Assalaamu Calaykum Waraxmatu-Allaahi W. AhlusunnaWaljama'a Wa bog Islaami ah oo u adeega bulshada muslimiinta ah.
 |  Main  |  Wacdi  |  Dikri  |  Cajal  |  Forums |  |  Codka  |  Chat Contact  |  
Menu

   Dr Bout - Muslim Scholar   Sheikh Bouti

 
Sh. C/razaq
Soomaaliya     &
Ahlu Sunna-Waljamaaca

Qaybtii 1aad
1 2 3 4 5 6 7 8
Qaybtii 2aad
9 10 11
Qaybtii 3aad
12 13 14 15
Qaybtii 4aad
  16 17
Qaybtii 5aad
18

 

 
 

Archives


Dhageyso Qur`aanka Kariimka Sh. Mohamud Khaliil Al-Husri

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114


 

a      Qarnigii 8-aad 

Bilowgii qarnigii 8-aad ee Hijriyada xukunka magaalada Muqdisho waxaa qabtay Imaam Abuukar Cumar oo ka mid ahaa dadkii ugu taariikhda wanaagsanaa madaxdii Soomaaliyeed ee soo martay maamulka magaalada Muqdisho. Waqtigaas waxaa caalamka ku faafay caalimiin Soomaali ah oo caan ku ahaa faafinta iyo barista diinta Islaamka. Culummadan waxaa diinta ka faa’iidaystay ayaa la oran karaa inta badan culammadii caalamka Islaamka, kuwaasoo isugu jirey kuwa iyaga ka faa’iidaystey iyo kuwa ka bartay kuwii iyaga ka faa’iidaystey. Waxaa Imaamyaalkaas Soomaalida ah ka mid ahaa:

1.           Imaamkii Axaadiista ee faqiiha ahaa ee Xaafidu Saylaci

2.           Sheekhii Xaafidu Saylici ee Al- Immaam Cuthmaan Ibnu Cali

3.           Al- Immaam Shamsuddiin  Muxamad Ibnu Cali

4.           Caalimkii Muqdisho Sheekh Jamaalu-diin Muxamad Ibnu Cabdi-Samad

5.            iyo Caalimiin kale oo aan  halkaan lagu soo koobi karin. 

a       Qarnigii 9-aad 

Qarnigii 9-aad ee Hijriyadda magaalada Berbera waxaa soo degay Ducaad fara badan oo ka koobnayd 44 sheekh oo Ahlu-Dariiqa ah. Culumadan waxaa ka faafay xer aad u fara badan, taasoo culammada u suura gelisey inay isu kala qaybiyaan Woqooyiga iyo Galbeedka Soomaaliya. Sidaas awgeed,  1430kii Miilaadiyada, waxaa  magaalada Harar gaaray Sheekh Wuquur Ibraahim abuu Sarbaay oo ka mid ahaa culummadii ugu caansanayd ducaadda; ilaa iyo haddana sheekh wuquur wuxuu ka mid yahay Awliyada Ilaahay ee lagu siyaarto magaalada Harar.

 a       Qarnigii 10-aad 

Qarnigii 10-aad ee Hijriyada guud ahaan  dadka Muslimiinta ah iyo gaar ahaan dadka  Soomaaliyeed  waxaa u soo baxay caalimkii Soomaaliyeed,  geesigii Islaamka ee ku caan baxay faafinta iyo difaaca diinta Islaamka ee loo yiqiin Al-Imaam Axmed Ibraahiim (Axmed Gurey) iyo Saalixiintii halganka kala qayb qaadanaysay ee ay ka midka ahaayeen:- 

Sheekh Cumar Diini ibnu Muxammad ad’haru-diin, Sheekh Kooshin Abuubakar Saahid, Waliyullaahil-Caabid Sheekh Shariif, Haashim Shariif Sarqaay, Amiir Mujaahid Ibnu Cali Ibnu Cabdi-llaahi Sooxe, Mataan Ibnu Cusmaan Ibnu Khaalid, Awrace Axmed Diini Ibnu Khaalid, Shariif Calawi Shariif Cali Shaadari, Shariif Muxammad Shariif Cumar Shaadari, Shariif Cali Shariif Cumar, Amiir Mansuur Amiir Maxfuud, Amiir Nuur bin Axmad, Waliyullaahil-kabiir Aboon Ibnu Axmad Mu’adiniintii Imaamka ee Kabiir Muxammad iyo Kabiir Nuur, Sheekh Xaamud Sheekh Zaahid Kaamil, Sheekh Abuubakar Sheekh Nasru-diin, Sheekh Abuubakar Arshoone, Sheekh Aanas Sheekh Shahaab iyo culama kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.

a       Qarniyadii 11,  12,  13, iyo 14-aad 

Qarniyadii 11-aad, 12-aad, 13-aad iyo 14-aad iyo Qarnigaan 15aad ee Hjriyadda ee aan hadda ku jirno, waxaa isi soo taray weerarradii dadka Soomaaliyeed kaga imanayey cadowga Islaamka ee gaalada, gaar ahaan gumeystadii reer Yurub iyo cawaankooda.

 Dhanka kale waxaa muuqanayey ballanqaadkii Rabbi (SW) uu ballan qaaday inuu ilaalsanayo diintiisa; waayo mudadaan ay gaalada iyo cawaankeedu soo xoogaysteen ee aan sare ku xusnay, waxaa dhanka kale soo baxay mujaddidyaalkii Dariiqooyinka diinta Islaamka ee Soomaaliya.

Doorka, Sanadka iyo taariikhda mujadidyaalka dariiqooyinka Soomaaliya laguma soo koobi karo qormadaan kooban, waxaanna ugu talo galnay kitaab gaar ah; Qormadaanse, waxaan tusaale gaaban kasoo qaadanaynaa masaa'ikhda waaweyn qaarkood iyo doorkoodii ay ka qaadeen faafinta diinta oo si weyn u urursan.

Waxaan ugu hormareynaa Shiikhii mashaa'ikhda Sh. Abiibakar Muxdaar oo ay sharaf ugu filan tahay in mashaa'ikhdii badnayd ee kasoo baxdey uu ka mid ahaa caalimkii weynaa Sh. Cabdiraxmaan Suufi oo kulmiyey noolayntii iyo xoojintii barashada culuumta Quraanka kariimka iyo Axaadiista Rasuulka (CSWS) sida Tafsiirka Quraanka Kariimka, Axaadiista Rasuulka iyo culuumta lagala soo baxay sida Usuulka, Fiq-higa, Taswufka iyo Culuumta Carabiyada. 

Sidoo kale waxaan xusi karnaa, Mujaddidkii Dariiqada Qaadiriyada Shiikh Uweys Axmed Al-qaadiri oo jeeska Afrika ka buuxiyey faafinta, difaaca iyo noolaynta diinta islaamka. Shiikh Aweys oo insha Allaah aan doorkii uu ka qaatey faafinta diinta Islaamka uga hadli doono kitaab gaar ah, wuxuu caan ku noqdey oo lagu xusuustaa sida Geeska Afrika ugu buuxiyey dugsiyo Quraan, mowlacyada dikriga iyo kuwa cilmiga. Sii xoogaysiga dariiqada Uweysiyada waxaa lagu xusuustaa shiikh Maxamed Cuthmaan oo loo yaqaan Sh. Ooyaaye iyo mashaa'ikhdii kale ee isaga ka farcantey.

 Waxaa kaloon ka xusi karnaa Mujadidyaalka dariiqooyinka Sh. Cabdiraxmaan Al-Zaylaci, oo inta aan soo sheegney u dheer tahay kutubta waaweyn ee uu ka allifey culuumta diinta islaamka sida tafsiirka Quraanka, sharaxa kitaabka Shaadibiga ee qirooyinka Quraanka kariimka, Kitaabka Sarfiga ah ee XADIIQATU-TASRIIF iyo kutub kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin balse caalamka si weyn ugu faafsan.

Sida Sh. Zaylaci u faafiyey dariiqadii uu ka qaatey Shiikhii weynaa Sh. Ismaaciil Maqdashi, ayaa waxa dariiqadii Sh. Zaylaci sii faafiyey Sh. Cabdisalaan, Xaaji Obokor iyo khaliifiintii faraha badnayd ee iyaga kasii faaftey.

Waxaan kaloo xusi karnaa Mujadidkii dariiqada Axmediya Idriisiyada Saydii Mowlaana C/raxmaan oo Rabbi (SW) ku karaameeyey iney kasoo baxaan mujaddidyaalkii dariiqada ee loo yaqaanay KHAMSATU-NIJUUM oo kala ahaaa Sh. Xasan Mucallim, Xaaji Wehliye, Sh.Maxauud Wacays, Sh. Xasan Yaraw iyo Sh. Maxamuud Weyteen; ilaa ay ku soo hoorsato musbaaxii dariiqada Axmediyada Saydii Sh. Cali Maye.

Mujadidyaalka dariiqada Saalixiyada waxaa ugu waaweynaa Sayid Maxamed Quuleed oo doorka ugu weyn ka qaatey faafinta iyo noolaynta dariiqada Rashiidiyada. Sayid Maxamed Quuleed, faafinta dariiqada diinta islaamka waxaa u dheeraa samaynta jameecooyin xoogsato ah, kuwaasoo ahaa saldhigyo diineed oo ay kasoo baxeen culuamaa'udiin badan oo caan ku ah fidinta iyo difaaca diinta sida Mujaahidkii weynaa ee caanka ahaa Sh. Xasan Bansane. Jamaacooyinka ugu caansan waxaa ka mid ah jamaacada BASRA iyo Jamaacada weyn ee NUUN-GARRE.

Sidoo kale, waxaa jamaacooyinka doorweyn ka qaatey dariiqada Saalixiyada ka mid ah Dariiqada Xuseeniya ee uu faafiyey Sayid Ibraahim Dabarre iyo Jamaacadiisa. Waxaa kaloo ka mid ah, Sh. Cali Nayroobi iyo jamaacadiisii oo dariiqada Rashiidiyada gaarsiiyey ilaa dalka Kiinya.

Iyadoo ay aad u farabadan yihiin lana soo koobi karin mashaa'ikhdii faraha badnayd ee ka farcantay shiikhyada aan soo sheegney waxaa xusid mudan Sh. Nuur Xuseyn oo caan ku noqdey midaynta dariiqooyinka; waxaana xarumihiisa diinka lagu yaqaan in lagu oogo dhammaan shicaarada dariiqooyinka oo dhan.

Waxaa cadowgaasi mar kasta ummadda Soomaaliyeed kala kulmayeen difaac iyo niyad bir ah; taasoo ku kalliftay gaalada inay isku diraan isuna adeegsadaan Soomaalida dhexdeeda, iyagoo kaashanaya Qabyaaladda iyo Bidcooyinka ku gambada magaca diinta Islaamka.

Ilaa waqtigan aan hadda ka hadlayno ee bilowga qarnigan 15-aad ee Hijriyada culumaa’uddiinka Soomaaliyeed waxay u taagnaayeen faafinta, barista, difaaca diinta iyo ka hortagga shirqoollada cadowga iyagoo kaashanaya shacabkooda Soomaaliyeed oo ah dad diinta Islaamku ku xidideysatay. 

Tan kale waxaa la ogyahay in dhammaadkii qarnigii 13-aad iyo billowgii qarnigii 14-aad ee Hijriyadu uu ahaa qarnigii Tajdiidka iyo xoojinta Shicaarka Ahlu Dariiqooyinka, waxaana dalka Soomaalida ku xoogeystey 2-da Dariiqo ee illaa iyo hadda ugu waaweyn ee Al-Qaadiriya iyo Al-Axmadiyah (Idirisiya).
Macluumaat

 
Dowrka Culamada Soomaliyeed Sh. C/Razaaq

Tafsiirka Burdaha 1 2 3 4 5 6 7
Sh. Maxamud
(Guri ceel)
Qasiidatul-Burdaha 1 2 3 4 5 6 7 8 9
مؤسس المذهب الوهابية ليس من أهل العلم  الشيخ سليمان بن عبدالوهاب رحمه الله
 

 
   Copyright© Aswana  info@ahlusunna.org