Home Ahlu Sunna Qur'aan Muxaadaro Articles Contact
»»»»You are in: ahlusunna.org » Tartan » 2.aad » Xafladdii Gabagabada
Tartan Qur'aan Aqris ah oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo gabagabeynayay Tartan Qur'aan Aqris ah ayaa maanta oo Jimco ah 05-October-2007 ka dhacday Masjidka Mucallim Biyamaalow ee Magaalada Muqdisho.

Tartankan Qur'aan aqriska ah ayaa waxa uu soo bilaabmay 11-kii Ramadaan 1428 oo ku beegneyd 24-kii September 2007 waana tartan ay sanad waliba qabato Mu'asasada Mucallim Nuur ee Culuumta Qur'aanka Kariimka.

Tartankan waxaa ka qeybgalay sanadkan 114 arday oo isugu jira Gabdho iyo wiilal ka kala socday 90 ka mid ah Dugsiyada Qur'aanka kariimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Ardayga kaalinta 1.aad galay oo lagu magacaabo Cali Cilmi Faarax ayaa lagu abaalmariyay Lacag gaareysa 1000$ (hal kun oo Dollar-ka Mareykanka ah), Kitaab Musxaf ah iyo shahaado aad u qurux badan.
Xafladdan lagu xiray Musaabaqa Qur'aanka Kariimka ah laguna abaal marinayay ardaydii kaalimaha hore galay ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo aad u fara badnaa oo ay aad uga dhexmuuqdeen Mashaa'ikhda ugu caansan Ahlu-sunnah wal jamaaca ee jooga Magaalada Muqdisho sida aad ku arki doontid sawirada hoose.

Musaabaqadii Qur'aanka Kariimka aheyd ee Sanadkii Hore Mu'asadu qabatay oo tifaftiran halkan ka daawo si aad u ogaato ardaydii kaalimaha hore galay iyo wixii lagu abaalmariyay iyo dhamaan qaabakii loo agaasimay.

 

 

 
 
 
 
 
 
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved