|
|
Archives |

|
|
|
|
|
♜
Qaybta 4aad
MARIN HABOWGII HALGANKA
(1)
MARIN HABAWGII
Sida aad taariikhda ku soo
ogaateen inta cilmiga lihina ka dhereg sanyihiin, dalka iyo dadka
Soomaaliyeed waxaa soo hoggaamin jiray culumaa’udiinka Ahlu-sunna Wal
Jamaaca; waana arintaas midda sababtay in markasta gumeysatadu ku soo
hungoobaan dalka Soomaaliya laga soo bilaabo 615-tii miilaadiyada, oo ah
waqtigii dalkeena diintu soo gaartay, ilaa 1950-kii oo dhan 1335 sano.
Arrintani ma aha mid ku kooban Soomaaliya oo keliya, ee waddan kasta oo ka
mid ah waddamada muslimiinta waxaa gumeysatada gaalada ah lagaga hortagayey
halgan ay hormood ka yihiin culamadii suufiyada ahayd ee Ahlu-sunna wal
Jamaaca.
Si dhabarka looga wiiqo
looguna khatimo fashal halgamadii taariikhiga ahaa ee ummaddaan wuxuu
gumaysigu qorsheeyey xeelad cusub oo aan ugu magacdaray MARIN HABOWGA
UMMADDA.
Gumaystuhu wuxuu gartay waxa
hortaagan inuu yahay manhaj caqiiddo diineed adag leh; inta ay taasi jirtana
aanu ka lib keenayn howlihiisa masalo habaabin. Sidaas darteed, wuxuu
gumaystuhu ku saleeyey qorshihiisaas in la sameeyo dowlad dadku Soomaali
yihiin, laakiin ku shaqaysa manhajka gumaysiga si loo gaaro yoolka
gumaystada.
Gaarista iyo fulinta
qorshahaan marin habaabinta ah wuxuu gumaystuhu ka shaqaynayey muddo dheer
oo kala qaybsan; si aan u fahamno waddada uu u soo maray fulinta qorshahaan
aan la jaan qaadno qayb kasta qaabkii uu u fuliyey.
(2)
DIYAARINTII DIBIN DAABYADA UMADDA.
⇛
1950-kii
Dareenkii halganka gumaysi nacayb ma damin Sayidka ka dib, balse wuxuu ahaa
mid ku jiray heer abaabul iyo guubaabo illaa laga soo gaaro 1943dii oo uruka
SYL la curiyey.
Wuxuu
halganka marba qar ka dagaba, labadii bishii labaad 1950kii ayaa golihii
midowga gumaysatada gaalada ee isku magacaabay Qaramada Midoobay, waxay
dalka Soomaaliyeed u soo direen Talyaaniga oo ay u soo dhiibeen Xeerkoodii
Wasaayada.
Xeerkaas oo Goluhu
ansaxiyeen 2/9/1950 waxaa ku lifaaqnaa qaanuunkii Wasaayada ee Maamulkii
Gumaystaha, waxaana waxyaalihii ku qornaa ka mid ahaa.
·
In Talyaaniga loo soo wakiishay inuu Soomaalida kor ka xakumo
muddo 10 sano ah, si uu ugaarsiiyo heer ay dowladnimo ku hanan karaan.
·
In isla markaana uu sanad walba Qaramada Midoobay u soo
gudbiyo warbixin buuxdda oo ku saabsan marba horumarka laga gaaro
(u tababaridda)
dhinacyada Siyaasada, Maamulka, Bulshada iyo Dhaqaalaha.
Arrinta
Maxmiyada ama Wasaayada ee gumaysatadu u soo dhiibatay Talyaaniga, waxay
xambaarsanayd
dulmi wayn oo asal u ah dhibaatooyinka ilaa iyo maanta xalka
loo la’yahay;
sababahaan soo socda awgood.
·
10-kii sano ee Wasaayada Soomaaliduna Daakhiliga u taqaan
waxey gumeysatadu doonayeen in ay ku diyaarsadaan dad Soomaali ah oo ku
shaqeeya manhajka gumaysatada.
·
Si arrintaas loo xaqiijiyo waxay wakiiladoodii Wasaayada ee
Talyaaniga fareen in uu sanad walba Qaramada Midoobay u soo gudbiyo
horumarkii uu ka gaaray dhinacyada Siyaasada, Maamulka, Dhaqaalaha iyo
Bulshada.
Si loo fuliyo diyaarinta
tabcanayaasha danahooda u matali doono mustaqbalka ayagoo huwan magac dowlad
Soomaaliyeed wuxuu gumaystuhu ku tallaabsaday arrimahaan soo scda:-
·
Waxay 25/8/1952dii dalka Talyaaniga u qaadeen kormeeriyaal Boolis oo
Soomaali ah, si ay ugu soo tababaraan Layli Sarkaal.
·
Bishii 9-aad ee Sanadkii 1952dii waxaa isla dalka Talyaaniga loo qaaday Hawl
wadeeno ay sheegeen inay u soo tababarayaan maamulka iyo siyaasadda!.
·
Tababaradaas dibedda waxaa dhinac socdey tababaro kuwaas la mid ah kana tiro
badan oo ay gumaysatadu gudaha dalka ka sameyneysey.
Markuu diyaariyey
tabcanayaashiisii oo ay dalka ku soo noqdeen si loogu dhiibo xukunka wuxuu
ku dhaqaaqay gumaystuhu tallaabooyin kaan soo socda:-
·
Billowgii 1954tii wuxuu sameeyey golihii ay ku magacaabeen
GOLAHA WADA TASHIGA SOOMAALIYEED.
·
Isla
horraantii 1954 ayuu Talyaanigu dalka ka sameeyey doorashadii ugu horreeysey
ee Maamulka Degaannada, kaasoo ay kuraastii ugu badnayd ka heleen Ururkii
SYL.
·
Bishii 3aad 1956-dii wuxuu sameeyey gumaystuhu doorashadii golihii ay ku
magacaabeen Sharci Dejinta oo isagana
ay ku guulaysteen isla ururkii SYL.
·
Markii gumaysigu ku guulaystay in tabcanayaashii uu soo tababaray loo dhiibo
Maamulka iyo Ciidamada; wuxuu u guntaday inuu ururkii SYL ka burburiyo
gudaha; taas oo macnaheedu yahay inuu ku dhex-milo ururka SYL madaxdii
siyaasadda ee kasoo horjeedi jirtay SYL; taas oo iyana uu ku guulaystay.
Isku soo dhawaanshahaan
gumaystadii Talyaaniga iyo SYL, wuxuu macneheedu yahay in SYL ku dhacday
shirqoolkii loo qorsheeyey.
Waa sidii ay Gumaysatadu
qorsheeyeene, waxay 10-kii sano ee Wasaayadu dhammaatay gumaystaha oo:-
1- Diyaarsaday
ciddii uu dalka u dhiiban lahaa xag Siyaaso, Maamul, Ciidan, Dhaqaale iyo
Bulsho intaba.
2- Diyaarsaday
Dastuurkii dalka loogu dhaqi lahaa, dadkana looga fogayn lahaa Dustuurkoodii
Samaawiga ahaa ee Shariicada Islaamka.
3-
Diyaarsaday dhammaan barnaamijyadii khilaafka iyo iska horkeenka oo ay u
samaysteen shakhsiyaad magac Soomaaliyeed leh oo dadka ku dhex faafiya
khilaaf diineed iyo mid qabiil; waana markii ugu horreysey ee dalka lagu
arkay Bidco cambaareyneysa culamadii iyo diintii ay ummaddu haysatey muda ka
badan 1300 sano
(3)
SAL U DHIGIDDI DIBIN DAABYADA UMADDA.
⇛
1960-kii
Halkaas waxaa ka dhashay
1960 dowlad ay hormood ka tahay SYL oo is huwan, oo caloosheeda ku wadata
wax yaabihii qarxin lahaa oo dhan.
Sidii gumaystaha ugu talo
galayba, dowladdii SYL waxay la kulantay marxalad adag, iyagii ayeyna
gumeesatadu kala furfurtay. Dadwaynihii taageersanaa SYL waxaa la isaga
horkeenay qabiil qabiil. Is qab qabsi xukun doonimo ku dhisan ayaa ka dhex
dhashay. Halkaas SYL waxay ku waayeen kalsoonidii taageerayaal badan iyo
gaar ahaan taageeradii culumaa’udiinka oo ahaa:-
·
Kuwii waqtigii Sh. C/qaadir Sh. Sakhaawadiin iyo ka horba horumuudka u ahaa
dhaqdhaqaaqa gumeysi diidka ahaa ee Soomaaliya;
·
Xarigga isku xirayey dadweynihii halgamayey ee Soomaaliyeed iyo madaxdii SYL
·
Waacidiintii iyo jihayntii shacabkii halgamayey.
In kastoo SYL is huwanayd,
haddane waxaa ummadda Soomaaliyeed la socotaa in hoggaamintii ugu sarraysay
ay gacanta ku dhigeen kuwii Talyaaniga camiliinta u ahaa; kuwaasoo midab
Soomaaliyeed leh, sheeganayeyna inay muslimiin yihiin, isla markaana
fulinaya barnaamijyadii gumeysatadu sida tooska ah u fulin waayeen.
Maxay samaysay dowladdaas is
huwan oo garabka Talyaanigu ku xoogga badnaa:-
-
Waxay moora duug ku
sameeyeen xaqiraad iyo jawr-fal taariikhdii iyo mudnaantii halgamayaasha
Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan mudnaantii culumaa’uddiinka
Ahlu-sunna Wal Jamaaca, ee muddada 1300-ka sano ka badan hormoodka u
ahayd hoggaaminta iyo halganka ummadda.
2. Waxay burburin gaar ah u gaysteen caqiidada suuban ee diinta
Islaamka iyagoo:-
· Abuurey
dalkana soo geliyey bidcada Waahabiyada ah; una dhiibay xilal sar-sare ee
wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda si barnaamijkooda bidcaynta dalka u
hirgalo.
· Diiday
in Dastuurka dalku noqdo kitaabka Illaahay oo ah kii gumeysatada looga
adkaaday, kuna beddelay dastuurkii gumeysatada Kirishtada.
· Saaxada
ka saaray luqaddii Qur’aanka Kariimka ee Carabiga kuna beddelay luqaddii
gumeysatada iyo kuwo kale; isla markaana dhulka ka hoos geliyey goobihii iyo
barnaamijyadii diinteenna muqaddaska ah lagu horumarinayey.
Matalan ardayga dugsiga
dhexe ka baxa ayaa agtooda ka tixgelin badnaa caalimka 50-ka sano iyo ka
badan dadka barayey culuumta kala duwan ee diinta Islaamka.
· Adeegsaday
xeelad kasta oo laysaga horkeeni karo culumaa’uddiinka, si ay u burburiyaan
quwaddii diineed ee soo jireenka ahayd, iyagoo adeegsanaya qaacidadii
macallimiintooda gumeystada ee qaybi oo xukun.
3. Waxay
dhiirri-galiyeen dhaqan xumada bulshada iyagoo horumariyey goobihii iyo
barnaamijyadii fisqiga.
4. Waxaa
ku hoos macaluulay dalkaan barwaaqada ah dadkii Soomaaliyeed ee soo halgamay
ee ku taamayey in mar uun la dhirgi doono.
5. Waxaa
dhaqan aan lala yaabin balse lagu faano noqotay caddalad darrada, eexda,
laaluushka, qabiilaysiga iwm.
6. Waxaa
cirka isku shareertay nabadgelyadii muwadiniinta miyiga iyo magaalada.
7. Soomaaliya
waxay noqotay meel aduunka looga yaqaan QABRIGII MUCAAWINADA.
Arrimahaas
iyo kuwo ka sii murugo badan ayay dadka, dalka iyo diinta Islaamka iyo
Ehelkeeda ku sugnaayeen muddo dheer. Jowr falkaan wuxuu noqday sababtii
horseeday dhalashadii xukunkii militari ee dalka qabsaday 1969kii.
|