Shabaabku yey uga daysadeen Falalka ay samaynayaan. (Qaybtii 11-aad ) { 13 Jun 2010}
waxaa la daabacay Sun 13 Jun 2010 18: 33: 55

 


Qoraalkii hore ee mawduucan waxay
aqristiyaasheennu nasoo gaarsiiyeen su´aalo badan oo ay ka mid tahay su´aasha
ah sidee dad muslim sheeganaya
  ay
kitaabbo ugu qori karaan ama ugu hadli karaan  aflagaaddada cad ee ay u
gaysteen Haweenka Rasuulka CSW ´ Asharaafta aalu Baytka Rasuulka CSW ´
 
Aqriste ka mid ah dadkiisu’aalaha
naga soo weydiiyey qormooyinkii Mawduucaan ayaa yiri :


Waxaan  aad uga xanuunsaday
´aadna ula yaabay xadgudubka iyo gaalaysiinta aan cidna reebin ee ay sameeyeen
Muxammad C/Wahaab , Albaani , Bin baas , Cusaymiin , C/Raxmaan Wakiil iyokuwa
ku caqiiddada ah ee ayku abtirsadaan Wahaabiayda Caalamka oo ay ka mid yihiin
Shabaabka Soomaaliya 



La yaabka kaas ka darnaa wuxuu ahaa
markii uu qoraalku ku dhammaaday in qormada soo socota ayka darantahay qormadii
hore .


Haddaba , aqristoow aan idin soo
gudbinno , halkiisiina idinkaga sii wadno xad gudubyadii ay sheekhyada Shababku
u gaysanayeen diinta Islaamka iyo ehelkeeda ; waxaana casharkan ku qaadanaynaa
Kitaab ka midah kuwa ugu caansan kitaabbada Wahaabiyada oo lagu magacaabo :-
 



 الفكر
الصوفى على ضوء الكتاب والسنة لعبد لرحيم عبد الخالق


 Al-Fikru Suufi Calaa daw'il Kitaabi wa sunnah!!! , 


kitaabkan waxaa qoray Wahaabiga la
yiraahdo Cabdu Raxiim Cabdul Khaaliq , waxaana kitaab taqriiray , ammaanay ,
faafiyey , maal giliyey  , sheekhyada ugu wawayn wahaabiayda caalamka sida
noogu imaan doonta isla
qoraalka.                                                                                 


Muqaddimada dabcada labaad ee soo
baxday 1464 hijriya oo ku beegan 2003 waxay wahaabiyadu ku gaalaysiiyeen , kuna
caayeen Imaamyaalka diinta Islaamka iyo suufiyada
  diinta ku
raacday.               
 
 قال عبد الرحمن عبد الخالق - مؤلف هذا الكتابفى مقدمة الطبعة الثانية ص5 : فإن أعظم فتنة ابتلى بها المسلمون قديما وحديثا هى فتنةالتصوف .


Bogga 5-aad ee kitaabka waxay ku
qoreen : " in fitnada ugu weyn ee Muslimiinta lau ibteleeyey waqtigii hore
ee Islaamka iyo waqtiga danbeba ay tahay fitnada
suufiyada                                         
 
 
 وقال فى
ص 6 واختص المتصوفة أنفسهم وهم بوجه عام من الزنادقة المبتدعين والكفار المستترين
بأنهم أهل العلم للدني ، والحقيقة. واستطاعوا بذلك أن يدخلوا كل ما سطره الكفار
والزنادقة إلى عقائد المسلمين وأول ذلك ما يسمى بعقيدة وحدة الوجود التى تنادى بأن
الوجود كله وحدة واحدة فلا خالق ولا مخلوق ، الكل عين واحدة وحقيقة واحدة


Isla bogga 6aad ee kitaabkan waxay
wahaabiyadu ku sheegeen in suufiyadu ay Yihiiin sanaadiqa dib laga soo
amaamuday iyo gaalo isku qarinaysa in la siiyeen cilmi loo hibeeyey iyo Cilmul
Xaqiiqah.                                                  
 


Waxayna awood u yeesheen oo u
suurtowdey  Suufiyada ayey yiraahdeen in ay
caqiiddada      muslimiinta - diinta Islaamka - ay soo
dhex        geliyaan wax kasta oo ay qoreen
gaalada iyo     Zanaadiqadu , waxaana gaalnimadaas
Suufiyadu keentay ugu horeeya ayey yiraahdeen
                 
 wahaabiyadu
 Wuxdatul Wujuud , oo ah in waxa jira oo dhan ay isku mid yihiin oo
ay yihiin hal         wax ,  ( oo
uu uga jeedo waa Isku mid Alle iyo wax kasta!!! )


 wahaabiyadu waxay kitabkan iyo kii ka
horreeyeyba ku qorayaan in  Suufiyadu
                  
aamminsan yihiin gaalnimada heerkaas ah             
    gaalnimada sheegaysa in Rabbi iyo wax kasta oo jira ay isku
hal wax yihiin , Allaha naga koriyo been abuurka heerkaas
ah.                         


Isla boggan 6aad waxay wahaabiyadu ku
sheegeen in suufiyadu aamminsantahay                                                                 
 
الوجود كله وحدة واحدة فلا خالق ولا مخلوق ، الكل عين واحدة وحقيقة واحدة


In waxa jira oo dhan ay yihiin hal
wax oo isku mid ah , oo aanu jirin Alle wax abuuray iyo makhluuq la abuuray ,
oo Alle iyo addoominkiisa uu
   abuuray
ay isku mid
yihiin                                                                          
 
Been abuurkaas ku dhisan gaalaysiinta
iyo Takfiirka ayey wahaabiyadu sii wadeen ilaa ay ka yiraahdaan :


 فالجنة والنار والرسل ولشياطين والمؤمنون والكفار ولطهارة والنجاسة ، والشرك والتوحيد شيئ واحد وذات واحد  ة . 
Waxay yiraahdeen Suufiyadu waxay
aamminsanyihiin Jannada iyo naartu waa isku mid , Rasuullada Ilaahay soo diray
iyo Shayaadiintu waa isku mid , Muuminiinta iyo gaaladu waa isku mid ,
Dahaarada iyo Nijaasadu waa isku mid , shirkiga , gaalnimada ah iyo Tawxiidku
waa hal wax oo isku mid ah , intaas kuma ekeyn caayda iyo been abuurkee waxa ay
wahaabiaydu sii raacsiiyeen oo ay hseegeen :


 ولا فرق
بتاتا – عندهم – اى الصوفية - بين موسى وفرعون ، وإبليس أفضل من محمد صلى الله
عليه وسلم .
 
in suufiyadu aamminsanyihiin in aan
wax farqi ah aanu u dhexeyn oo ay isku mid yihiin Nabigii Ilaahay ee Muuse CSW
iyo Fircoon – oo ah gaalkii Ilaahnimada sheegtay , lacnadi ha ku dhacdee -


Intaas waxay wahaabiyadu racsiiyeen
been abuur iyo gaalaysiin ka sii daran intaas oo dhan waxayna yiraahdeen :
"Suufiyadu waxay aamminsanyihiin " in Ibliis uu ka fadli badanyahay
Nabi Muxammad CSWS”.
 


Gaalaysiintan caaydan iyo fadeexadan  ku qoran kitaabbada  wahaabiayda
waa mid ay wada aamminsanyihiin wxaana caddayn iyo tusaaleba u soo qaadanaynaa
3 saddex tusaale oo kala ah ...


  Waa socotaa --------


 


 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved