Kitaabkii Xuska dhalashada Nabiga SCWS . JAWAAB CELINTA TASH WIISHKA MAWLIID DIIDKU KU FURAAN XUSKA DHALASHADA {ISTIQAATHADA & MAWLIDKA } { 17 Mar 2010}
waxaa la daabacay Wed 17 Mar 2010 00: 30: 50

Kuwa diida Xuska Mawlidka Rasuulka SCW waxay ku eedeeyaan in kitaabka mawlidka ay ku qoranyihiin abyaat Istigaatha ah. Culammada caqiiddada wanaagsan waa ogyihiin in bidcadu Istigaathada u yaqaaniin Shirki, Waxaa kale oo ay ogyihiin in Imaamyaalka Salafku isku  raacsanyihiin bannaanshaha Istigaathada ama u yeerashada Rasuulka SCW. Markuu adduunka ku noolaa iyo hadda oo uu nolol midda ugu khayrka badan uu ku noolyahay Barzakha. waxaana daliillada cadcad ka mid ah:


 


Athar Imaam Ibnu Abii-Shaybah iyo Imaam Bayhaqi ay Asaaniid Saxiix ah uga weriyeen Maaliku-daar, Atharkan wuxuu ahaa waqtigii sayid cumar ibnul-khaddaab ayaa waxaa muslimiintii ku dhacday abaar adag, markaas ayuu nin yimi Qabriga Rasuulka SCW, wuxuuna Yri : يا رسول الله إتسق لأمتك فإنهم قد هلكوا    ninkii waxaa loogu yimi manaam oo lagu yiri Cumar igu salaam una sheeg in laydin waraabinayo, kuna dheh dabacsanaan muuji, markii uu sayid cumar u sheegay wuu ooyey wuxuuna yiri : يا رب لا آلوا إلا ما عجزت عنه 


 


Atharkan kaligii ayaa noogu failan baadilnimada bidcada shirkiga ku sheegaya Istigaathada, sayid cumar ibnul-khadaab RC ma dhihin maxaad ka doonteen Qabriga oo aad Nabiga ugu yeerteen oo uga baryeysaan in laydin waraabiyo, waayo sayid cumar wuxuu ogyahay in istigaathadu xaq tahay sidaas awgeed ayuu yiri : يا رب ما آلوا إلا ما عجزت عنه


                                                                 


Kitaabbada waaweyn ee Atharkan qoraya waxaa ka mid ah:


1-    Al-Musannaf  oo uu qoray Imaam Ibnu Abii-Shaybah Juska 6aad bogga 356 No 32002


2-    Dalaa’ilu-Nubuwah imaam Bayhaqi juska 7aad bogga 47


3-    Al-Irshaad  oo uu qoray Imaam khaliil juska 3aad bogga 313


4-    Taariikh Dimishqi juska 44 boga 345 &juska 56 bogga 489.


5-    Al-isaabah oo xaafidku uga soo guuriyey Imaam Ibnu abii Khaythamah juska 3aad bogga 484


6-    Istaycaab oo qoray Imaam Ibnu Cabdil-barri juska 2aad bogga 464


7-    Fatxul-Baari oo uu qoray Xaafidul-Casqalaani, juska 2aad bogga 495


8-    Albidaayah wa-Nihaayah xaafid Ibnu Kathiir juska 7aad bogga 101


9-    Jaamicul-Masaaniid-Musnadu Cumar- Juska 1aad bogga 223..


 


Kitaabbada atharkan qoraya aad ayey u badanyihiin xataa waxaa sugaya Ibnu taymiya, oo ah ninka ay bidcadu u tacasubaan shuduudiisa, wuxuuna uu ku qorayaa Iqtidaa;u Siraadul-Mustaqiim bogga 373.


 


Intan way noogu filantahay xaqnimada Istigaathada iyo ogaanshaha bidcannimada mawlid diidyada. Laakiin aan sii xoojinno xaqiiqada Mas’alada, aanna ku xijinno Xadiith saxiix ah oo Rasuulka SCW uu faray  muslimiinta in ay u yeertaan oo ku Tawasuli karaan markii dhibaato ku dhacdo.


 


Xadiithkan waxaa weriyey Saxaabigii Cuthmaan Ibnu Xunayf RC, wuxuuna caddaynayaa in Rasuulku SCW uu faray saxaabi indha la’aani hayso inuu ku ducaysto ducadan Tawsulka ah: اللهم إني أسئلك وأتوجه إليك بنبيك محد نبي الرحمة يا محمد إني أتوجه بك إلي ربي في حاجتي هذه لتقضي لي اللهم فشفعه في     


 


Ilaahow waxaan kugu su’aalanayaa oo aan kuugu soo jihaysanayaa Nabiga Muxammad, Nabigii Raxmadda ah. (Nabi) Muxammadow adiga ayaan Rabbi xaggiisa kuugusoo Jahaysanayaa in la ii gudo dantan aan leeyahay. Ilaahowii aqbal shafaacada Nabiga.


 


Sida xadiithka aad ka arkaysaan waa sunna Nabawi ah in qofka Muslimka ah ee dhibaatadu haysataa uu u qayshado  Rasuulkiisa SCW si Ilaahay uga qaado dhibaatada haysata, mana jiro quraan iyo Xadiith dhigaya in u yeerashada Rasuulka iyo Tawasulkiisu ku egyihiin markii uu noolaa, oo ay shirki tahay markii uu dunida ka tegay. Ma jiro Saxaabi, Taabici, Taabicitaabici iyo Imaam salafu saalix ah oo sidaa yiri, Waana hadal Bidcannimo ah oo lagu gaalaysiiyo Muslimiinta. Imaamyaalka weriyey Xadiithkan Tawasulka ah  iyo kuwa qoray waxaa ka mid ah: 


 


1-    Imaamu Tirmidi  sunan-kiisa –Tuxfah- Juska 10aad bogga 32-33.


2-    Imaamu Axmad Musnad-kiisa juska 4aad bogga 138.


3-    Imaamul-Bukhaari Taariikhul-Kabiirkiisa, juska 6aad bogga 210 .


4-    Imaamu Nasaa’i Camalul Yawm. Bogga 417.


5-    Imaam Ibnu Maajah Sunankiisa, juska 1aad bogga 441.


6-    Imaam Bayhaqi Dalaa’ilu-Nubuwah. Juska 6aad bogga 166.


7-    Imaam Dabraani, mucjamul-kabiir juska 9aad bogga 19.


8-    Imaamu-Dabraani Kitaabu-Ducaa juska 2aad 1289.


9-    Imaam Xaakim Mustadrakiisa juska 1aad bogga


10- Imaam Ibnu Sani Camalul Yawm, bogga 209.


 


Imaamyaalka intaas la eg iyo kuwa ka faraha badan ee aynaan ka gaarin ururintooda waxay qorayaan Xadiiska Tawasulka ee saxiixa ah, bidcooyinkiina waxay ku sheegayaan shirki, bidcannimo IWM. Markii ay awood u waayeen inay wax ka sheegaan Saxiixnimada Xadiithkan waxay  ku weerareen dicaayado sii caddaynaya bidcannimadooda. Dicaayadahaas waxaa ka mid ah: Nabiga laguma Tawasuli karo ee waa ducadiisa!!, Markuu noolaa ayey ahayd, hadalladaas waxaa beenin ugu filan in la weydiiyo sheega hal saxaabi ama salafkii ah oo yidhi xadiiskan wuu dhacay maadaama uu Nabigu dhintay!!! Lagama yaabo in Bidcada wahaabiyadu su’aashaas u helaan jawaab sax ah.


 


Sida  ka sugnaatay Saxaabada Rasuulka SCW Xadiithkan tawasulku kuma eka waqtigii Rasuulku noolaa, waxaana u daliila Caddaymaha soo socda :


 



  • In Rasuulka CSW ninkii uu faray xadiithkii tawasulka ee aan soosheegnay uu ku yiri : وإن كانت حاجة فافعل مثل ذلك

Sidaas oo kale samee haddii aad dan u baahatid. ziyaadadan saxiixada ah waxaa werinaya isla saxaabigii xadiithka weriyey ee Cuthmaan Ibnu Xunayf sida uu taariikhdisa ku weriyey Imaamkii weynaa ee Xaafid Ibnu Abii Khaythama. Taas waxay caddaynaysaa in Rasuulka CSWS uu faray in mar kasta la samaynayo haddii uu dunida joogo iyo haddii kaleba.


 



  • Caddaynta 2aad Saxaabigii xadiithka weriyey kama fahmin in Tawasulka Rasuulku uu ku egyahay waqtigii Rasuulku joogay ee  wuxuu u fahmay in weligeedba dadka muuminiintu xadiithka ku camal falayaan oo ay ku tawasulayaan Rasuulkooda SCw.

Taas waxaa u daliil ah waxaa saxaabiga xadiithka weriyey Cismaan Ibnu Xunayf u yimi nin dan ka leh amiirkii muuminiinta ee Cuthmaan ibnu Cafaan RC  Markaasuu faray inuu aqriyo xadiithkii tawasulka ahaa ee aan soo sheegnay, markaas ayuu ninkii helay muraadkiisii, markii uu Rasuulka ku Tawasulay. Atharkaas waxaa sanad saxiix ah ku weriyey Imaamu Dabraani kitaabkiisa Mucjamu Saqiir juska 1aad bogga 184. waxaa kale oo saxiixnimada Atharkan qoraya Imaamyaalka Al-Xaafidul-Mundari kitaabkiisa Al-Targiib wal-Tarhiib, Al-xaafidul-haythami kitaabkiisa Majmacu-Zawaa’id, al-Xaafidu-Suyuudi kitaabkiisa Al-Khasaa’isul-Kubraa, wxuuna sheegay in xadiithkan ay werinayaan Imaamul-Bayhaqi iyo xaafid Abuu Naciim.


 



  •  Caddaynta 3aad Tawasulkan waxaa ku ducaysan jirey salafkii suubanaa sida waaqica ah. Taasoo xataa uu qirayo Ibnu Taymiya oo ku qoray Fataawigiisa iyo Risaaladiisa Qaacidatun fi-Tawasul.

  • Caddaynta 4aad waa Atharkii saxiixa ahaa ee aan soo ogaanay in Sayid Cumar ibnul-khaddaab RC uu sugay Istigaasadii qabriga Rasuulka lagu sameeyey waqtigiisii.

 Al-sayid Cumar Ibnul-Khadaab waxaa kale oo laga weriyey Tawasul ku sugan Saxiixul-Bukhaari oo uu ku tawasulay Sayid Cabbaas RC. Wuxuuna Sayid cumar  yiri  اللهم إنا كنا نتوسل إليك بنينا فتسقنا وإنا نتوسل إليك بعم نبينافأسقنا قال – اي آنس ابن مالك – فيسقون.                              


 


Ilaahow  waxaannu kuugu tawasuli jirey nabigaaga markaasaad na waraabi jirtey, annaguna waxaan kuugu Tawasulaynaa Nabiga adeerkii ee na waraabi,  raawigii xadiiska wuxuu yiri markaas ayaa la waraabiyey.


 


Dhammaan Imaamyaalka waawayn ee Xadiithka sharxay waxay muujiyeen in xadiithkani uu caddaynayo bannaanaashaha tawasulka saalixiinta oo dhan, Mana jiro imaam sheegay hadalka bidcada ee ah Sayid cumar wuxuu Sayid Cabbaas ugu tawasulay in aanu Bannaanayn Tawasulka Rasuulka CSW maadaama uu dhintay!!!.


 


Hadalkan bidcadu wuxuu khilaafsanyahay qawaacidda diinta Islaamka, waxaana caalimiinta ahlu sunna weydiiyeen su’aal ay ka jawaabi waayeen, taas oo ah haddii sayid cumar uu tawasulka Rasuulka uga tegey in uu dhintay oo aanu bannaanyn darteed, tawasulkii Asmaada Ilaahayna muxuu uga tegey ma bannaana miyaa!!!?


Xadiithkan wuxuu ku qoranyahay Saxiixul-Bukhaari wuxuuna caddaynayaa in uu bannaanyahay Tawasulka Rasuulka, Aala Baytka iyo Awliyada Ilaahay.


 


Maadaama kitaabkan aan uga hadlayno Mawlidka kuma dheeraanayno Masalada Tawasulka iyo istaqaasada, laakiin qofkii doonaya macluumaad intaan ka dheer oo lagu tirtirayo doodaha bidcooyinka ha akhristo kitaabka Rafcul-Mannaar ee uu allifay muxaddithka casriga Ustaad Maxammed Saciid Mamduux.


 


Saxaabigii Jaliilka ahaa Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC wuxuu weriyey in Rasuulka CSW uu yiri:


Haddii Daabbad idiinkaga fakato meel cidla ah oo(aan cidina joogin) ku qayliya Adoomankii Ilaahayow ii xabbisa, Ilaahay waa loo joogaa waa  laydiin celinayaa Neefka ama daabbada idinka baxsaday. Imaamyalka Xadiskan werinaya waxaa ka mid ah:


 


1-    Imaam Dabraani kitaabkiisa Mucjamul-Kabiir juska 1aad bogga 267 .


2-    Imaam Abuu Yaclaa Musnadkiisa juska 9aad bogga 177.


3-    Imaam Ibnu Sunni Camalul Yawm Bogga 162. waxaana so raraya:


4-    Imaamu-Nawawi Adkaar bogga  201 Maktab Thaqafah bayrut.


5-    Xaafidul-Haythami Majmacu Zawaa’id juska 10aad boga 132.


6-    Xaafidul-Casqalaani Takhriijul-Adkaar, waxaa kasoo raraya :


7-    Imaam Ibnu Callaan Al-Sadiiqi juska 5aad bogga 150.


8-    Xaafidul-Buusiiri Mukhtasarka Tuxfaha ka eego :-


9-    Xaashiyada Al-Madaalibul-Caaliyah juska 3aad bogga 239.


10- Xaafidu Suyuudi Jaamicu-Saqiir juska 1aad xarafka I’.


11- Imaam Mannaawi Faydul-qadiir juska 1aad  ‘’’’’’’’’’’’


 


  Xadiiskan Imaamyaalka faraha badan qorayaan wuxuu ku yaal inta badan kutubta Ad-kaarta, wuxuuna caddaynayaa in muslimiinta markii dhibaato ku dhacdo ay u qayshadaan addooman Ilaahay oo aanayarkayn. Marka la eego xukunka arrinta aan u daliishanayno Xadiithkan uma baahna in sanadkiisu qawi yahay laba sababood awgood.


 


·         Waa tan koowaade waxaan u daliishanaynaa fadaa’ilul-acmaal, waana bidcannimo lagu khilaafay salafkii suubanaa in masala caqiido laga dhigo Istigaatha iyo Tawasulka.


·         Waa tan labaade bidcada waxay dhahaan hadii loo qayshado oo gargaar la waydiisto cid aan la arkayn waa shirki iyo gaalnimo. Haddaba xataa haddii xadiithku daciif yahay Imaamyaalkan iyo xufaaddan Islamku ma waxay werinayaan xadiis shirki ah oo lagu gaalobayo!!!?. aqristayaasha caqliga leh ayaan u daayey jawaabta su’aashan.


 


Intaas waxaa dheer xadiiskani wuxuu leeyahay Duruq uu ku xoogaysanayo oo gaarsiinaysa Sanad wanaagsan oo laga aqbalay Imaamyaalka agtooda, ayna ku camal falaan, waxaana duruqdaa uu xadiithku ku xoogaysanayo kamid ah:


 


1-    Dariiqa 1aad xadiith uu cutbah Ibnu Gazwaan ka weriyey Rasuulka SCW wuxuu yiri: haddii qofka idinka mid ah ay wax ka lumaan, ama uu qofkiin kaalma u baahdo isagoo jooga dhul aan wehel u joogin ha yiraahdo


 يا عباد الله اعينوني أغيثوني فإن لله عبادا لا نراهم. قال الطراني .


 


Addoomankii Ilaaheeyow noo kaalmeeya, noogargaara, Ilaahay wuxuu leeyahay addooman aydnaan arkayn. Xadiithkan waxaa ku camal-falay imaamyaal kamid ah salafkii saalixa ahaa wayna heleen muraadkoodii sida noo iman doonta, sidaas darteed, ayuu imaam dabraani markuu xadiithkan weriyey wuxuu yiri: وقد جرب ذلك arrinkaas si xaqii ah ayaa loo tajribeeyey.


Haddaba haddii aad xaqiiqooyinkaas hayso yaan bidcooyinku kaa shaki gelin abyaadda istaagathada ee ku dhex jira Mawlidka sida:


 


يا رسول الله يا خير كل الأنبيا نجنا من هاويه يا زكي المنصب


يا أكرم الخلق مالوا من ألوذ به       سواك عند حلول الحادث العمم


 


Macnaha qasiiddada wuu cadyahay Rasuulkii Ilaahay ayaa la weydiisanayaa inuu shafaacadiisa kaga badbaadiyo Naarta. Waxaanabaytkan ka xeel dheer istiqasada axaadiithtu adeegsanayaan.


 


Imaam dabraani wuxuu xadiithkaas ku werinayaa Mucjamul-Kabiir juska 17 bogga 117, waxaana imamyaalka qoraya ka mid ah Xaafidul-Haythami Majmacu Zawaa’id, Xaafidul-Mannaawi Faydul-qadiir, Xaafid Ibnu Callaan Al-Futuuxaatu Rabbaaniyah.


 


2-    Dariiqa 2aad waa Xadiithka uu Abaan Ibnu Saalax ka weriyey Rasuulka SCW oo ahaa: “Haddii qofkiin ay ka baxsato Daabad ama Qaalin meel dhulka ka mid ah oo cid iyo ciirsi la’ ah oo aan qofna lagu arag, ha yiraahdo أعينوني يا عبادالله Adoomankii Ilaheeyow ii kaalmeeya, waa loo kaalmaynayaa.


 Xadiithkan waxaa werinaya Imaam Ibnu Abii shaybah kitaabkiisa Al-Musannaf Juska 1aad bogga 424- 425 muxaddithka Ustaad Mamduux wuxuu kitaabka Rafcul-Mannaarah bogga 184 ku yiri haddii aanay ahaan lahayn Cancanada Muxamad Ibnu Isxaaq Xadiisku Xasan ayuu ahaan lahaa, macnaha waa xadiith aad shaahid u gala oo wax xoojin kara.


 


3-    Dariiqa 3aad Xadiithka uu Sayid Cabdullaahi Ibnu Cabbaas RC ka weriyey Rasuulka CSW Ilaahay wuxuu dhulka dhexdiisa ku leeyahay Malaa’ik aan ahay Xafadada, waxay qoraan wixii dhaca caleentii geed ka dhacda, haddii qofkiin dhibaato ku dhacdo meel bah gooyo ah afka labadii ha yeedhiyo kaalmeeya addoomankii Ilaaheeyoow.


 


Xadiithkan waxaa weriyey Imaam Bazaar oo ku qoray kitabka musnadka Kashful-Astaar juska 4aad bogga 33-34 waxaa kale oo qoraya Imaam Haythami Kitabkisa Majamacul-Sawaa’id Juska 1aad bogga 132 wuxuuna xaafidku yiri waxaa weriyey Bazaar Ragga weriyeyna waa kuwa lagu kalsoonyahay. Amiirkii Muxaddithiinta Xaafid Ibnu Xajar wuxuu Takhriijka Adkaarka ku yiri: حسن الإسناد غريب جداIsnaadka Xadiithku waa wanaagsanyahay aad ayuuna Qariib u yahay. Weligeed lama arkaysid hal imaam oo dhahaya xadiithku waa shirki bannaynaya istigaatha cid aan loo jeedin!!!.


 


  Sidii imaamyaalku noo soo caddeeyeen axaadiithtani way isugu filanyihiin in ay is xoojiyaan oo ay yeeshaan awood aan laga hadli karin daliilsigooda. waxaase hadal ku dhammaaday oo aan bidci danbe ka hadli karin axaadiistan Istigaathadu waxay leeyihiin awood kale oo Imaamyaalku sugeen. taasoo ah:


 


4-    Dariiqa 4aad camal falka  Imaamyaalka Islaamka iyo qabuulka uu kala kulmay xadiika Istigaathadu, Ustaad Mamduux wuxuu Kitaabka Rafcul-Mannaarah ku qoray in haddii xadiisku uu ummadda kala kulmo Qabuul oo ay ku camal falaan Imaamyaalka Islaamku `uu ka caamsanyahay Sanadka Saxiixa iyo Xasanka, wuxuuna u daliishaday Axaadiith imaamyaal kamid ah Ruwaadda Axaadiithtu caddeeyeen sida ay ugu xoogaysteen camal falkii Imaamyaalka Islaamka. Taas awgeed Camal falka Imaamyaalka ee Xadiithka Istigaathada waxaa ka mid ah :


 


·         Camal falka 1aad Kitaabka Al-Masaa’il wuxuu Cabdullaahi Ibnu Imaam Axmad ibnu Xanbal ku weriyey in Imaam axmad isagoo xajka u socda uu waddadii ka lumay markaasuu Imaamku yiri يا عباد الله دلونا علي الطريق فلم أزل اقول ذلك حتي وقفت علي الطريق  addoomankii Ilaaheeyow i tusiya waddada, afkana kama qaadin ayuu yiri Imaamku u yeedhashadaas Ilaa aan waddadii cgta saaray. Istigaasadan Imaam axmad ka sugnaatay waxaa kale oo werinaya Imaamul-Bayhaqi Kitaabkiisa shucabul-iimaan, waxaa isna qoraya xaafid Ibnu Kathiir kitaabkiisa Al-Bidaayah wa Nihaayah juska 10aad tarjumada Imaam Axmad.


Bidcada Wahaabiyada maxay oran doonaan Imaam Axmad iyo Imaamyaalka badan ee Istigaathadaan ka weriyey?, ma waxay odhan doonaan waa khuraafiyiin shirki sameeyaal ah?!!!.


·         Camal falka 2aad Kitaabka Mucjamulkabiir Imaam dabraani wuxuu ku sheegay in xadiithku la tajribeeyey - oo qabuul lagala kulmay -.


 


·         Camal falka 3aad, 4aad Kitaabka adkaarka bogga 331 Imaam Nawawi wuxuu ku qoray in qaar kamid ah sheekhyadiisa oo ku waawayn cilmiga in xadiithkan ay la kulmeen Tajrubadiisa.


 


·         Camal falka 4aadna uu  Imaam nawawi ruuxiisa Tajrubeeyey uuna arkay, sidii Istiqathadaasi u dhacday ka fiirso Kitaabka adkaarka.


 


Sidaas awgeed, Xadiiska Istigaasadu wuxuu haystaa laba shaahid oo mid waliba kaligii uu ku filanyahay awoodda xadiithka. tan 1aad shawaahidda Xadiithka oo xasan gaarsiisay. Tan 2aad xoogga iyo awoodda uu ka helay camal Falka Imaamyaalka Islaamka.


 


 


 Adillooyinka xaqa ah ee xoogga badan waa bishaarada Ahlu-Sunna wal-Jamaaca, qof kasta oo akhrista kitaabkan wuxuu ka bogsanayaa in bidcooyinku yiraahdaan kitaabka mawlidka waxaa ku qoran Abyaat istigaasa ah oo shirki ah iyo wax kasta oo lagu dacnin karo Xuska Mawlidka Xabiibka SCW.


 


waxaa qoray Xildhibaan Muxammad Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.


 


ahlusunna.org


 






MAWAALIDDA SANADKA 1430
Mowliidka Nabiga Si Weyn Looga Dhigay Naadiga Soomaalida ee Qaahira
Assayid Muxammad Calwi Almaaliki Raximahul-lah
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved