![]() | ![]() | |
| |
|
☛ HORDHACA DABCADII 2-AAD Waxaan ku billaabayaa magaca Ilaahay Salli iyo Salaam Tacdiim lala xiriiriyey Nabiga Suuban iyo Aal-kiisa dushooda Allaha yeelo. Intaa kadib walaalayaal; sida dadka aqoonta lihi isku raacsan yihiin taariikhdu waxay lama huraan u tahay badbaadada iyo hab nololeedka Banii-aadamka. Waa hagaha bulshadu ka barato guud ahaan waddooyinka loo maro horumarka. Waxay kala saartaa tijaabooyinkii lagu soo guulaystay iyo kuwa lagu guul darraystay, si loo beegssado guusha, loogana foojignaado guul darrada. Taariikhdu waa tan muraayadda u noqota cid kasta oo doonaysa inay u halganto difaaca iyo horumarinta guulaha Diinteeda, Dadkeeda iyo Dalkeeda. Sidaas darteed; ummad waliba waxay awoodeeda isugu geysey inay qorto taariikhdeeda, kana ilaaliso wax kasta oo wax u dhimi kara sida xaqiraad ama ka been sheegid.. Ummad kasta oo aan qorin taariikhda Jiritaankeeda, Xadaaradeeda, Thaqaafadeeda iyo Halgamadeeda waxay la kulantaa khataro aan la soo koobi karin. Waxay noqotaa bulsho aan kala garan nacabkeeda iyo sama-jecleheeda. Ummaddaas, wuxuu cadawgeedu fursad u helaa inuu wiiqo sharafkeeda, karaamadeeda iyo wax kasta oo fure u ah horumarkeeda. Mushkilladda qoris la’aanta taariikheed ayaa la oran karaa waxay haysataa dadyow badan oo ay kamid tahay ummadda Soomaaliyeed. Waxay dhaxalsiisey ummadda Soomaaliyeed arrintani in aan si u qalanta oo dhab ah loo qorin taariikhdeeda diineed, xadaaradeed iyo halgan intaba. Soomaalidu waxay mudnayd inay ka faa’iidaysato aqoonyahamiintii diinta Islaamka oo 1000 sano ka hor ku guulaystey inay taariikhda u adeegsadaan heerkii ugu sarreeyey inta la ogyahy; isla markaana gundhig uga dhigay cilmiga sugista iyo xifdinta. Arrintan xaqiiqadeeda waxaa garan kara qof kasta oo akhriya aqoonyahamiinta Islaamku habka ay u diyaariyeen ama wax uga qoreen:-
· Taariikhda
ama Siirada Rasuulka
(CSW)
iyo Asaxaabtiisa dhammaantood Allaha ka raali noqdee. ☛ HORDHACA DABCADII 1-AAD Waxaan ku billaabayaa magaca Ilaahay, Salli iyo Salaam Tacdiim lala xiriiriyey Nabiga Suuban Dushiisa Allaha yeelo. Intaa kaddib walaalayaal; sharaf adduun iyo sharaf aakhiro Allaha na siiyee, Ilaahay (SW) wuxuu ummaddiisa Muxammadiyada ah ku mannaystay fadli, karaamo iyo khayr cid uu ula ekeysiiyey aanay jirin. Wuxuu ka dhigay ummadaha Ilaahay ifka u soo bixiyey midda ugu khayrka badan sida Ilaahay ku caddeeyey Qur’aankiisa Kariimka ah, Aayadda 110-aad ee Suuradda Aala Cimraan. Waddan kasta oo ummadda Muxammadiyada ahi ku nooshahay wuxuu Rabbi (SW) ku galladaystay taariikh iyo xadaarad u gaar ah oo lagu aqoonsado. Dhanka kale, wuxuu Ilaahay xarrimay isla markaana uu ka dhigay wax aan marnaba bannaanayn, in meel looga dhaco taariikhda iyo turaaska ay ummadi leedahay. Waxaa la isku raacsan yahay, cilmiguna tibaaxay, in dambiga ugu weyn ee ummad laga galo uu yahay in lagu duulo, waxna loo dhimo Turaaska, Taariikhda, Thaqaafada iyo Xadaarada Diineed ee ay leeyihiin. Waxaa la yiraahdaa : “ummaddii la baa bi’iyo taariikhdeeda waxaa la baa bi’iyey jiritaankeeda”. Fal dambiyeedka taariikh halleynta iyo turaas duminta waxaa mar kasta faraha kula jira kuwa Ilaahay (SW) beeniyey ee Gaalada ah iyo kuwa ay iyagu soo adeegsadeen ee Bidcada ah. Sidaa darteed; ayaan qalinka u qaatay inaan qoro Risaaladaan, taasoo aan Ilaahay (SW) idankii uga hadli doono mawduucyadaan kala ah: 1. Waqtigii dalka Soomaaliya Diinta Islaamku soo gashay iyo sidii ay dhaqso ugu qaateen iyagoo aan wax xoog ah lagu muquunin. 2. Dadkii Soomaaliya diinta ku faafiyey iyo marxaladihii ay ku kala sugnaayeen waqtigii Salafu-Saalixa iyo wixii ka dambeeyey. 3. Imaamyaalkii iyo Culumaa’uddiinkii wax ka qoray dalka Soomaaliya. 4. Muslimiinta Caalamka ee ka qaatey Culuumta Diinta Islaamka Imaamyaalkii iyo Xufaadii Soomaaliyeed. 5. Sida dadka Soomaaliyeed u qadariyaan barashada Qur’aanka Kariimka iyo qiyaasta caddadda (tirada) dadka Qur’aanka yaqaan iyo kuwa xafidsan. 6. Barashada funuunta cilmiga Islaamka iyo heerka culumada Soomaaliyeed ka gaareen adabka luqadda Carabiga. 7. Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray halgamadii culumaa’uddiinka Soomaaliyeed hoggaaminayeen ee lagu difaacayey sharafta taariikheed ee diinta Islaamka iyo ehelkeeda. 8. Midnimada diineed ee Ilaahay (SW) ku manaystay ummadda Soomaaliyeed, ee 100% Muslimka ah. 9. Hagardaamooyinkii gaalada iyo adeegayaasheeda Bidcadu u geysteen Taariikhda iyo Jiritaanka culumaa’uddiinka Soomaaliyeed. 10. Sidii gaalada iyo gaalo raacyada Bidcadu isaga kaashadeen baa bi’inta taariikhdii soo jireenka ahayd ee culumaa’uddiinka Soomaaliyeed. 11. Iyo aragtida xalka lagu soo noolayn karo sharafta taariikhdii ummadda iyo culamaa’udiinkeeda ee looga badbaadi karo hagardaamooyinka cadawga. Ilaahay (SW) waxaan ka rajeynayaa in dadka Muslimiinta ah uu ku anfaco qoraalkan aan u hibeeyey inta xaqa iyo sharafka jecel, uuna ka dhigo guud ahaan dadka Muslimiinta ah kuwo u halgama ilaalinta sharafta, taariikhda iyo thaqaafada caqiidadooda saxiixa ah. Wabillaahi Tawfiiq |
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| Copyright© Aswana | info@ahlusunna.org |