Al-Shabaab oo xukumay in uu gaaloobay Sheekhooda Cumar faaruq, Gabayna ku caayey. { 21 Jul 2010}
waxaa la daabacay Wed 21 Jul 2010 15: 50: 47

Khawaarijta Al-Shabaab ayaa goob kasta oo ay adduunka ka joogaan waxay ka shaaiyeen in uu Riddoobay uuna diinta ka baxay Cumar faaruq oo ah seekha labaad ee ugu weyn Wahaabiyada Soomaaliya.

Idaacada   Alfurqaan ee ku hadasha codka Wahaabiyada ayaa ilaa iyo hadda weli faafinaysa dhalleeceyn ka dhan ah sheekhoodii u xalaalayn jirey laynta ummadda iyo xalaalayta dhigga muslimiinta.

Webka Soomaali memo ee ku hadla codka khawaarijta Alshabaab ayaa ka mid ah kuwa faafiya diin la'aanta cumar faaruq iyo in uu iishay.

Comants lagu faafiyey webkan tayada liita ayaa lagu daabacay gabaygan oo uu ku sheeganayo in uu Cumar faaruq xujadii seegay oo macnaheedu yahay in uu diinta ka beyray uuna yahay nin diinta xaasidey isla markaasna xooray ku dhaqankeeda.

wuxuuna gabaygu u qornaa sidan.

Waadada xujadu seeg tayee khayrka ximi naaya

Wadaada sharciga xaasidee xooray dhaqan kiisa

Xurquun doonka nimankaa ahee quudka xula naaya

Ilaah baa xigmadi wayn tohoo uunka xakamayne

Ruuxi an xisho nayn asay xaajadii tahaye

Xilma dhibe wadaadiyo wayaan waa xag noo simane

Xabashiyo nasaarada ninkii biirsha xoo gooda

Xawl mariidka hoosiyo wadnaha cadawga loo xiirye

Xaasidoo dhan wuu jabay xayskan maan taahe

Xamdi baan unaqaynaa ilaah cadaw haduu xaaqmay

MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved