AL-KHAWAARIJ (Tacaariif iyo Xog Fiican) { 09 Jul 2009}
waxaa la daabacay Thu 09 Jul 2009 10: 55: 50
KHAWAARIJ MAXAY YIHIIN? Khawaarijtu waa Qolo Bidcaa Kamid ah Waxaana luugu Magacabay Khawaarij Kabixitaankoodii Ay Kabaxeen Jamaacada Muslimiinta. Khawaarijtu Waxa ay ahaayaeen Kuwa diida Waxyaabaha Kasoo Horjeeda Fakarkooda Baneestana Waxyaaba Kale Waxa ay Ahaayeen Kuwa Qur,aanka U fasira Si Aan Sax Aheyn Kuwa Badala Ra,yigooda. Khwaarijtu Waa Labo Qaybood: Qayb koowaad: Waxay sheeganayeen Sayid Cusmaan Iyo Sayid Cali Iyo Asxaabu Jamal Iyo Asxaabu Sifiin Iyo Dhamaan Saxaabadii Ogolaatay Dhexdhexaadintii Sayid Cali Iyo Mucaawiyo in Ay Yihiin Gaalo. Qaybta Labaad: Waxa ay sheeganayaan Ruuxkastoo Layimaada Dambi Kabiira In uu Yahay Gaal Kuna waaraa Naarta.

QAYBO KAMID AH AXAADITHTA KA HADLEYSA KHAWAARIJTA.

XadIthka Koowaad:

Waxaa Laga wariyay Sayd Binu Wahbin Aljahmiyi In uu Kamid ahaay Ciidankii
Lasoconayay Sayid Cali Markii Uu Ladagaalamaayay Khawaarijta waxa uu Yiri Sayid Cali(R.C) Anigu Waxaan kamqalay Rasuulka N.N.K.H asagoo dhahaya waxaa soo Bixi Doona Qoom ka kamid ah Umadayda Oo Aqrinaya Qur,aanka Aqrintooda Aysan aheyn Tiina oo Kala Salaadiinuna Aysan Aheyn Salaadooda
oo kale Soomkiinuna Uusan Aheyn Soomkooda oo Kale Qur,aanka ayay Aqrinayan Waxayna Umalaynayaan In ay Ayagu Leeyihiin Waana Dushooda Salaadoodu Maka
Gudbeeso Kalxamahooda Waxa Ay kabaxayaan Diinta Sida Laybku Ugu Baxo Gamuunka Haday ogaalahaayeen Ciidanka Ladagaalamaya waxa loogu Xukamay Carabka Nabigooda N.N.K.H waxay Tala saaranlahayeen Camalkooda Calamada ay Leeyihiin Nimankaasu Waxaa Kamid Ah Nin Cudud Leh Dhudhunna Aan Lahyn Cududa Madaxeeda Ku leh Wax Lamid ah Gabadha Naaskeeda Foodiisa Hore oo Kale Timo Cadcad horay Kuwata.
Xadithkaa aan Sheegnay Macnihisa waxaa warinaya Muslim & Bukhaari.

Kan Labaad:
Waxaa laga wariyay Abii Saciid Al qudri Iyo Anaas Binu Maalik In ay Kawriyeen Nabiga N.N.K.H in Uu yiri: \"Waxaaka Dhici doona Umadayda Dhexdeeda Is khilaaf Iyo Kalatag Waxaana Kamid Ahaan Doona Qoom Wanaajinaya Qowlka Ficilkana Xumaynaya Aqrinaya Qur,aanka Owsana ka gudbeen Kalxamhooda Kana Baxaya Diinta Sida Gamuunku Ugu Baxo Markii Lagamo Lafaarta Kuna Soo laabanayan Diinta Ilaa uu Gamuunku Ugu Soolaabto Meeshii Laga gamay Waa Kuwa Ugu Sharta Badan Maqluuqa Jano Waxaa Iskleh Ruuxii Dila ama Aydilaan waxay ugu Yeerayaan Kitaabka Ilaahay Waxbana kama aha Ruuxii Ladagalama ayaa Ayaga uga dhaw Kitaabka Saxaabada ayaa Waxay Waydiiyeen Rasuulka Calaamadooda? Wuxuna Ku yiri Nabigu Madax Xiirasho\"
Xadiithka aan Macnihiisa Sheegnay Waxaa Warinaya Muslim Iyo Abii Daawuud Iyo Dhamaan Kitaabada Sunanka

Xadithka Sadexaad:
Waxaa Laga wariyay Sayid Cali (R.C) In Uu Yiri Waxaan Maqlay Rasuulka N.N.K.H Oo Dhahaaya\" Waxaa Imaanaya Aakhiro Samaanka Qoom Dhalinyara ah Oo Da,dooduna Yartahay Caqligooduna Yaryahay Waxay Ku Qawlayan Maqluuqa Kii Ugu Khayrka Badnaay Hadalkiisii (Nabiga) Ilaa Dhamaadka Xadithka. Marka Aan fiirino Xadithkaa Waxaa Ku Cadaanaya Nimanka Labaxay Alshabaab(Alshar) Maxaa Yeelay Waa Niman Dhalinyaro Ah Dabaalana Ah .

QAYBO KAMID AH TILMAAMAHA LAGU YAQAAN KHAWAARIJTA:

1. Aayadaha Gaalada ku soo dagay Gaalada Ayay Dusha Kasaraan Mu,miniinta
2. Kitaabka ilaahay Ayay Dadka ugu Yeerayaan Waxbana Kama aha. 3. Waxay Kasoo Baxaan Meel Aan Maamul Kajirin
4. Waxay Kabaxayaan Diinta Sida Gamuunku Uga Baxo Falaarta .
5. Khawaarijtu Waxay Kamidyihiin Eeyaha Ahlu Naarka .
6. Qofkastoo Oo Ka Hor Yimaada Afkaartooda Waxay Ku Yiraahdaan Gaal Iyo Murtad

KHAWAARIJTU WAA NIMANKII DILAY SAYID CALI(R.C)

Gaadmadii Khawaarijtu Ay Ku dileen Sayid Cali.

Waxa uu Sheegay Ibnu Jariir Al-dabari Iyo Culimo Kaloo Kamid Ah Kuwa Taariikhda Iyo Siirada In Sadex nin Oo kamid ah Khawaarijta Oo Kala Ahaay C/rixmaan Binu Camri(Ibnu Muljim) iyo Albarki Binu C/laahi Iyo Camr Binu Bakrin In ay Isku Yimaadeen Kana Wada Shireen Dagaalkii Dhexmaray Khawaarijta Iyo Sayid Cali Meesha Layiraahdo NAHRAWAAN Waxay Yiraahdeen Maxaan Nolol Kaheleenaa Hadii Aan Dilno Madaxda Ahlu Dalaalka Oo Aan Ugu Raaxeeno Wadanka Kana Aarsano Dilkii ay Ugeesteen Walaalaheen Waxa Uu yiri Ibnu Muljam Anigu Waxaan Dilayaa Sayid Cali Albarkina Waxa Uu yiri Aniguna
Wxaan Dilayaa Mucaawiye Camar Binu Bakrin Waxa uu Yiri Aniguna
Waxaan Dilaayaa Camar Binu Caas Sidaas Ayay Ku Heshiiyeen In aan Ruuxna Kabixin Balanka Ilaa Laga Dilo Ama uu Dilo Ninkii Lagu Aadiyay Waxay Qateen Seefahooda Waxayna Kubalameen 17 Bisha Ramadaan in ruux Kastoo Oo Kamid Ah uu U hoydo Magaaladii Ninka uu dilo Rabay uu Ku sugnaay Ibnu Muljam Oo ahaay Ninkii Dilay Sayid Cali Waxa uu Aaday Magaalada Kuufo Waxawna Ka qariayay Asxaabtiisa Kale Ee Khawarijta ahaa Danta Uu Leeyahay Asagoo Ku Sugan Maagalada Kuufo Ayaa Waxa Uu Arkay Haweeneey Layirahdo Khidaam Bintu Shajnah oo Lagu Dilay Aabaheed Iyo Walaalkayd Dagaalkii Nahrawaan Oo dhexmaray Sayid Cali Iyo Khawaarijta Waxa Ayna Aheyd Naag Aad U Quruxbadan Markii Uu arkay Ibnu Muljam Ayaa Waxaa ISbadalay Caqligiisii Waxa Uuna Hilmaayay Dantii uu U yimid Waxa uu Doonay Gabadhii In uu Guursado Waxa Ayna Ku Shardisay Sadex 3000 Kun oo Dirham Iyo Nin Adoon ah Iyo Gabar U heesta Iyo In uu Dilo Sayid Cali waxa Uu Yiri Ilaah Baan Ku Dhaartee
In aanan U imaan Halkaan in Aan Dilo Cali Maahane Wax Kale Waana uu Guursaday Gabadhii Markii Uu Guri Geestay Ayay Waxay Bilaawday In Ay Ku Boorineeso In uu Soo Dilo Sayid Cali Waxayna U wacday Nin Kamid Ah Qoladeeda oo Layiraahdo Wardaan Si uu Uraaco.
Ibnu Muljam waxa Uu Utagay Nin Kale Oo Layoraahdo Shabiib Ibnu Najda Alashjaciyi Al Xaruuriyi Waxuuna Kuyiri Madooneesaanaa Sharaf Aduunyo Iyo Mid Aakhiro? Waxa uu Yiri Oo Maxay Tahay? Wuxuu Yiri Waa Dilka sayid Cali
Wuxuu Ku Yiri Hooyadaa Ha Kuwaydiidee Waxa Aad LAtimid Wax layaab Leh Oo
Seed U Awoodeysaa In aad Disho? Waxa uu Yiri Ibnu Muljam Waxa aan U galaynaa Masaajidka MArka uu Salaada Subax U soo Baxana Waan Dilaynaa.
Hadii Aanu Badbaadno Waxaan Heleelnay Aarsigeenii Hadii Nala Dilana Waxa Aan Ilaahay Aan Agtiiso Ka heleeno Ayaa Aduunyo Nooga qayr Badan Waana Uu Aqbaalay. Waxaa Lagaaray Bishii Ramadaan Oo Ay Balameen Ibnu Muljam Iyo Saaxiibadiis In Ay dilan Sayid Cali. Iyo Mucaawiya Iyo Camar Binu Caas. Waxa Ay Udhaqaajiyeen Ibnu Muljam Iyo Saaxiibadiis In Ay Soo dilaan Sayid Cali Waxayna Fariisteen Albaabkii Masaajidka oo uu kasoo Baxaayay Sayid Cali Markii sayid Cali Soo Baxay oona Bilaabay In Uu Salada Subax Dadka U toosinayo Owna Leeyahay War Salaada Salaada Ayaa Waxaa Seeftii Kula Boobay Shabiib Waxayna Ku Dhacday Daaqada Masjidka Ibnu Muljam Ayaa waxa Uu Seeftiisii Ugu Dhuftay Madaxa Qayb Tiisa Kore ee Sayid Cali. Markii Uu Ku Dhuftay seefta Ibnu muljam Ayaa Waxa Uu yiri \"Xukunka Ilaahbaa iskaleh Malihid Caliyoow asxaabtaaduna Malahan\" Waxowna Bilaaqbay In uu aqrinayom Aayada 107 ee Kamid ah Suuratu Baqara\"ومن الناس /ن يشري نفسه ابتغاء /رضات الله والله رؤوف بالعباد\"



XARIIRKA KADHEXEEYA KHAWAARIJTII DISHAY SAYID CALI IYO KUWA SOOMALIYA JOOGA

Mar Ka aan Fiirino Ninkii Dilay Sayid Cali oo haay Khaliifkii Afaraad ee Islaamka Ahaana Xasan Iyo Xuseen Aabahood Nabiguna uu yiri Waxaan Ahay Magaaladii Cilmiga Calina waa albaabkeedii Kana Mid ahaay Tobankii Nabigu uu Ugu bishaareyay Janada Saxaabigii Sidaas ahaay Ayay Khawaarijtu Udileyn in ay jano ku galayaan waxayna Beeniyeen Hadalkii Nabiga .
Ninkii Dilay Sayid Cali Oo Ahaay Ibnu Muljim Wuxuu Ahaay Nin Sida uu u Sajuudsanaay Wajigii uu Noqday Gacafta Geela Oo kale.
Marka aan Fiirino Ninkaas Dilay Sayid Cali Iyo Kuwa Hada Soomaliya Ku dilaya Laf Dhabarka Bulshada Soomaaliya iyo Culimada Aqoonta U Leh Diinta Islaamka Oo waligood Kashqaynayay In ay Dadka Baraan Diinta Islaamka Laga Soo Bilaabo Markii Ay Diintu Soomaliya Soo Gaartay Ilaa Iyo hada Oo Laga joogo In Kabadan 1400 Oo sano Gaarsiiyayna In Layiraahdo Soomaaliya 100% Waa Islaam Waxaa Cadaanaysa In ay Isku meelkasoo jeedaan Iskuna Fakaryihiin Cidkastoo Ku Sifoowda Tilmaamahaas Aan Kor Ku soo Xusnay Waxaa Ay Ku Cadaanayaan In Ay Yihiin Khawaarij Baneesatay Dadka Dhiigooda Lafahooda Maalkooda Sida Midoowga Khawarijta Alshar Iyo Xisbu Shaydaan Kuwaas Oo Caado Kadhigtay Xasuuqa Dadka Diidaynay In Lafaafiyo Diinta Islaamka Mid Dhintay Iyo Mid Noolna Aysan Kafakaneen Ayagoo Dilay Culimo Faradan Oo Faafinjirtay Diinta Islaamka Sida:

1. Sh. Xuseen Khaliif
2. Sh. Maxamed Ceelbuur
3. Sh. Maxamed jiilaani
4. Sh. Cali Cilmi Afyare
5. Iyo Culimo Farbadan oo Aanan Ku soo Koobin Karin Qoraalkaan.
In kabadan Intaas aan Soo Sheegnayna Kadiray Wadanka Ayagoo Kusameeyay Hanjabaad iyo Waxyaabo lamid ah ayadooy Haawanayaan Maasaajidii Diinta Islaamka Laga Baranjiray Sababna Ay u Noqdeen Midoowga Khawaarijta Alshar Alshayaadiin Iyo Xisbul Xasuuq.



Waxaa Diyaariayay Aqoonyahaniin Xeel Dheer U Leh Khawaarijta: By Omar Ma,alim Mahamuud
Cumer05@hotmail.com and junaydi99@hotmail.com





MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved