فقبح الله من أبو جهل أعلم منه بأصل الإسلام
Wejigiisa Allaha dooriyo kuwa Abuu Jahal uu ka aqoon ogyahay Asalka Islaamka .
Hadalkan takfiirka ah ee muxammad Cabdul Wahaab ku sheegay in abuu Jahal uu culammada Islaamka ka aqoon ogyahay Asalka Islaamka oo ah أشهد أن لا إله إلا الله وأشهد أن محمد رسول الله .
Waxaa sii caddeeyey C/Raxmaan Bin Xasan Bin Muxammad Bin Cabdil- Wahaab oo ku caddeeyey Kitaabkiisa uu ku sharxay kitaabu Tawxiid-ka Muxammad C/Wahaab .!!! kitaabkan oo ay ku magacaabeen Qurratul Cuyuunil Muwaxidiin waxay boggiisa 19aad ku qoreen Wahaabiyadu :
– اى – فصار أولئك المشركين أعلم بمعنى هذه الكلمة – اى لااله الا الله – من أكثر متأخرى هذه الأمة لا سيما أهل العلم !!! منهم الذين لهم دراية فى بعض الأحكام وعلم الكلام .
Kuwaas gaalka Abuu Jahal uu ka aqoon ogyahay macnaha Asalka Islaamka oo ah Laa Ilaaha Illallaah ! wax weeyaan ; :
Inta badan Ummaddii danbe oo ka dadanbaysey saddexdii qarni ee ee ugu horreysey Islamka ; waxaana ugu daran dadkaas abuu Jahal ka aqoon ogayahay Tawxiidka " dadka Ahlul Cilmiga ah ee aqoonta durugsan uleh qayb ka mid ah Axkaamta Diinta Islaamka iyo Cilmiga Caqiiddada Islaamka.
Walaalaha Muslimiinta ahoow wweligiin ma Islahaydeen Qof Muslim ah ayaa oran kara Dadka Muslimiinta ah siiba kuwa Diraayada uleh Axkaamta iyo Caqiiddada diinta Islaamka ayaa ka liita oo tawxiidka uga aqoon xun Abuu Jahal iyo Mushrikiintii la midka ahayd سبحانك هذا بهتان عظيم .
Weliba kitaabkan uu Maxammed C/Wahaab ku magacaabay kitaabu Tawxiidka ee uu ku gaalaysiiyey musliminta iyo Culammadoda , ama Imaamyaalka diinta Islaamka waxay Wahaabiyadu u aqoonsadeen kitaab Muqaddas ah oo lagama hadlaan ah , qofkii aan rumaynna uu yahay mushrik iyo Khuraafi .
Sidaas darted kitaabkooda ay ku magacaabeen Qurratul Cuyuunil Muwaxidiin boggiisa 63aad waxay ku dheheen : كتاب التوحيد – لسيخ محمد عبد الوهاب – ما لا يعذر أحد عن مغرفته –
Kitaabka Tawxiidkaa ee uu qoray Muxammad Cabdil Wahaab qofna loogu cudur daari mayo in aanu baran!!!"
Subxaanallaah !! xataa muslimiintu gaal kuma shegaan qofkii aan baran kitaabka Quraaanka , laakiin wahaabiyada ayaa sida aad kitaabbadooda iyo dhaqankooda ka arkaysaan ah kooxo takfiir ah muslimiinta u yaqaan mushrikiin iyaguna isu yaqaan Muwaxidiin .
Isla maxammed C/Wahaab wuxuu kitaabkiisa Kashfu Shubhaat boggiisa 6aad ku qoray : " in Caammada ama dadka aan lahayn aqoonta diinta Islaamka ee isaga raacay ay yihiin Muwaxidiin kuwa aan raacinna ay yihiin Mushrikiin gaalo ah , Markaas ayuu yiri : والعامي من الموحدين يغلب ألفا من علما هؤلاء المشركين
Caamiga ka midka ah muwaxidiinta wuxuu ka adagyahay kun ka mid ah culammadaas mushrikiinta ah.
Sababta ay uga adkaaanayaan isla kitaabkkiisan kashfu Shubuhaat ayuu ku shegay muxammad Cabdul Wahaab , wuxuuna ku yiri haddii culammada mushrikiinta ah aayad Quraan ah ama xadiis idiin sheegaan adna aadan waxba aqoon waxaad ku dhahdaa :
وما ذكرته لى ايها المشرك من القران او كلام النبي لا أعرف معناه
Gaalyohow Quraanka iyo Xadiiska ma aqaan macnihiisa !!!".
Subxaanallaah ha la yaabina shabaabka Soomaaliya ee laynaya culammada iyo wax tarka ummadda , waayo waxaas ayaa la soo baray , weyn joogaan nimankii baray , oo ah niman ilaa iyo hadda fursad u haysta in dadka Soomaaliyeed ay yaqaaniin wadaaddo , kuna sheegaan sheekhyaal waawayn .
Su'aasha kale waxay taha shabaabku ma gaarsiiyeen takfiirka iyo gaalaysiinta heerkan uu gaarsiiyey Maxammed C/Waahaab oo ah sheekha wahaabiayda , ahna ninkii aasasay fikradda ay shabaabku dadka ku laayaan.
Su'aasha kale waxay tahay shabaabku weli ma gaareen in ay ku hadlaan hadallada takfiirka ama gaalaysiinta ah ee uu maxammed C/Wahaab ku hadlay , kuna qoray kitaabbadiisa uu ku magacaabay kitaabbada Tawxiidka , kitaabbada Usuusha Islaamka , kitaabbada Muwaxidiinta iwm.
· Shabaabku ma yiraahdeen : waa gaal qofkii aan wahaabiya ahayn ee daliishada Quraan iyo Axaadiis .
· Ma yiraahdeen Abuu Jahal ayaa caalimka ku ah Tawxiidka kana aqoon og tawxiidka Imaamyaalka fiqhiga iyo Caqiidada.
· Ma yiraahdeen halka nin ee Jaahilka ah ayaa ka fiican oo ka adag kun Caalim .
Dhammaan arrimahaas waxay kuu caddaynayaan in shabaabku aanay weligaarsiin gaalaysiinta iyo dacninta culammada heerka uu gaarsiiyey Muxammad Cabdul Wahaab. waxaa diyaariyey lajnada Wacyi gelinta Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.
Lajnada wacyi gelinta Ahlu sunna wal-jamaaca
info@ahlusunna.org
|