![]() | ![]() | |
| |
|
(4) XOOJINTII DIBINDAABYADA UMADDA. ⇛ 1969-kii Shacabku aad ayuu ugu soo baxay taageerada militariga, taasna waxay keentay inaan wax dhiig ah ku daadan inqilaabkaas. Waxay shacabku qabeen in haddii la rido dowladdii 1960ka ay halkaas ku dhamaanayso tacaddigii lagu hayey. Dowladdii 1960kii ee aan kor ku soo aragnay sida ay ku soo unkanjutay, waxa ay ka koobnayd iyo raadkii darxumo ee ay ka tagtay; waxa 1969-kii bedelay afgambi militari oo markii dambe u xuubsiibtay Hanti-wadaaga. Haddaba, aan isweydiinee maxay dowladdii militariga ahayd ka qabatay tacaddigii laga dhaxlay tii 1960kii? Guud ahaan waxaan shakki ku jirin in dowladdii militariga ay wax badan dhaantay tii hore. Hase yeeshee, towjiih ahaan waxba sooma kordhin oo waxay qaaday dariiq qalad ah. Waxaa halkaan iyana ka dhalan karta su’aasha ah maxaysan uga leexan dariiqaas qaladka ah ee tii hore raacday? Su’aasha jawaabteedu waa mid sahal ah; fahamkeedana wuxuu sal dhig u yahay ujeedada qoraalkaan iyo guud ahaan halganka ummadda Soomaaliyeed ugu jirto xaqiijinta sharafka diinteeda, dadkeeda iyo dalkeedaba.
Su’aasha jawaabteeda oo
kooban waxay tahay ciidamada xukunka qabtay waa kuwii ay soo tababareen
gumaystadu, sidaas darteedna ma lahan manhaj suuban oo caqiido sal u tahay
sidii halgamadii culumadu hoggaaminaysay ee dalkaan mudada dheer ka
hortaagnaa gumaysiga. Manhajkaas saalixa ah la’aantii waxaa dowladdii
militariga ahayd laga dhaxlay ayaan darrooyin ay ka midka yihiin:- 2- Isku dirka iyo kala qaybinta ummadda oo aan hore loo maqqal illaa haddana aan xal loo helin, eelkeedana la hubo inuu sii jiri doono sanaddo soo socda;- 3- Kobcinta qabyaaladda iyo marin habaabnta xeerarka. 4- Ciriiri gelinta shaqada, waxsoosaarka iyo xorriyadda ganacsiga. 5- Mayd garaacidda waxbarashada gaar ahaan iyo guud ahaan thaqaafada iyo fikriga. Isku soo ururiyoo xukuumaddii miliratiga ahayd inkastoo ay dhaantay tii 1960kii, haddane waxay ahayd mirihii aan ka dhaxalnay xukuumaddii hore ee isticmaarku noo dhisay 1960kii. Dhammaan arrimahan iyo waxyaalihii la midka ahaa waxay ka caraysiiyeen shacabkii Soomaaliyeed, oo filanayey inay helaan wax dhaama maamulladii fashalka ahaa ee isdaba joogay. Mar labaad ayuu shacabkii galay qaladfkii hore uu u galay ee ahaa “haddii mar la rido xukuumaddii militariga ahayd inay u baxayaan neecow caafimaad qabta” ( 5 ) DHAMMAYSTIRKA DIBIN DAABYADA IYO MIRIHII KA DHASHAY . ⇛ 1991dii Iyadoo shacabku ku suganyihiin Xog la’aantaas iyo wacyi yaridaas aan hore u soo sheegnay, welina aan la garan meesha cudurku ka jiro ayaa waxaa dhashay gadoodyo xoog badan oo lagu ridayo xukuumaddii melleteriga. Gadood-yadaas waxaa hormood u ahaa jabhado, kooxo, qabiilooyin iyo shaqsiyaad. Guud ahaan, waxaa laga dhaxlay kacdoonkan fowdada ah arrimo qaab daran oo illaa iyo hadda laga dhex bixi la’yahay. Qormadaan laguma suu ururin karo dhammaan fool xumooyinkii dhacay mudadii dagaaladda sokeeye; waxaanse ku soo koobi karnaa : 1. Dil, dhac, foolxumo iyo barakicin aan xad lahayn. 2. Dadkii oo sii kala fogaada, taas oo sababtay. a) in dowlad la’aan la ahaado 13 sano, welina aan la ogayn rajada; b) in gumaysiga iyo wakiilladiisu faragelin joogto ah ku sameeyaan arrimaha dalka iyagoo ka faa;iidaysanaya dowlad la’aanta jirta; faragelintaas oo sii murjisey dib uheshiisiinta ummadda; 3. Bidcadii oo dalka ku soo xoogaysatay iyadoo maanta faraha kula jirta siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada. 4. Dadka Soomaalida oo u qaxay dalalka shisheeyaha ah; halkaasoo nasiib darro ay soo dhaweeyeen gaaladii, ayna diideen kuwii sheeganayey Islaamka. Arrintaas oo reebi karta raadad aan la mahdin. Inkastoo haddii dhinac laga eego bidcada iyo jabhadihii qabiilka ku dhisnaa ayan u kala roonayn dalkaan, oo ay ku tartamayeen sii kala qaybinta dadkaan hore loo kala dilay iyo u tartamidda isticmaarka; haddana maadaama Bidcadu tahay midda sii qatarta badan aan wax yar ka faaloono siday u xoogaysatay waqtigii dagaalka ahalka. Bidcadu waa kooxo ku ganbada magaca diinta iyagoo si saxa u aamminsanayn, waxay dadka isu tusayeen ineey ka badbaadinayaan dhibaatada iyo cadaalad darrada jirta. Waxay isu muujinayeen inay ummadda u horseedayaan horummar iyo baraare. Waxay u sheeganayeen inay yihiin Hay’ado Islaami ah oo u tababaran horumarinta barnaamijta diinta iyo sida dhaqanka loogu dabbaqo. Bidcadu maadaama billowgii dagalada alhiga awooddoodu yarayd si ay u soo dhex galaan talada iyo maamulka qabiilooyinka waxay gacan ka gaysanayeen kicinta, abaabulka, iyo dagaal gelinta qabaa’ilka. Qabiilkii ay u suurto gasho iyaga ayaa majaraha u qabanayey, kii kalena xubno muhiim ah ayey ka noqonayeen. Xilligaan dagaaladda sokeeye ee dalkaan, abaabulka siyaaso, dhaqaale iyo bulshaba wuxuu ku salaysnaa hab qabiil. Sidaas darteed, Bidcadu hoggaamiyihii ay dantooda ka waayaan waxay ku qaadayeen dagaal qarsoon iyo mid muuqda intaba. Fursadahan waxaa u saamaxayey bidcooyinka dhaqaalaha iyo taageerada xoogga badan ee uga imaanaya dibedda si ay u fuliyaan mashruucooda bidcaysiinnta iyo u adeeggidda cadawga ummadda. Hagardaamooyikii shirqoolladii iyo dulmigii dhacay mudaddadii marin habaabinta laguma eedayn karo qabiil gaar ah; balse waxaa loo tirinayaa laguna eedaynayaa mabda’ii ama barnaajikii gumaysatadu abaabusheen ee lagu saleeyey xukunka iyo maamulladda ummadda. Wax macna ah ma samaynayso madaxweyne hebel waxaa bedelay madaxweyne hebel, mar haddii ay ku wada shaqaynayaan manhajkii marin habaabinta ee isticmaarku dejiyey. Sidaas darteed; qoraalkaan min bilow illaa dhamaad, wuxuu ku jihaysanyahay ka hortagga dibindaabooyinka iyo shirqoollada cadawga ummadeenna. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| Copyright© Aswana | info@ahlusunna.org |