Siyaaradii 26aad ee Caalimkii Weynaa Sh: C/man Sh: Cumar iyo tii 7aad ee Sh: Muxumed Sh: C/raxman 1428H iyo 2007 { 16 Nov 2007}
waxaa la daabacay Fri 16 Nov 2007 02: 02: 30
Siyaaradii caalimiintii waawaynaa ee caarifiinta ahaa Sh. C/raxmaan Sh. Cumar iyo Sh. Max'ed Sh. C/raxmaan ayaa ka dhacday meela badan oo adduunka ka mid ah

Iyadoo ixtifaalka ugu waynaa uu ka dhacay halka ay ku aasan yihiin mashaaikhda oo ah Deggaanka Warshiikh ee G/sh/dhexe oo 60 Km dhinaca bari Muqdisho uga beegan.


Warshiikh ayaa ah jaamacadii ugu wayneed ee ay mashaaikhda ka fidin jireen diinta, Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo ahaa sheekh caan ka ahaa Dalka gudihiisa iyo Dibada ayaa waxaa uu  saldhigyo diineed ku lahaa  magaalooyinka Warshiikh, Cadale, Muqdisho, Marko, iyo Magaalada Baraawe. 


Sheekha (RC)  ayaa Culuumta Carabiyada, Tafsiirka, Axadiista Rasuulka CSWS, Caqiiddada, Fiqhiga, Taswufka iyo funuun badan oo kamid ah culuumta Diinta Islaamka ku bari jiray talaamiid aad u fara badadan magaalooyinkan iyagoo ka imaan jiray gobolada dalka oo dhan, 


Caalimkii  waynaa ee ahaa curadkii Sheekha  Sh: Max'ed Sh: C/raxman  ayaa halkiisii  kasii waday dadaalkii  iyo tartiibtii sheekhu ku howlanaa markii uu noolaa    kadib markii sheekhu geeriyooday iyo markii uu noolaa intaba.



Sheekh Mux'ed ayaa maqaam weyn iyo  martaba ku gaaray faafinta iyo ixtiraamka mashaaikhda oo ugu horeeyo waliga Ilaahay waalidkiisana ahaa  Sh c/raxmaan  .


Sidaa si la mid ah Sh maxamad Sh c/raxman waxa uu geeriyooday iyadoo lugu guda jiro siyaaradii aabihiis sh c/raxmaan, sidaa darteed labada sheekh Allaha ka raali noqdee  ayaa iskumar lawada xusaaa


 


Siyaarada  Masha'ikhdu ayaa  socotay muddo bil ah, waxayna bilaabatay  14 bisha Dul-xijjah waxaana la soo gaba gabeeyay 13 bishaan Muxaram.
Qur'aan aqriska siyaaradada ayaa  bilaawday 14 Dul-xijjah, Subac Qur誕ankuna wuxuu bilaawday 01 bisha Muxaram, deetana  banaan baxyada siyaarada ayaa  kala dhacay 10  iyo 12 bishii Muxaram ee sanadkaan1428 H 


Siyaarad ayaa waxa ka soo qayb galay mashaa段kh aad looga yaqaan dhamaan qaybaha wadnka, waxayna dadka u soo jeediyeen wacdi tabanaya mawaadiic kala gadisan si ay ummada ugu faa段deeyaan, sidoo kale waxay Ilaahay uga baryeen Ummada soomaaliyeed in nasri iyo is faham uu soo dajiyo



Mashaa段khdii ka hadashay sidyaarada waxaa ka mid ahaa saaxibu sajaadaha Al-sayid Sh Qaasim Sh C/raxmaan ,Sh Axmad Sh Maxamad Xasan (SH Axmad Gaballe)  iyo Naaibka Adriiqada Qaadiriyada Sh Maxamad Xasan iyadoo gababadiina uu halkaas ku bixiyay Sh Axmad Sh Uways Sh Muxyidiin Sh Uways Al Qaadiri oo ah saaxibu Sajaadaha dariiqada Sh Uways Al Qaadiri



Culamaa置diinka ka soo qayb galay siyaarada sidoo kale waxa ka mid ahaa:


      Sh: Xuseen Sh: Max'ed Fiqi Yuusuf


      Sh Max'ud Sh: Xasan Faarax (Gudomiyaha Ahlu suna Waljamaca)


      Sh: Muuse Maracade


      Sh: C/raxman Sh: Cade Sh: Iker Sh:Max'ed Sh.Suufi


      Macalin Nuur Max'ed Siyaad


      Sh: Max'ud Ow C/lle Cariif


      Sh C/risaaq Sh: Xasan Cadow


      Shariif Aba Nuur Shariif Haashim


Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay:


Z     Reer Sh: Max'ed Nuur Luqmaan


Z     Reer Shiikh Axmed Xaaji Cabdi


Z     Ree Sheekh Yuusuf Direed


Z     Reer Sheekh Cali Cilmi Yare


Z     Reer Shiikhaal Looboge



Iyo masha'ikh iyo Jamaacooyin kale oo aan halkaan lagu soo koobi Karin .


Alxamdulilaah siyaaradu waxay ku dhamaatay jawi nadadeed Ilaahayna waxan ka tuugayna in uu nagu gaarsiiyo siyaarada  xigta barwaaqo iyo bashbash.


Qabanqaabada iyo isku dubaridka sidyaarada waxa lahaa Awlaada sheekha Ilaahay haku abaal mariyo kheyr aan lasoo koobi Karin.



 C/raxman sh: C/laahi farxad95@hotmail.com






MAWAALIDDA SANADKA 1430
إحتفال مولد النبي صلي الله عليه وسلم MAWAALIDDA SANADKA 1430


Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved