kala baro Bidcada iyo Ahlu sunna wal-jamaaca . { Casharkii 6-aad } { 17 Mar 2010}
waxaa la daabacay Wed 17 Mar 2010 23: 11: 53

 


Qarnigan 4-aad  oo ah Qarnigii la Xiriirey salafu Saalixa waxaa dariiqa Mustaqiimka ee xaqa ah ee laga dhaxlay Rasuulka CSW iyo Salafka suubban hoggaaminayey imaamyaalkii diinta Islaamka ee aan soo sheegnay iyo kuwa aan sheegi doonno Inshaa'allaah; oo ah Imaamyaalka Suufiya , 4-Ta Mad'hab Ashcariya iyo Maaturiidiya. Mana jiro hal Imaam oo aan waqtigaas u nisba sheegan mid ka mid ah dariiqada iyo Madaahibta aan soo sheegnay.


Axaadiithta faraha badan ee laga weriyey Rasuulka CSWS ee  ammaanaya isla markaana caddaynaya fadliga Imaamyaalka diinta Islaamka ee ahlu sunna wal-jamaaca ee soo tixnaa ilaa saxaabadii  waxaa ka mid ah


افترقت اليهود على إحدى -أو اثنتين - وسبعين فرقة، والنصارى كذلك، وتفترق أمتي على ثلاث وسبعين فرقة، كلهم في النار إلا واحدة"، قالوا: من هي يا رسول الله؟ قال :  "ما أنا عليه وأصحابيو  "فى رواية  : "وهى الجماعة"


Yahuud waxay u kala baxday 71 ama 72 kooxood Nasaarana sidoo kale ayey ukla baxday , ummaddayduna waxay u kala baxaysaa 73 firqa dhamaantood naarta ayey gelayaan hal mid mooyee. Saxaabada Allaha ka raalli noqdee waxay Rasuulka CSWS weydiiyeen : "Rasuulkii Ilaaheeyoow waa tuma halka firqa ee bad baadeysa ? " markaas ayuu Rasuulka CSWS ugu jawaabay  "ما أنا عليه وأصحابي "


 "Waa arrinka aan ku sugannahay aniga iyo Saxaabadaydu " .


Rasuulka CSW riwaaya kale ayuu ku caddeeyey cidda ku sugan dariiqaas ay ku sugnaayeen Rasuulka CSWS iyo Saxaabadiisu , wuxuuna ku jawaabay markii la weydiiyey firqada Badbaadeysa ee Ahlul Xaqa ah  " هى الجماعة "


"Waa Jamaacada" ( ahlu sunna wal-jamaaca waqtigii Rasuulaka Ilaa Qiyaamuhu ka soo dhowaanayo oo ifka laga qaadayo ruuxda muuminiinta)


(الجماعة ): أَيْ أَهْل السنة والجماعة – أهل الْقُرْآن وَالْحَدِيث وَالْفِقْه وَالْعِلْم الَّذِينَ اِجْتَمَعُوا عَلَى نهج الرسول صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ , والصحابة , والسلف الصالح ومن سلك مسلكهم الى يوم الدين .


  


Jamaacadu waa ahlu sunna wal-jamaaca . Imaamyaalka culuumta Quraanka , Axaadiista Rasuulka CSWS , Fiqhiga  iyo dhammaan culuumta kale ee diinta Islaamka.


Waana kuwa ku kulmay – oo isku raacsan dariiqa Rasuulka CSWS , dariiqa Saxaabada , Salafu Saalixa iyo kuwa raacay waddadooda ilaa Qiyaamaha.


Axaadiistan macnahoodu isu dhow dhowyahay  waxaa Rasuulka CSWS ka weriyey Saxaaba badan (RCM) oo ay ka mid yihiin :  


 عبد الله ابن عباس وعبد الله ابن عمر , وأبو الدرداء،  ، وسعد بن أبي وقاص، وعبد الله بن عمرو بن العاص، وعَوْفِ بن مالك، ومعاوية، وواثلة، وأبي أمامة الباهلى رضوان الله عليهم أجمعين


Cabdu llaahi ibnu Cabbaas , Cabdullaahi ibnu Cumar , Abu Dardaa , SAcad Ibnu Abii Waqaas , Cabdullahi Ibnu Cumar Ibnul Caas. Cawf Ibnu Maalik , Mucaawiyah , Waa'ilah , Abuu Umaamatal Baahili , dhamaantood allaha ka raalli noqdee.


 Imaamyaalka SAxaabadan ka weriyey waxaa ka mid ah:


 الإمام أحمد، والدارمى ,  وأبو داود، والترمذي، وابن ماجه , والطبراني وابن حبان، والحاكم،  وابن أبى الدنيا وابو يعلى الموصلى , وغيرهم بألفاظ متقاربة.


Imaam Axmad , Imaam Al-Daarami , Imaam Abuu daawud , Imaamu Tirmidi , Imaam Ibnu Maajah , Imaam Dabraani , Imaam Ibnu Xibbaan , Imaam Xaakim , Imaam Ibnu Abi dunyaa , Imaam Abuu Yaclaa iyo imaamyaal kale Raxmada Rabbi Allaha ku mannaystee.


