![]() | ![]() | |
| |
|
(2) MARXALADIHII FAAFITAANKA DIINTA ISLAAMKA
a
Qarnigii 1-aad 1- Al-Sayid Cumar Bin Yaxya Al-Quscami oo ah ninkii dhisay masjidka CADEYGA ee ku yaalla xaafadda Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho. Masjidkaas illaa iyo hadda waxaad arkaysaa dad reer Xamar-weyne ah oo u yaqaan masjidkii Xaaji Muuse Al-Guscami. 2- Safarkii la magac baxay Socdaalkii ilmo Jalnidi, ee ay hoggaaminayeen Suleymaan Bin Cubbaad Al-Jalnadi iyo walaalkii Saciid Bin Cubaad Al-Jalnadi. Nimankaas walaalaha ahi waxay madax ka ahaa yeen dalka Cummaan 85-tii illaa 95-tii Hijriyada. Madaxdaas iyo dadkii la socday ee magaalada Muqdisho tagay waxay ka soo qaxeen Maamulkii Ummawiyiinta ee xilligaa, waxaana safarkaa lagu tiriyaa safarradii ugu muhiimsanaa faafinta diinta Islaamka ee dalka Soomaaliya. a Qarnigii 2-aad Taariikhda Hijriyada markay ahayd 149 waxaa magaalada Muqdisho yimid 12 qabiil oo ay kala hoggaaminayeen dad isugu jira Culumaa置ddiin, madax iyo ganacsato reer Xadramuud ah. Waxaa ka mid ahaa qabaa段lladaa Shaanshida, Duruqba, Reer Qaxdaan iyo Reer Makhzuum. Masaajidda ay waqtigaa dhiseen waxaa ka mid ahaa masjidka ay hadda ka muuqato Minaarada C/casiis. Qabaa段lladaasi illaa iyo hadda waxay deggan yihiin magaalada Muqdisho, Marka, Baraawe iyo meelo kale. Sidoo kale 7-dii walaalaha ahaa ee Reer Xaarith, oo isugu jira Culamaa置ddiin, mas置uliyiin iyo ganacsato ayaa iyana tagey magaalada Muqdisho, iyagoo wata 3 Doomood oo ay la socdeen dad aad u fara badan. Dadkaasi waxay ka soo baxsadeen ninkii waqtigaas madaxda ka ahaa magaalada Al-Axsaa. Safarka kooxdaan wuxuu isna door lama illaawaan ah ka qaatay faafintii diinta Islaamka ee Soomaaliya. a Qarnigii 3-aad Sidaad horeyba usoo ogaateen illaa iyo Asxaabtii Rasuulka (CSW) ayay xeebaha Soomaaliyeed nasiib u yeesheen inay noqdaan dhabbe ama waddo dadka Soomaaliyeed diinta lagu soo gaarsiiyo laguna faafiyo. Sidaas darteed; qarnigii 1aad, 2aad iyo 3aad oo ah qarniyadii Rasuulka (CSWS) uu khayrka uga marqaatiga kacay ee Salafu-Saalixa ayey diinta Islaamku kusoo xoogaysanaysey Soomaaliya marba marka ka danbeeya. Taas waxay ku tusinaysaa in cilmiga diinta Islaamka ay haystaan dadka Soomaaliyeed uu kasoo jeedo culumnadii Salafu- Saalixa oo aanay ahayn afkaar Salafka gadaashii la soo dhoodhoobay sida midda ay fidiyaan kuwa Bidcada ah. Dadkii qarnigii 3aad diinta ku nooleeyey Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Al-sayid bin Aw-Cali oo lagu tiriyo dadkii dhidibbada u taagey magaalada Baraawe, oo waqti dhow xitaa la dhihi jiray Baraawe Bin Aw-Cali. a Qarnigii 4-aad Qarnigii 4-aad Soomaaliya waxay noqotay meel cilmiga yaalla lagu faano caalamka Islaamka ah dhexdiisa. Waxaa qarnigaan 4aad ee Hijriyada oo ku beegan 975-tii Miilaadiyada waxaa xeebaha Baraawe iyo Mombasa ka degey dad uu hoggaaminayey Suldaan Xasan Ibnu Cali oo ka mid ah suldaannadii u talin jirey reer Shiiraas, waxaana meelihii ay diinta ku faafiyeen ka mid ahaa Shabeellada Hoose, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo meelo kale. a Qarnigii 5-aad Qarnigii 5-aad ee Hijriyada magaalada Muqdisho iyo magaalada Harar waxay ka mid noqdeen saldhigyada waa weyn ee looga soo xeraysto barashada culuumta diinta Islaamka. Culumadii doorarka ugu muhiimsan ka qaatay waxaa ka mid ahaa Al- Sheekh Abuu Bakar Fakhru-Diin oo waqtigaa loo doortay inuu noqdo madaxa ugu sareeya ee dadka reer Muqdisho. a Qarnigii 6-aad Qarnigii 6-aad ee Hijriyada magaalada Muqdisho waxaa maamulkeeda qabtay nimankii la oran jiray Reer Zawzaan. Sidoo kale, magaalada Harar, Seylac iyo meelo kale oo ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka Soomaaliya waxaa ka sameysmay imaarado loo yaqaan Mamaaliku-sabca (7-dii Boqortooyo). Maamuladaasi waxay faafinta iyo difaaca diinta Islaamka ka qaateen door muhiim ah. Sidoo kale, culumamadii waqtigaa ugu caansanaa Muslimiinta dhexdooda waxaa ka mid ahaa Al- Imaam Shariif Barkhadle oo loo yaqaan Sheekh Yuusuf Al-Kownayn oo la yiraahdo Sheekh Yuusuf Ibnu Mux誕d Ibnu Ismaaciil Ibnu Yaxyaa Al-xasani (RC). Sheekh Yuusuf Al-kawnayn ilaa iyo hadda waxaa si wayn looga yaqaanaa loogana siyaartaa guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Maqaamka Aw-Barqadle oo dhanka woqooyi wax yar ka xiga magaalada Hargaysa. a Qarnigii 7-aad
Qarnigii 7-aad waxaa xukunka
Muqdisho Shiiraasiyiintii kala wareegay Amiir Maxamed Cali, oo ahaa masuul
ku caan baxay faafinta diinta iyo sameynta saldhigyada Islaamka. Taariikhda
Hijriyadu markay ahayd 667 wuxuu dhisay amiirku masjidkyada kala ah:- Sidoo kale, waxaa isla qarnigaas sanadii 612-dii Hijriya magaalada Muqdisho yimid Wasiir ka socday Imaamkii waynaa ee Cali ibnu Tabaktakiin Al-kukbari oo loo yaqaan Al-malikul-mudafar. Wasiirkan waxaa magaciisa la oran jirey Sheekh Cusmaan ibnu Xaaji Cali ibnu-sheekh Muxammad ibnu Saciid, wuxuuna xaafadda Shengaanni ee magaalada Muqdisho ka dhisay guryo badan oo saro ah. Wasiirkan waxaa la yimi dad badan oo isugu jirey kuwo la socday iyo kuwa kusoo hirtey. Waxaa la weriyaa in dadkaas dhinaca Malikul- Mudafar ka yimi ay door wayn ka qaateen faafinta diinta Islaamka. Malikul-mudafar wuxuu ahaa hoggaamiyihii ama Imaamkii Muslimiinta, ee ugu caansanaa dhigista xuska Mawlidka Rasuulka (CSW). Sidaas waxaa caddeeyey Xufaadda iyo Imaamyaalka ay ka midka yihiin: Xaafidu Suyuudi, Imaam Ibnu Khallikaan, Imaamu-Sarqaani, Xaafid Ibnu-kasiir, Xaafidu-Dahabi, Sibdi ibnul-jawsi, Xaafid Abuu-Shaama oo ah Sheekhii Imaam Nawawi iyo Imaamyaal kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Sidaas darteed, marka la eego habka xoogga badan ee Soomaalidu u dhigaan Ixtifaalka xuska Mawlidka Rasuulka (CSW), waxaa la dareemi karaa inuu ka mid yahay cilmiyadii iyo khayraatkii ay ka faa段idaysteen wufuuddii uga timi Malikul-mudafar. Waxaa culumadii waqtigaas ugu caansanaa ka mid ahaa Sheekh Abaadir oo illaa iyo hadda laga xuso dalka Soomaaliya. Sheekh Abaadir waxaa saldhiggiisu ahaa magaalada Harar oo sida la og yahay ka mid ahayd saldhigyadii Asxaabtii waddankeenna u soo haajirtay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| Copyrightゥ Aswana | info@ahlusunna.org |