa ilaaha illaa laah muxammada rasuululaah"ee haddana kutawasula nabiyada ..awliyada iyo sulaxada).. eeg buugooda kale ee ah (kayfa nafhamu al-towxiid)sideen u u garan-naa tawxiidka..(tarjumid).. ee uu qoray mahammed baashmiil.. P16 aad ..ee lagu daabacay riyaadh/saudia.

Horey waxaa ay ugaaleysiiyeen muslimiinta a,immadoodii ugu weyneyd sida imaam al-nawawi ..imaam al bayhaqi ..ibn-xajar alcasqalaani ..alsubki imam xaafid al dahabi sidoo kale asxaabtii aabaha u ahaa madhabadaha afarta iyo intii afkaartooda qaadatey .

waxaa aynu ognahay in dhammaan ay wada ahaayeen ahlu sunna waljamaaca ..suufiya iyo al-ash cariyiin ..waxaa ay weerareen oo ay baadi kuwa ah ku sheegeen mujaahidkii weynaa ee furay qasdhan-dhiiniya ee nabigiinii muhammed ahaa tilmaamay in uu noqdey mid lamahadiyey isaga oo ka yiri isaga (maxamed al-faatix) iyo ciidankiisuba xadiiskaasoo saxiix ah nabigu Salwatulaahi W.C. waxaa uu yiri :-( waa hubaal in laxoreynahayo oo lafuran hayo qasdhan-dhiiniya ..mahad waxaa leh amiirka amiirka u,ah ""ninka furaya meeshaas"" ..mahad waxaa leh ciidanka ..ciidankaas ah ) ee furahaya meeshas..ninkaasuna waxaa uu noqdey oo meeshaas furay amiir maxamed al-faatix ..xadiithkaan waxaa soo saaray ahmed sanadkiisa ..xaakimna waa uu waafaqey waxaana saxiixay caalimkii al-dahabi waana xadiis sugan oo aan shaki ku jirin oo saxiix ah ..ilmo wahaabiyana waxey ku sheegeen amiirkaas mid baadi ah ..xaga caqiidada ka ah waa maxey sababta ?!..oo kaliya waxaa uu ahaa ahlu sunna waljamaaca -suufi -almaaturiidiya horeyna ashacira .. sidoo kale waxaa ay gaaleysiiyeen al-amiir silaaxu diin al-ayuubii ee isagu furay markii labaad baytul maqdis oo ay kusheegeen baadi..lunsan.. waayo isna waxaa uu wax ku bartey al-azhar waxaana uu ahaa ahlu sunna waljamaaca -suufi-al-ashcariya ..sidoo kale waxaa ay baadi dhunsan ku tilmaameen al-amiir dhaarikh ibn ziyaad ..baadi waayo waxaa uu ahaa ahlu sunna waljamaaca -suufi -al-ashcariya waana ninkii furay dhulkii al-andallus loo yiqiin ..wax ay dhaafen malahan xattaa shuhada dii .


Sh/ibn-baaz oo ah aabaha casriga cusub ee wahaabiyada wax gaaleysiiya wax uu yiri sida tan:-(kuwa ku tawasula nabiga iyo awliyada waa MUSHRIKIIN GAALO AH naagahooda lama geeyo ..xajkana looma ogolaan karo sida muslimiintana loolama dhaqmi karo ...waana in sida gaalada loola dhaqmaa) 'tarjumid aan xarafna lagu darin' ka eeg buugiisa lagu magacaabo (fataawaa fil-caqiida) p;13 aad .. bal eeg cadaawada intaa le,eg ee uu u-hayo muslimiinta ..sidaan horey usoo sheegay kuwooda ku xadgudbay diinta ee dhaawacay muslimiinta iyo ehlul madaahibka oo uu isaga ka midka yahay ..lama oran gaalo waa laxiray xabsi beyna kuwada dhinteen sida ibn-taymiyya iyo maxammed cabdi wahab ..waayo qofka inta uu ku qowlahayo ""laa ilaaha illa laahu ..maxammad rasuululaah"" gaal laguma sheegi karo .
Annagu gaalo kuma sheegi karno ..laakiin in ay meel uga dhaceen diinta islaamka iyo muslimiinta baanu sheegeynaa iyo in ay fikir qalad ah oo xag jir ah layimaadeen oo aan dunida islaamka horey loogu arag waana laga soo bilaabo aabahoodii gaaleysiinta ibn-taymiyah soo soco soo mar maxamed cabdi wahaab ..albaani ..ibn baaz iyo asxaabta batroolka ku hana qaadey ee al-shabaab.

Shabaabka soomaaliya iyo dhammaan magacyo badanayasha diinta ka beensheega dalkeena caqiido ahaan iyo fikir ahaan waxaa ay kasoo jeedaan kuwaas aan kor kusoo xusnay wa dad aan diinta aqoon ulaheyn .taariikhda aan aqrin ..dhaga xiran.. sumaysan ..afkaartaas waxaa ay qaseysaa afgaanistaan ..shiishaan ..ciraaq.. soomaaliya ..jihaadka meelaha looga baahan yahay waa falastiin bal mey aadaan haddey jihaad doon yihiin halkaa ?!! maya ma aadayaan bal iyagaaba gaalda ku shaqeysataa si hoose bal eeg in ciraaq lagalo ama laweeraro sucuudigaa kadanbeeyey !! bal eeg in laqaso afgaanistaan sacuudigaa ka danbeeyey ! bal eeg waxa is qarxiya oo dhan sacuudigaa ku lug leh oo ay ragaas badi wax soo baray kuwa soomaaliya eeg badi waxaa ay wax kusoo barteen sacuudiga ama ku xiranyihiin ..waayo nabigaa horey usheegay in halkaasi ay kasoo bixi doonaan waa (najdee) kuwo gariirindoona dunida islaamka oo fitno wadayaal ah xadiis saa micnihiisa ahaa baa jira .

Shacabka soomaaliyeed waa in ay ogaadaan suntan ..habowga diinta ka ah oo la iska wada qabtaa laga mamnuucaa manaabirta masaajidda sunta ay kafaafinaayaan ..iyo fitnada ay islaamka kawadaan iyo caqiidadooda faasidka ah ee kahor imaaneysa salaf saalixa ah .iyo ijmaaca ummadda islaamka oo dhan.


Ugudanbeyn/ waxaan ilaah uga baryahayaa in ilaah soo hanuunsho xaqa ilaah tuso ..fitnada ay wadaan in ay fitno tahay oo aaney diin iyo jihaad toona aheyn ..ilaah u iftiinshaa ..kuwa fahma nabadda qiimaha ay leedahay ilaah ka yeelaa ..nabad baa nolol ah ..nabad la,aanna nolol majiri karto ..nafteyda iyo tiinaba waxaan idinkaga dar-daarmahayaa cabsida ilaahey ..iyo in aan diinteena iyo dalkeena si nabad ah ugu shaqeynaa .

Wassalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu !!


Pro/Osman Said Hersi (Phoilosoph)
Ohio/U.S.A.
e.mail:-cismaaneey@live.com





MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved