![]() | ![]() | |
| |
|
Waxaa kaloo dacaayadahaas inay fidaan fursad siiyey arrimo dhowra ah sida: 1. Waxaa jirey kooxo ka mid ah ciidamada Daraawiishta oo ku ka cayey falal gurucan oo dhan ka ah hadafka halganka Daraawiishta; falalkaas oo loo nisbeenayey inuu Sayidku ka dambeeyey ama soo amray. 2. Waxaa kaloo Sayidka mararka qaar ka dhacayey tallaabooyin ama ereyo aan haboonayn, taasoo ay ugu wacnayd weeraro had iyo jeer uga imaanayey dadkii kasoo horjeedey sida duulaanno lagu soo qaado, gabay xun oo loo soo diro ama ra'yi qaldan oo dad taageerayaal ah u soo gudbiyaan. 3. Sidoo kale, xilligii dowladnimada waxaa jirey qoraallo iyo buunbuunino kala duwan, kuwaasoo ay dadka badankiis u arkayeen in arrintaani tahay mid ku dhisan hab qabiil. Si kastaba ha ahaatee, waa lagama-maarmaan inaan lagu kedsoomin nidaamka ay caanka ku yihiin Gumaysatada, iyo Bidcooyinka. Qaabkaas wuxuu yahay in ay si xadka ka baxsan u buun-buuniyaan, weji kalena u yeelaan khilaafaadka iyo xurgufta mararka qaar ka dhex dhaca dadka ay ka dhexayso midnimo dhan kasta ah. Nasiib daro ayay ku tahay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan culamadeeda in sharafka taariikheed ee Sayid Maxamed C/le Xasan oo ah mid aduunka laga og yahay lagu baabi’iyo qaldaad dhici kara mararka howl-galkaan ciidan oo kale socdaan iyo waxyaabo inta badan been abuur ah. Mida kale, haddii aanu aqrino taariikhda Islaamka hoggaamiyayaashii iyo geesiyadii guulaha Islaamka u kala dambeeyay, ma waxay dhammaantood ahaanyeen kuwa aan wax qalad ah ka dhicin? mawaxaan baabinaa, tirtirnaa, fool xumaynaa, halyeey 21 sano diinta, dadka iyo dalka ka difaacayey gumaysatadii Ingiriiska, Talyaaniga, Xabashida. Dadkeenna waxaan ku waa ninayaa in ay Ilaahay ka cabsadaan, ayna qaataan amarkii Rasuulka (CSWS) ee na farayey in dadkeena caqiidada wanaagsan aan sheegno wanaagooda, ee aynaan sheegin xumaaantooda . Markii aan da’dda yaraa waxaa la ii sheegi jirey in uu Sayidku hal goob ku laayey sagaal nin oo awoowayaal kay ah. Kuwa waxaa sheegaya waxaa ku haboonayd in ay sheegaan kumannaankii uu gumaysatada ka laayey iyo wixii uu hanti iyo barnaamij ka buburiyey. Sidoo kale, kuwa sheegaya gabayada ay sheegeen inuu Sayidku qabiillo iyo shakhsiyaad ku caayey maxay u sheegi waayeen gabayada faraha badan ee uu ugu hiillinayo diinta Islaamka iyo ahal-keeda, uuna kula jihaadayo gaalada iyo cawaankeeda Sida:- 1. Gabaygii uu ka tiriyey sarkaalkii ciidamada ingiriiska ee kofil markii ay Daraawiishtu dishey isagoo hoggaaminaya ciidankii gumaysatada ee Daraawiishta ku soo duuley. 2. Tixdii uu ingiriiska ugu jawaabay, markii ay yiraahdeen soo dhiib hubkii askarta ingiriiska ee laguula soo galay. # Anigoo ifka xayi ku ah oon iilka laygu xabaalin # Dhulkaygood xaragooto xaaraan bay noqotaaye # Xaniinyo laysma dhibaadsho xirxiro oo wayga digniine # Berito waa xarbi wayne xoogaagu yaanu ku ciilin. 3- TIXDIISII AHAYD . ^ mawaacida diinkii ma wax laysku maagaa ^ jihaadka mowsim-kii galay ma wax laga maqnaadaa ^ mushaarka beentihi ma wax lagu mannaagaa ^ luxud kii madoobaa ma lays moogadeeyaa ^ gaal nin u madiidimay maqaam naara inuu tegi ^ kutubtaa u maragee ma wax lagu murmaabaa 4- TIXDIISII AHAYD @ nin dalkiisa sirayaa silac bow u dambeeya’e @ sasab waan ka dhaartoo sirimaayo diintee @ ilaa sawjar uu kaco dhigimaayo seefta’e 5- TIXDIISII AHAYD § Nin dalkiisa iibsaday duli buu waariyoo § Ninkii galka daba gala darxumowdanbaynoo § Digtoonaada waligiin dunidu waarimaysee § Dadkii idinka weynaa haday idin duleeyeen § Danbi kama ay yaabine cuntay idinka doorteen § Duunyaa ladhaafsaday dugsigaad geleyseen § Dameerkuuna ma yeeleen halkay talo ku daayeen § Dab intay shideenbay dalaq idinku siiyeen § Doox intay qodeenbay ciid idinku daadsheen § Nin idiin damqanayaa idinkama danbeeyoo § Hadaydnaan digtoonaan daad bay din qaadiye § Dullowdada kufaartaa dacas idinku laynoo § Naf dilkaaga dooni firaash looma daadshee § Dabkanan shidayaa daawadiinna weeyee § Dariiqii Rasuulkiyo dawga hawga bayrina 6 - GABAYGIISII AHAA : § Doodna waxan u leeyahay dadkeer hadalka dayn waayey § Niman yahow damiinnimada waa lagu dulloobaaye § Dadku waxuu jeclaystaa waxaan, duxi karaacayne § Dagaalkii nasaarada anaa daalib ku ahaaye § Daliilkii Rasuulka anaa doonay oo helaye § Anaa diidey maantuu lahaa deeqan iga hooye § Diinkayga anigaan ku gadan dabqi naareede § Anaan labada daarood tan hore, daraja moodayne § markay duushay gaaladu anaan daabbaduu rarine § goortay dareeraan anaan diiradduu qabane § anigaan dariiqyada waddada dawga sii marine § anigaan dillakiyo ardiga duubiguu xirane § anigaan dariiqa alliyo diinta caasiyine § dadyow maqal dabubtaan ku iri ama dan haw yeelan § ama dhaba darooryiba jiraye doxorka yeelkiisa § nin rageey dardaaran u tahaye doqon ha moogaado § dawo lagama helo gaal hadaad daawo dhigataane § waa idin dagayaa kufriga aad udabcaysaane § dirhamkuu idin qubahayaad, dib u go’aysaane § marka hore dabkuu idinkuu dhigi dumar sidiisiiye § marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine § marka xiga dalkuu idinku oran duunyo dhaafsade’e § marka xiga dushuu idinka rari sidii dameeraade § mar hadan dushii adari iyo iimeey dacal dhaafay § maxaad igaga digataan beruu siinla soo dagiye Sayid Maxamed C/lle Xasan halgankiisa, cilmigiisa, iyo abwaanimadiisa intuba waa turaath iyo taariikh ay ummaddu leedahay, waxaana xaqiiqa ah in gaaladu aad ujeceshahay wax kasta oo wax loogu dhimayo taariikhdiisa iyo taariikh kasta oo ay halyeeyada Islaamku leeyihiin. Waxaa kale oo xusid mudan in halgankii Daraawiishta iyo halgamadii ka horreeyey sida kii Axmed Gurey ay jireen arrimo ay wadaageen iyo kuwo ay ku kala duwanaayeen; Waxay isaga ekaayeen:- 1. Labada halgan waxaa lagaga hortagay cadow gaalo ah. 2. Labada halgan waxaa hogaaminayey culumado Soomaaliyeed oo Sunniyiin ah. 3. Labada halgan markii lagu jiray gaaladu way isi soo kaashanayeen oo waa wada jireen. Waxay ku kala duwanaayeen: 1. Halgamadii hore muslimiinta way midaysnaayeen guud ahaan, halka waqtigii Daraawiishta Soomaali badan ay ahaayeen caamiliinta gaalada; arrintani waa midda sababtay gabayo badan oo lagu xumaynayo Sayidka iyo Daraawiishba.. 2. Mudadii halgamadii hore waxaa jiray dowlad Muslim ah oo xoog leh (Cusmaaniyadii) taas oo xagga saanadda iyo farsamadaba kaalmo laga heli jiray, halka daraawiishta halgankeedu aanu jirin dowlad Islaama oo gacan ka gaysatada. 3. Mudadii halganka Daraawiishta baaxadda ciidanka gaalada aad ayuu u weynaa, taasna waxaa sahlay farsamada gaaladu ka gaarsanayd xilligaan xagga gadiidka kala duwan. Arrintaan waxay sababtay in gaalada ay ka keenaan ciidan cawaankeeda ah Koofur Afrika, Bariga Afrika, Aasiyada dhexe iyo midda Bari, iwm. Inkastoo Sayidkii la jabiyey, haddane waxaa laga dhaxlay ugu yaraan afar arrimimood oo raad weyn ku reebay Soomaaliya iyo gumaystayaashaba: 1. Gumaysatada waxay kala kulantay Sayidka qasaare naf iyo maalba leh oo ayan marna filayn. Waxaa kutubta taariikhda si weyn ugu xusan in dowladda Ingriiska oo hormood ka ahayd duulaankaan lagu soo qaaday Daraawiishta ay in muddo ah ka doodaysay inay ka baxdo Soomaaliya maadaama qasaare mooyaane aan wax faa’iido ah kala kulmin. 2. Naafada halkaan kasoo gaartay waxay nuglaysey gumaystihii waxayna u sahashay halgamayaashii Sayidka ka dambeeyey inay 1960 dawlad gaarsiiyaan qaybo ka mid ah Soomaaliya. 3. Dadkii Soomaaliyeed oo waaci ku noqday tabaha cusub ee gumaysiga; taas oo sababtay in halgankii uu halkiisii kasii socdo dhowr sana oo hakad ah ka dib. 4. Halganka Sayidka oo noqday taariikh iyo turaas lagu faano oo ku biirey halgamadii sharafka lahaa ee ka horreeyey.
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| Copyright© Aswana | info@ahlusunna.org |