" ذلك فضل الله يوتيه من يشاء "


"Kaasi waa fadli Ilaahay siyo ciddii uu doono"


 Haddaba sidii aan ku soo barannay casharradeennee hore ee taariikhdii salafka suuban iyo abtiriskooda dineed ilaa Rasuulka CSWS ,  madaahibta 4-ta ah Suufiya , Ashcariya iyo Maaturiidiya ayaa imaamyaalku uga marqaati kaceen in ay yihiin  janaacada uu ammaanay Rasuulku  CSWS.


 


Sidaas darteed , caalimiinta ku abtirsada Afarta mad’hab , Suufiya , Ashcariya iyo Maauriidiya ma aha kuwa mar baaba’a marna soo baxa sida bidcooyinka; waa kuwa jooga Qarni kasta; sidaas awgeed , ku sifoobay Xadiskii Rasuulka CSWS uu ku tilmaamay firqada xaqa ah ee uu sheegay in aanay weligeed kala go’ayn.


 


عن المغيرة رضى الله عنه : "لا يزال طائفة من أمتي ظاهرين حتى ياتيهم أمر الله وهم ظاهرون " رواه البخاري ومسلم عن ثوبان , وبعده: " لا يضرهم من خذلهم حتى ياتى أمر الله وهم كذلك" .


 Waxaan soo ogaannay sida saddexdii qarni ee aan soo xusnay ay isugu xirnaayeen Rasuulka CSW Asxaabta , Taabiciinta , iyo imaamyaalka madaahibta iyo Tasawufka ; haddana waxaan halkaan ka sii wadaynaa qarniyada dhimman  oo uu ugu horreeyo :-


Imaamyaalkii Qarnigan


Imaamyaalkan ugu horreeya Qarnigan afaraad ee hijriga waxay cilmiga ka barteen Imaamyaalkii qarniga 3-aad ee salafu saalixa ahaa . sidaas darteed


Waa kuwii Rasuulka CSWS uu yiri ,  " ما أنا عليه وأصحابى "


cilmigoodu waa cilmigii salafka ee saxaabada Taabiciinta iyo taabicu taabiciinta.


Qarnigan waxaa la qoray fanniga Cilmul-Xadiiska ee loo yaqaan Musdalaxa, waxaana qoray Imaam Raamhurmusiy,  waxaa la xoojiyey diiwaaninta cilmiga caqiiddada oo qawaaciddiisa laga soo guuriyey salafkii suubanaa. waxaan caalimiinta cilmigaas u istaagay imaamyaal u ahaa : Imaam Abul-Xasan Al-Ashcari iyo Imaam Abuu Mansuur Al-Maaturiiddi.


 Waxaa kale oo qarnigan ku sugnaa Imaamyaalka ugu waawayn ee wriyey kutubta ugu waawayn Axaadiista ee ay ugu horreeyaan saxiixul-bukhaari iyo saxiixul-muslim. 


Waxaa qarnigan 4-aad culamma u ahaa imaamyaal ahlu-sunna ah oo  isugu jira Culmmada tafsiirka Axaadiista , caqiiddada , Fiqhiga , Tasawufka, Carabiyada iyo dhammaan culuumta diinta Islaamka .


Dhammaan imaamyaalka aan ku sheegi doonno qarniyada soo socda oo uu ugu horreeyo qarniga 4-aad waxay isugu jiraan culamma haysata 4-ta mad’hab , Ashcariya Maaturiidiya ama suufiaya , lagama yaabo in aad ka hesho hal Imam oo aan intaas ka mid ahayn. Imaamyaalka Qarniga 4-aad waxaa ka mid ah:


 Imaamu Daxaawi , Imaamu-Dabraani , Imaamu Daaraqudni , Imaam Ibnu Sunni, Imaamul Jassaas, Imaam Qafaal Al-Shaashi , Imaam Abuu Sayd Al-Marwasi Imaam Abii sayd Al-Maaliki , Imaam Ibnu Sayd Al-Qaswiini, Imaam Ibnu Mujaahid, Imaam Ibnu Xibbaan , ImaamUl-Khaddaabi,  Imaam Abu-Shaykh, Imaam abuu Nucaym Al-asbahaani, Imaamul-Khiraqi Al-Xanbali, Imaamu Sacluuki , Imaamul-Asfaraayiini, Imaamul-Baaqillaani , Al-Imaam Nasri Abaadii, Imaam Jaluudi Al-suufi (raawiga saxiixu Muslim)haddaba sow ma cadda in ay yihiin kuwii Rasuulka CSWS, uu ku sheegay jamaacada maadaama sida aad arkaysiin ay ugu xiranyihiin Salafkii suubanaa Ilaa iyo Saxaabada Allaha ka raalli noqdee .


وهى الجماعة – أى أهل العلم والورع .وهم الفرقة الناجية أهل السنة البيضاء المحمدية والطريقة النقية المباركة.


 


Lajnada Waciyi Gelinta Ahlu Sunna Wal-Jamaaca


ahlusunna.org






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved