|
Maxay tahay ujeeddada wahaabiyadu?
Haddaba, sida aan qormadii hore ku xusnay, waxaa markii horaba loo aasaasay wahaabiyada in khilaaf diineed laga abuuro dunida muslimiinta dhexdeeda. Taas oo ay wahaabiyadu noqdeen dadkii koobaad oo la xulufooba gaalada, si ay u dhibaateeyaan dunida Islaamka.
Waxay taageero dhaqaale, hub iyo siyaasadeed ka helayeen dunida reer galbeedka, ayadoo aannu wada ogsoonahay ilaa iyo hadda xiriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeysa meeshaa ay ka soo aasaasmeen, oo ah Saudiga iyo ree galbeedka, ayna ku leeyihiin saldhigyada milatary ee ugu wayn Bariga Dhexe.
Waxaa sidaa fatwa ku dhiibay sheekhoodii Ibnu Baas, oo oggolaaday in Maraykanku kaga duulo waddanka Ciraaq, isla markaana waxaa laga dhaadhiciyay dadka aan fahan sanayn ujeeddada wahaabiyada, in wadammadooda islaamka ah ay Jihaad ka fuliyaan, halka kan diraya ee maalgalinayaana uu la bariisanayo kii gaalo oo dhan ugu waynaa.
Waxaan wada ogsoonahay in wadanka Saudigu maal galiyo dhammaan dadka ku qaraabta magaca islaamka ama loo yaqaan xag jirka, isla markaana ay marmarsiiyo u noqoto in ay reer galbeedku dhibaato u geystaan ama wiiqaan awoodda wadammada Islaamka.
Haddaba, waxaad mooddaa in ay wahaabiyada iyo xulufadooda reer galbeedku wali wadaan fulinta heshiiskii ka dhexeeyay sheekhoodii Maxamed Abdulwahaab iyo boqorkoodii Mohamed bin Saud, laakiin, uusan fahmin kan dabka ninka gurigiisii u diiday ugu soo dhiibay inuu ku soo gubo guriga hooyadii. Waxaa muhim ah inaan ogaanno in ay wahaabiyadu xukun doon yihiin, ka dibna saldhig reer galbeed yihiin, sida kuwayt, Saudi, Qadar iyo Aljeria.
Goorma ay Soomoalia yimaadeen maxayse ka qabteen ?
Waxaan ogsoonahay, ninkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee loo soo wakiishay fikirka wahaabigu wuxuu ahaa: Nuur Cali Colow oo ay u yaqaannaan wahaabiyada Soomaalidu Sheekh Nuuruddiin Alsalafi, oo isagu ka yimid sacuudiga horraantii kontomaadkii.
Ninkaas markii la maqlay afkaartuu wato aad iyo aad baa laysu waydiiyay. Xilligaas ayaana afkaarta wahaabiyada ugu horraysay dalka Soomaaliya. Wuxuu markii uu yimid duruus ka bilaabay magaalada Gaalkacyo, balse mudda yar ka dib, waxaa soo ifbaxay qaladaad faaxish ah iyo waxyaalo uu sameeyay oo aan horay looga filan culimadii dalka.
Waxaa laga cayriyay magaalada Gaalkacyo. Kadib waxaa magan galiyay, soona dhaweeyay rag ku noolaa magaalada Ceelbuur. Hasa yeeshee, in kastoo aanay tira badan ahayn, haddana wuxuu helay rag shabaab ah oo raacsan iyo weliba rag kale oo jagooyin sar sare ka haayay dawladdii xilligaas, oo lacag iyo maalgelin la daba joogsaday.
Sannadkii 1970 iyo wixii ka danbeeyay ayay dhaqaalo iyo taageero xooggan ka heleen wadanka Saudiga, ayna yimaadeen rag badan oo aaminsan fikirkaas, bilaabayna in ay ka qaraabtaan dadka da’yarta ah iyo kuwa aan diinta wax badan ka ogayn.
Bilowgii xilligii ay dawladdii milatarigu hogaaminayey qabsatay, shacabka Soomaalidu dhammaan waa soo dhoweeyey, waxay u muuqdeen kuwo waxqabad muujiyay. Qoladan cusub ee wahaabiyada laftoodu way la shaqeysteen dowladdii milatariga ahayd in muddo la, in kastoo aysan marna ka heli jirin taageeradii xad dhaafka ahayd ee ay ka heli jireen dowladdii musuq-maasuqa.
Muddo yar kadib, waxaa iska hor yimid ujeeddooyinkii loo abuuray wahaabiyada iyo maslaxaddii dowladda melatariga. Waxay markiiba wahaabiyadu bilaabeen in ay iska hor keenaan dowladda iyo shacabka. Waxay dowladdii u qaadatay raggan kuwo diin wada, waxayna dagaal diimeed kala hor timid culimadii dalka, oo ay ka dileen toban wadaad oo isugu jiray mudarrisiin iyo culimmo laga qab-qabtay masaajidda, ahaana gebi ahaan culimadii Ahlusunna Waljamaaca. Dhibaatadii ugu horreysey ee dadweynaha oo ka gadooday diinta lugu soo duulay iyo dowladdoodii ka dhex dhacda ayaa halkaa ka curatay.
Xilligaa bilowga ahaa wixii ka dambeeyay waxaa marba marka ka dambeeya sii yaraanayay kalsoonidii xukuumadda iyo shacabku ay isku qabeen. Wahaabiyada arrinkaasu waa anfacay, si xoog leh bayna uga faa'iidaysteen awooddaa dawladda ee sii daciifaysay iyo kacdoonka shacabka. Waxa u hawl yaraaday in ay dadka barnaamijkoodii ka dhaadhiciyaan, waxayna dalka si xoog leh usoo geliyeen dhaqamo cusub oo aan umaddu hore u lahayn.
Waxa ay iska horkeeneen waalidiinta iyo ubadkoodii. Waxa ay hantiyeen dhalinyaradii soo kacday. Waxa dalka aad ugu faafay niman culimo sheeganaya oo aad u dulqaad yar. Kuwo iyaga oo aan aqoon ku lahayn ka jawaaba madhab kasta. Waxa ay xalaashadeen in dadkii fikirkooda iyo siday u maleeyaan diinta khilaafsan ay ku tilmaamaan gaalo. Taas oo u sahashay in ay xalaashadaan xataa dilka iyo dhaca dadka.
Wahaabiyadu waxa ay ka qayb qaateen dumintii qaranka Soomaaliyeed iyada oo aan loo hayn wax u bedela. Waxa marar badan isu kay qaban waayay, marka aad weydiiso sababta ay u taageeraan xukunka faasidka ah ee Sucuudiga jawaabtooduna badanaa noqoto “haddii xukunkaa la rido fawdo iyo qas ayaa dhacaya. Sidaa daraadeed iyada oo aan la ballan qaadi karin waxa lagu bedelayo xukunkaas waxa habboon in aan lagu degdegin ridistiisa.”
Bal taa barbar dhig halka ay ka taagnaayeen ridistii maamulka Soomaalida iyada oo aan la qorshayn wixii bedeli lahaa. Waa yaab! Sow ma aha iyo hawlo kaleeto! Kadib markii ay dowladdii Soomaaliya dacday waa siday rabeene, waxay u qayla dhaansadeen Saudiga oo lacag iyo raashinba u soo dhoobay. Waxayna bilaabeen in ay dadkii tabaalaysnaa ee soo qaxay ku qasbaan in ay fikirkooda soo raacaan, haddii kale aysan shilin siinayn.
Waxay gacanta ku dhigeen dumar iyo caruur badan, halka nimanka caruurta dhalay lagaalaysiiyay gabdhihiina laga furay oo layska kaxaystay. Muddo haday saa ku wadeen, waxay is tuseen in ay hadda awood yeesheen waxayna la baxeen ururka Al Ittixaad AL Islaami, waxayna bilaabeen in ay fuliyaan dil, jeedal, gacma goyn iyo caga juglayn aan la waafajin sharciga ay sheegteen inay matalaan. Arintaasna waxay kicisay shacab badan oo awal culimamo u maleeyey kuna qadarin jiray diinta.
Intaa kadib ninkii madaxda u ahaa (Xasan Dahir Aways ) ayaa iclaamiyay jihaad, waxayna ugu horrayntii ka bilaabatay gobollada Buntland halkaas oo lagu jabiyay cududoodii military. Intaa kumay harine, waxay dib isugu uruursadeen gobolka gado. Xasanna waa nin ay meeli u caddahee, mar kale ayuu amray jihaad lala galo dadka deegaanka iyo maamulkii markaa ka jiray gedo.
Waxay wahaabiyadu halkaa ugu jabeen sidii hore si ka daran. Mar saddexaad ayuu Xasan dib u abaabulay ururkiisii Al-Itixaad, kuna magacaabay “Maxaakiimta Islaamiga”, waxayna ka adkaadeen hoggaamiya kooxeedyadii ka soo horjeeday. Isla markiiba, wuxuu ku dhawaaqay in ay weerarayaan dhammaan goballada dalka iyo wadammada dariska ah, taas oo – Ilaah mahaddii - soo dadajisay in ay fashilmaan. Haddaba tacaddiyadii ay gaysteen xilligii maxkamadaha iyo ka dibba waxaan ku eegi doonnaa maqaal gaar ah. --- waa socotaa ---
Adan Maxamed
|