Xaflad
si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay Tartan Qur'aan
Aqris ah ayaa maanta oo axad ah 11-ka Ramadaan 1428 kuna beegan
Axad 23-September 2007 ka dhacday Masjidka Mucallim Biyamaalow
ee Magaalada Muqdisho.
Tartankan Qur'aan aqriska ah oo ay ka qeybgalayaan sanadkan arday
tiradoodu gaareyso ilaa 114 arday oo isugu jira Gabdho iyo wiilal
ayaa waxaa sanad waliba qabata Muasasada Mucallim nuur ee Culuumta
Qur'aanka kariimka ah.
Xafladdan lagu furayay Musaabaqa Qur'aanka Kariimka ah ayaa waxaa
ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo aad u fara badnaa
oo ay aad uga dhexmuuqdeen Mashaa'ikhda ugu caansan Ahlu-sunnah
wal jamaaca ee jooga Magaalada Muqdisho sida aad ku arki doontid
sawirada hoose.
Waxaan maalin waliba idin soo gudbin doonaa inta uu socdo tartanka
Haddii Alle idmo qaabka uu dhacay Tartanka, tirada ardayda ka
qeybgashay, sawirada ardayda, Madrasooyinka ay kala yimaadeen
yo waliba codadkii ay ardaydu ku tartameen oo dhameystiran Inshaa
Allaah Sidii aan sanadkii hore idinkugu soo gudbinay oo kale.
Musaabaqadii
Qur'aanka Kariimka aheyd ee Sanadkii Hore Mu'asadu qabatay oo
tifaftiran halkan ka daawo si aad u ogaato ardaydii kaalimaha
hore galay iyo wixii lagu abaalmariyay iyo dhamaan qaabakii loo
agaasimay.