|
Wadajir waa wardheer yehee inleeys walaashadaan wadaa Waaayeelki aad wakiilateen in laga warsugaan wadaa Wacdigu waa wacan yehee in weel lugushubtaan wadaa Inaan waraabka leeysla weeyn oon la kala weecanaan wadaa Dad aa u waashay wax naqee in leeys ka waabiyaan wadaa Haddii ad waddo weesa qaad wiji ilaaw war meey naqee Wadaad nimada waalidaa wax kalaa lagu hoos wataa Wiyilaa kugu weeyraxdee waranka qaado warsamoow
Waxdheef
iyo wasiirku doon warjeefka diinta waa wareer Waxma garatadaa wadee waaxweeyn ma gaarin weligood Wardheer nimeey ka soo wadeen aa wambardhigtay wanlaweyn Wiilashi aaway weligood waddanka ka ahaay wakiil Waaxid inya wakiilatiin waranka maad weheshatiin Wahaabiga waziristaan weerar ku qaada weligiin Wahaabiyada waalidaa wadanka waa wareeriyeen Wadaad la duugay waa horeey si waaliya u soo wafeen Warisadoon la warsaneey sida waxar gebdhuu wateen Sida wan oo kaloow wadaa lamana warsan waalidkeen Wadaad ku sheegta wasaqda waxeey wadaan wanaag miyaa Ineey nagu wanshiirisaa wahaabiya ma waajibaa Inaan wankeenna waagashoow wahaab u loogno warmiyaa Inoow werista kaa watee wiiqdeedu yeerto warmiyaa Inoow wixii wanaagsanaay kaa weeciyo ma waajibaa Waxii wanaaga waaxidoow adigaan ku wakiilanee Wahaabiyaa na weerartee naga wad ku wakiilanee
|