Dagaalla qaraar ayaa duleedka magaalada Dhoobleey ku dhex maray khawaarijta shabaabka iyo malayshiyada Axmad madoobe oo beryahanba u diyaar garoobayey sidii ay dib ugu soocelin lahaayeen colaadohoodii soo jireenka ahaa.
Axmad Madoobe oo dadka qaar sheegayaan in uu taageera ka helay degaanka iyo wadaadka imaamka Masajidka sigiska ee xaafadda Islii ee Magaalasa Nayroobi Maxamad Cabdi UMal ayaa wararku tibaaxayaan in uu isagu soo qaaday weerarka.
Dagaalka oo ahaa mid aan wax laysula harin, laysuna adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa daryaanka madaafiicda laga maqlayey magaalada dhoobleey oo xabbaddu aad ugu soo dhowaaatay.
Kooxda Axmad madoobe ayaa wacad ku martay in aan khawaarijta Al-Shabaabku aysan nabad ku ledin, ayna dagaal ku ekeynayaan deegaannada ay shabaabku gobolka ka joogaan.
Dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa wixii ka soo cosboonaada dagaallada ka sooo cusboonaaday gobolka Jubbada Hoose ee dalka Soomaaliya.
Ahlusunna.org