Home Ahlu Sunna Qur'aan Muxaadaro Articles Contact
»»»»You are in: ahlusunna.org » Tartan » Xafladii furitaanka
Tartan Qur'aan Aqris ah oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay Tartan Qur'aan Aqris ah ayaa maanta oo axad ah 11-ka Ramadaan 1428 kuna beegan Axad 23-September 2007 ka dhacday Masjidka Mucallim Biyamaalow ee Magaalada Muqdisho.

Tartankan Qur'aan aqriska ah oo ay ka qeybgalayaan sanadkan arday tiradoodu gaareyso ilaa 114 arday oo isugu jira Gabdho iyo wiilal ayaa waxaa sanad waliba qabata Muasasada Mucallim nuur ee Culuumta Qur'aanka kariimka ah.

Xafladdan lagu furayay Musaabaqa Qur'aanka Kariimka ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo aad u fara badnaa oo ay aad uga dhexmuuqdeen Mashaa'ikhda ugu caansan Ahlu-sunnah wal jamaaca ee jooga Magaalada Muqdisho sida aad ku arki doontid sawirada hoose.

Waxaan maalin waliba idin soo gudbin doonaa inta uu socdo tartanka Haddii Alle idmo qaabka uu dhacay Tartanka, tirada ardayda ka qeybgashay, sawirada ardayda, Madrasooyinka ay kala yimaadeen yo waliba codadkii ay ardaydu ku tartameen oo dhameystiran Inshaa Allaah Sidii aan sanadkii hore idinkugu soo gudbinay oo kale.

Musaabaqadii Qur'aanka Kariimka aheyd ee Sanadkii Hore Mu'asadu qabatay oo tifaftiran halkan ka daawo si aad u ogaato ardaydii kaalimaha hore galay iyo wixii lagu abaalmariyay iyo dhamaan qaabakii loo agaasimay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADII XAFLADDA FURITAANKA
 
 
 
 
 
 
 
Copyright © Ahlu Sunnah Waljamaaca All Rights Reserved