Waxaan maanta degmada xagar ee gobalka jubbada hoose ay shabaabku ka gaysteen dhaqan doorin iyo diin beddelid ay u geysteen odayada dhaqanka, waxayna wararku sheegayaan in odayadaas ay shabaabku muddo todobo cisho ah xoog ku haysteen.
Wararka aan ka helayno degaanka Xagar ayaa sheegaya in khawaarijta shabaabku ay odayaasha u sheegen in ay waaajib tahay in ay qiraan kuna dhawaaqaan in ay gaalo ahaayeen aabbayaashood iyo awoowayaashoodba.
Khawaarijta Shabaabka ayaa odayaasha u sheegay in uu mushrik yahay qofkii aan qaadan Tawxiidkii Muxammad C/Wahaab, uuna mutaysanayo in surka laga goynayo sida ku dhacday dad fara badan oo aad qaarkood garanaysiin.
Odayaasha degmada Xagar ee Gobolka Jubbada hoose ayaan iyagu awoodin in ay doortaan ama ku hadlaan rabitaankooda wax xorriyad ahna heysan waxaase layaab leh saxaafadaha soo qoray in odayaashaas ay shabaabku siminnaar u soo gaba gabeeyeen; dad xor ah ayaa siminnaar loo qabtaa sidaas waxaa yiri nin reer xagar dheer ah oo arrim ammaan awgeed magaciisa qariyey.
Ma aha Degmada Xagar oo keli ah dhammaan degaannada ay khawaarijta shabaabku xoogga ku haystaan ayaa ah kuwa ay dadku kadeed kala kulmaan gumaysiga iyo naxariis darrada Shabaabka.
ahlu sunna media kala soco Warar, Baraamij iyo Xogo joogta ah.