|
Mahad oo dhan allaah ayaa iska leh naxariis iyo nabad galyo nabi Muxamad korkiisa allaah yeelo.
Waxaan maqalakyga uga hadlaya Taariikhda Wahaabiyada. Waxaana kusoo qaadan doonaa mowduucyadaan:
1-Taariikhdii aas aasihii wahaabiyada ama khwawwarijta casrigaan waa maxad cabdiwahaab iyo jaajuus hamfari
2-Xariirka fog ee udhaxeeyo wahaabiyada iyo gaalada
3-Gaalaysiinta qofkii khilaafa fikirka wahaabiyada
4-Goormay yimaadeen wadan keena yaase keenay?
5-Wahaabiyadu maladagaalamaan gaalada?
6-Hadba magac cusub maxay ulabaxaan?
Cinwaanadaas aan kurkuxusnay halhal ayaan uga hadlidoonaa hadi ilah yirado Waxan mark hore guud mar kobon ku samaynayaa dunida islaamka maxaa ka jiray markii uu Muxamad Cabdiwahab soo shaac bixiyay fikirkiisa?.
Dunida Islamka waxaa ka jiray dowlad islaami ah oo la oran jiray Cusmaaniya. Waxaa dowladaas hoos iman jiray maamuladii umadaha islaamka oo dhan caasimadeeduna waxay ahayd Istanbuul, Turkiga. Cusmaaniya waxay guulo waaweyn ka soo hoyday dagaalkii ay kula jirtay gaalada waxayna qabsatay kana talin jirtay dhulal badan oo yurub ka tirsan iyo qaybo ka mid ah bariga fog. Waxayna u xilsaartay culimaa'udiinkii islaamka ee ka koobnaa afarta mad-habood ee islaamku isku raacsan yahay xagnimadooda Imaamu Shaafi,Imaamu Maaliki,Imaamu Abuu Xanifa iyo Imaamu Axmed Ibnu Xanbal.
Dhalashadiisii
Muxamad Cabdiwahaab wuxuu dhashay 1703M oo ku beegnayd 1115H. Aabihii wuxuu ahaa caalim wuxuuna jeclaa in wiilashiisa Muxamad iyo Sulaymaan ay diinta bartaan laakiin Muxamad Cabdiwahaab kuma xasilin in uu si fiican wax u barto ee hadba meel ayuu u safrayay asaga oo oranayay cilmi doon ayaan ahay Maxamad Cabdiwahaab way is khilaafeen aabihiis. waxaa xusid mudan aabaha Maxamad Cabdiwahaab in uu ahaa caalim wayn oo ah qaadi markii ay iskhilaafeen Maxamad Cabdiwahaab asaga iyo aabihiis madiina ayuu tagay ka dibna basra oo ahayd meeshii ugu horeysay oo uu ku soo muujiyay fikradiisa ahayd in uu umada islaamka ku gaalnimo xukumo halkaas waxaaw kula kulmay gaal wayn oo jaa juus u ahaa dowlada Ingiriiska waxaana la oranjiray Hamfari. Ninkaani waxuu iska dhigijiray arday barta culuumta diiniga ah. Waxuu aad u bartay luqada carabiga iyo tan faarisiga. Waxuu isku dirijiray dawladii islaamiga ahayd iyo dadka daganaa Ciraaq iyo Iraan maalin maalmaha ka mida asagoo dukaan uu lahaa nin la oranjiray C/Ridaa waxka gadanaaya ayuu waxuu maqlay Hamfari dood dhaxmarayso Maxamad Cabiwahaab iyo nin la,oranjiray sheikh jawad Al-qumiyi(الشيخ الجواد القمى) dooduna waxay u dhacday sidatan: Sh. Aljawaad Alqumini waxaw waydiiyay Maxamad Cabdiwahaab maxaad ka aaminsantahay cali bin abii daalib,cumar bin alkhidaab,abii baker iyo cuthmaan bin cafaan? Waxuu kujawaabay maxamad cabdiwahaab hadalkoodu ma ahan xujo waa dad qaldan !!! Hamfari asaga oo ka sheekeenaya wuxuu yiri waxaan ka dhex helay baadidii iga maqneed Maxamad Cabdiwahaab wixii intaa kadan beeyay wixi dhacay oo wada shakhayn aheed oo dhax martay Maxamad Cabdiwahaab iyo gaalkii waynaa ee Hamfari.
La soco qeebta 2aad isbuuca dambe...
waxaa diyaariyay culimo khibrad iyo takhasus dheer uleh jamaacadkaadka islaamiga oo ku nool khaarijka
e-mail mascuud66@hotmail.com
|