![]() | ![]() | |
| |
|
Qaybta 2aad DOORKII DIIN FAAFIN EE CULUMADA SOOMAALIYA(1) SOOMAALIYA IYO DARAASAYNTA CILMIGA Culumada Soomaaliyeed waxay qayb libaax ka qaateen gaarsiinta, barista iyo faafinta diinta Islaamka ee heer caalam. Waxay qoreen Kutub caan ah oo leh fanni kasta oo ka mid ah Funuunta Culuumta Islaamka.
Kutubtaas waxaa ka
faa’iideysta dadka Muslimiinta ah ee caqiidada suuban meel kastoo ay joogaan
dibedda iyo gudaha. Waxay Imaamyaalkaas Soomaaliyeed isugu jiraan:- Imaamyaalkaas oo aan lagu soo koobi karin qoraal sidan u yar ayaa qaybahooda aanu halkan ku xuseyno waxaa ka mid ah: 1. Al-Xaafid Al-Seylici oo la yiraahdo Al-Imaam Jalaaludiin Cabdullaahi Yuusuf Muxumad Ayuub Muuse. Xaafidkani waa Imaam Soomaali ah oo reer Seylici ah sida ay qoreen Imaamyaalka ay ka midka yihiin Xaafidu Suyuudi oo ku qoray kitaabkiisa Al-lubaab in Xaafidu-saylici loo nisbeeyey magaalada Seylac oo ah magaalo ku taalla xeebta Xabasha (Soomaaliya). Sidoo kale, magaalada Seylac waxaa magaceeda qaatay oo loo nisbeeyey shiikhii Xaafidul Saylici ee la oran jiray Al-Imaam Fakhruddiin Al-Seylici, sida uu caddeeyey isla xaafidu suyuudi. Waxaa muhiim ah in la ogaado, isla markaana ay maanta ka dheregsan yihiin culumada taariikhda ee reer Bari iyo Galbeedba, in Arlul Xabash ama dhulkii Xabashada la oran jiray geyiga Geeska Afrika oo dhan. Marka in magaalada saylac lagu magacaabo magaalo xeebta Xabasha ku taal waa wax taariikhda geyigaan ku badan oo aan la yaab ku ahayn dadka taariikhda wax ka yaqaan. Mashaa’ikhda wax ka qortay Al-Xaafid Al-Seylici waxaa ka mid ah;
·
Xaafid Taqyuddiin ibnu Fahdi kitaabkiisa Daylu Tadkiratil-Xufaad.
·
Al-Xaafidul-Ciraaqi shaykhul-islaam 2. Al-Imaam Fakhruddiin Al-Zeylici oo ah sheekhii Xaafidu Zeylici. Imaamkan oo ah faqiiha wayn ee allifay Kitaabka weyn ee la yiraahdo Tabyiinul Xaqaa’iq oo ah sharaxa kitaabka weyn ee Kanzu-daqaa’iq. 3. Al-Ustaad Ibraahim Mukhtaar Al-Zeylici. Culammada reer Saylac ee kitaabbada taariikhdu qoreen aad ayey u badan yihin. 4. Imaam Maxamuud Al-Dayib Ibnu Cabdullaahi oo ka mid ahaa culumadii qarnigii 10-aad kitaabkiisa la yiraahdo Qalaadatu Naxri fii wafayaati acyaani dahri. Wuxuu Imaamku kaga hadlay kitaabkiisa taariikhda, fadliga iyo cilmiga Alle (SW) ku manaystay culumo badan oo Soomaali ah oo reer Saylici u badan. 5. Imaam Shamsuddiin Al-Maqdashi. Imaamkani wuxuu ahaa caalim Soomaali ah oo reer Muqdisho ah, wuxuuna ka mid ahaa culumadii ugu caansanaa qarnigii 8-aad ee Hijriyada. 6. Imaam Xasan binu Ciisa Al-Maqdashi oo ah Imaam reer Muqdisho ah. 7. Imaam Muxamed Ibnu Cali Ibnu Abiikar Al-Maqdashi oo ahaa Imaam reer Muqdisho ah loona yaqaannay Muciidul Baadiraayah oo macnaheedu yahay Imaamkii dib u soo nooleeyey Madarasadii (Jaamacadii weynayd) Islaamka ee Baadiraayah. Imaamku waxaa xufaadii uu sheekha u ahaa ka mid ahaa Xaafidu-Dahabi iyo Amiirkii Muminiinta ee Axaadiista Al-Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani oo loo yaqiinay Ustaadul Axaadiisi fii Daari Dunyaa (Macalinkii Axaadiista ee Aduunka) oo ah Imaamka alifay Sharaxa ugu weyn Saxiixul Bukhaariga ee Fatxul-Baari. 8. Sheekh Jamaalu-diin Muxammad ibnu Cabdi-samad Imaamkii weynaa ee reer Muqdisha. Si aan wax oga fahamno Imaamkaan iyo imaamadii kale ee Soomaaliyeed ee la midka ahaa heerka ay ka joogeen culuumta diinta Islaamka, aan faalo kooban ka bixino mid ka mid ah culammada dalalka kale ee carabta ee u soo xeraysatay inay cilmi ka xambaaraan Imaamkaan. Waxaa culumadii cilmniga ka xambaartay sheekh Jamaaludiin ka mid ahaa: Al-Imaam Muxammad Bin Calawi ibnu Axmad ibnul-Ustaadul-acdam Al-faqiihul-Muqaddam. Si aan wax oga fahamno nolosha iyo heerka cilmiga ee Al-Imaam Maxammed Bin Calawi aan soo xigano kitaabkii caanka ahaa Al-Mashruucu-rawii fii Manaaqibi Saadatil-kiraami Aala-Baacalawi ee uu qoray caalimkii waynaa ee Aalu-baytka Rasuulka (CSWS) Al-Imaam Muxammad Ibnu Abuubakar A-shaliyi baa Calawi. Imaamka wuxuu ku qoray Juska 1-aad, bogga 373-375 faaladaan aan soo koobnay, wuxuuna ku bilaabay:- “Asayid Muxammad Bin Calawi waa Imaamkii Culamada Caarifiinta ah, waa Sheekhii Imaamyaalka Mujtahidiinta ah. Al-Sayid Muxammad Bin Calawi wuxuu ku dhashay Magaalada Barakaysan ee Tariim oo ka mid ah dalka Yaman. Tariim waxay caan ku ahayd inay tahay deegaanada ay ku dhaqan yihiin Asharaafta ugu badan aduunka. Wuxuu wax ku bartay Iimaam Maxammd Bin Cawali:-- Yaman: Dalka Yaman wuxuu wax ku bartay magaalada barakaysan ee uu ku dhashay ee Tariim; ka dibna wuxuu u xeraystay magaalooyinka ay ka midka yihiin Ticis, Zabiid & Cadan oo culumino waaweyni fadhi jireen. Halkaas wuxuu ku xifdiyey Quraanka Kariimka, Kitaabka Tanbiiha iyo inta badan kitaabka Muhadabka. Wuxuu Fiqhiga ka xanbaaray Al-Faqiih Cabdullaahi bin Fadal. Wuxuu Culuumta Aslaynka iyo Tasawufka ka qaatay Imaamkii Culamada Caarifiinta ee Cabdullaahi Baa’calawi. Cilmiga Dibbiga (caafimaadka) iyo Xisaabta wuxuu ka qaatay Sheekh Sacdi al-faqiih ibnu Muxammad Baafadal. Xaramaynka:(Makka iyo Madiina) markii ugu horreeysey wuxuu xajiyey Baytkii Ilaahay ee Kacbada; kadibna wuxuu siyaartay Awowgiis oo ah Nabigii Ilaahay (CSWS). Wuxuu degey Xaramaynka si uu cilmi u kororsado; wuxuuna cilmiga ka qaatay culamma aan la soo koobi karin oo ah culummadii ugu waawaynayd ee degganayd Maka iyo Madiina iyo culumadii wufuudda ahayd ee u Imaanayey Xajaka, Siyaarada Rasuulka (CSWS) iyo faafinta culuumta diinta Islaamka. Sheekhu wuxuu didaal aad u wayn ku bixiyey xambaarista iyo xifdinta culuumta kala duwan ee diinta Islamka. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| Copyright© Aswana | info@ahlusunna.org |