Assalaamu Calaykum Waraxmatu-Allaahi W. AhlusunnaWaljama'a Wa bog Islaami ah oo u adeega bulshada muslimiinta ah.
 |  Main  |  Wacdi  |  Dikri  |  Cajal  |  Forums |  |  Codka  |  Chat Contact  |  
Menu

   Dr Bout - Muslim Scholar   Sheikh Bouti


Sh. C/razaq
Soomaaliya     &
Ahlu Sunna-Waljamaaca

Qaybtii 1aad
1 2 3 4 5 6 7 8
Qaybtii 2aad
9 10 11
Qaybtii 3aad
12 13 14 15
Qaybtii 4aad
  16 17
Qaybtii 5aad
18

 

 
 

Archives


Dhageyso Qur`aanka Kariimka Sh. Mohamud Khaliil Al-Husri

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114


 

(3)     HALGANKII KOOFURTA SOOMAALIYA

Halgamada daba joogay kii Daraawiishiista dhanka koofurta Soomaaliya waxaa ka dhex muuqnayey  culumaa’udiinkii ay ka midka ahaayeen;-

1.          Fadiilatu Sheekh Xasan Barsane (RC) oo hoggaaminayey halgan baaxad weyn oo looga difaacay gumaysatada Xabashida koofurta iyo bartamaha Sooaamliya, laguna guulaystay.

2.          Sh. Sakhaawa-diin Sh. Uways Al-Qaadiri (RC) oo bud-dhig u ahaa halgankii SYL ee xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Shiikh Sakhaawudiin waxaa awoowgii ahaa Caalimkii waynaa ee Sheekh Uways Bin-Axmed Al-Qaadiri, oo ah mujaddidkii dariiqada Qaadiriyada ee dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo u badan Bariga Afrika.

3.          Xertii Sayidii Sheekh Cali Maye iyo mashaa’ikhdii Marka, Lafoole, Jilib-Marka iyo kuwii la midka ahaa oo xeebaha koofurta kala dagaalamayey gumaystadii Talyaaniga.

4.          Sheekh C/rixmaan Mursal geesigii Suufiga ahaa ee hoggaaminayey halgamadii ka dhacay Jubbadda Dhexe, Jubadda Hoose ilaa xuduuda Kenya ee 1922-dii.

5.          Sheekh Bashiir iyo Xaaji Faarax Oomaar oo ka dhex muuqanayay halgankii Waqooyiga Soomaaliya.

6.          Cadiyatu-Raxmaan oo ahaa dhaqdhaqaaqii culumaa’udiinka waqooyi ay aasaaseen 1934-tii.

7.          Sheekh Cumar Askar oo hoggaminayey halgamayaashii gobonnimada Waqooyi ee Soomaaliya ee SNL 1958-dii.

 

Halgamada ummadda Soomaaliyeed ee ay hoggaminayeen mashaa’ikhda sare ku xusan iyo kuwo kaleba wuxuu ku sii kordhiyey maamulladdii gumaysiga xanuun, qasaare naf iyo maalba leh. Taas waxay ku kaliftay inay dib uga fakeraan tabahooda gumaysi maadaama ay adkaatay in la sii joogo dalka Soomaaliya.

 

Waxaa arrintaan garab socday halgamo dadyow badan oo dunida la gumaysto ka mid ahaa oo iyana ay ka wadeen dunida afarteeda jiho; halgamadaas oo cuslaynayey in gumaystuhu fakar kale la yimaado.

 

Si arrintaan xal loogu helo, wuxuu gumaystuhu la yimid fakar ah inuu ka baxo Soomaaliya muuqaal ahaan laakiin Adeegayaashiisu u sii wadaan danihiisa. Taas waxaa weeye in la gaarsiiyo Soomaaliya wax lagu sheegay xorriyad laakiin ah hab cusub oo gumaysi ah.

 

 

.

 

Macluumaat

 
Dowrka Culamada Soomaliyeed Sh. C/Razaaq

Tafsiirka Burdaha 1 2 3 4 5 6 7
Sh. Maxamud
(Guri ceel)
Qasiidatul-Burdaha 1 2 3 4 5 6 7 8 9
مؤسس المذهب الوهابية ليس من أهل العلم  الشيخ سليمان بن عبدالوهاب رحمه الله
 

 
   Copyright© Aswana  info@ahlusunna.org