![]() | ![]() | |
| |
|
➽ Al-Sayid Amiir Nuur Bin Axmed.
Amiir Nuur wuxuu ka mid ahaa
culamada sida lama illaawaanka ah loogu amaano difaaca caqiidada. Waxaa
waqtigiisii caan noqotay halku dhigii oranayey “Xabashidii gumaysi doonka
iyo diin la dirirka ahayd waxaa abaalkoodii iyo ka badanba mariyey
Imaamyaalka kala ah:- Amiir nuur waxuu xukunka la wareegey 1543-dii markii uu dhintay Imaam Axmed Guray. Amiirku wuxuu dib u habeeyey ciidankii Muslimiinta. Wuxuu saldhigii Harar u sameeyey dayrka weyn ee caanka ah oo ah midka ilaa iyo hadda ka dhisan magaalada Harar. Amiir Nuur dagaalkiisii ugu caansanaa uguna guulaha badnaa wuxuu ahaa jihaadkii 1559kii uu ku dilay boqorkii Xabashida ee ka dhaxlay aabihiis Labna Dengal boqornimada. Amiir Nuur markii uu diley boqorkii Xabashida waxaa la soo jaray madaxiisii markaas ayuu suray geed ku yaalay magaalada Harar gudaheeda, halkaasoo uu muddo ka laalaadey, si gumaysatadu ugu quusato. ➽ Sheekh Xaamud Sheekh Xaamud Sh. Saahidul-Kaamil waxa uu ka mid ahaa mashaa’iqdii ugu muhiim sanayd ee doorka ugu wayn ka qaatay jihaadyadii Imaam Axmed Guray uu hogaaminayay. Aqoonta ballaanaran ee uu u lahaa diinta Islaamka, suufinimadiisa iyo geesinimadiisa waxay sababtay in dad badan ku daysadaan oo sidaas ay jihaadka ku soo galaan. Sheekh Xaamud Ibnu Zaahidul-kaamil (Alaha ka raali noqdee) waxaa lagu magacaabi jiray Sayidkii Kaamilka ahaa iyo Mujaahidkii Zaahidka ahaa. ➽ Shiikh Abuubakar Sh Nasru-Diin. Sh. Abuubakar Sh. Nasru-diin bin Axmad wuxuu ka mid ahaa immaamyaalkii hogaaminayey halgankii Imaam Axmad Amiirka ka ahaa. Waxay kutubta Sheekh Abuubakar wax ka qortay sheegeen in uu ka mid ahaa Owliyada Ilaahay ee Saalixiinta ah. Wuxuu Sheekhu caan ku ahaa akhrinta Qur’aanka Kariimka ah iyo culuumta la xiriirta. Waxay yiraahdeen raggii wax ka qoray sheekhu hadii uu socdo, hadii uu fadhiyo, hadii uu safar yahay iyo mar kastaba wuxuu muslimiinta mujaahidiinta ah bari jirey culuumta Quraanka Kariimka. Sheekhu wuxuu ahaa Khadiibkii, Imaamkii iyo Muddariska Muslimiintii jihaadka waday. Sheekh Abuukar mar kasta oo uu Mujaahidiinta tujinayo wuxuu salaadda dhexdeeda ku akhrin jirey Aayadaha ka hadlaya dagaalka gaalada iyo kuwa cadaynaya fadliga uu jihaadku leeyahay. Sheekhu waxaa lagu magacaabi-jirey Faqiihii Weliga ahaa iyo Muftigii Muslimiinta ee Saalixa ahaa, sida uu sheekh shahaabu-diin ku caddeeyey kitaabkiisa. ➽ Sh Abuukar Arshoone. Shiikh Abuukar waxuu ka mid ahaa mushaa’ikhdii sida weyn uga dhex muuqaneysey kifaaxii uu hogaanka u ahaa Imaam Axmad Ibraahin (Gurey). Shiikh Abuukar wuxuu ahaa caalim aad ujecel jihaadka, guula badanna sababay. Intaa waxaa u dheeraa sheekha, wuxuu ahaa waacidkii dhinaca wacdiga u qaabilsanaa ciidanka Islaamka, waxaana loogu yeeri-jirey al-sayidul-faqiih Al-waacid, oo macneheedu yahay Sayidkii Faqiiha (Caalimka ) ahaa ee Waacidka ahaa . ➽ Sheekh Aanas.
Sheekh Aanas Shiikh Shihaab
Sh.C/wahaab Shiikh Buube wuxuu ka mid ahaa Imaamyaal-kii uu Sheekh
Shihaabu-diin ku qoray Kitaabkiisa Al-Futuuxul-Xabasha. Wuxuu ahaa Sheekhu
caalim naftiisa u hibeeyey difaaca diinta, dadka iyo dalka. Wuxuu Fursad u
ahaa dhaqdhaqaaqii culumada ee uu Imaam Axmad halyayga u ahaa. ➽ Sheekh Cumar Diini Sheekh Cumar Diini wuxuu taariikhda kuwooda muhiimka ah la wadaagay Imaam Axmad Ibraahim. Wuxuu ka mid ahaa Wusaradii Garaad Aboon. Wuxuu Imaamka ka gacansiin jray dhinaca soo abaabulidda ciidanka. Wuxuu inta badan gacanta ku hayey maamulka xaruntii Harar oo saldhig u ahayd maamulkii uu Imaamku gacanta ku hayey xag ciidan iyo dhan kastaba. ➽ Dulmar Kooban Halgamada sare ku xusan Halgankii jihaad ee Axmed guray iyo kaaliyaashiisa Ahlu diinka ahaa ee isdaba joogay waxaa lagala soo dhex bixikaraa dhowr qodob oo muhiim ah:- · Halgankaas waxaa waday oo hormood ka ahaa culumaa’udiinka Soomaaliyeed iyagoo hogaaminayey diinta, dadka iyo dalkaba. · Gumaystuhu sooma galin dalka Soomaaliya illaa bishii Feberaayo 1887, markaas oo ciidamada Xabashida iyo Talyaanigu xoog ku qabsadeen magaalada Harar; waxaa xusid mudan in xilligaan 1887 uu ahaa markii ay soo taagdarrayday dawladdii khalaafada islaamka ee Cusmaaniyada. · Dawladdaas Cusmaaniyada markay gacanta ku dhigtay Qusdandiin (Istanbuul) sanadkii 1453 Miilaadiyada ilaa 1871 Miilaadiyada waxay awood u lahayd difaaca diina Islaamka. Sidaas darteed, Amxaarada waxaa soo raacay Talyaaniga, Soomaalidana cidna. Dad laysugu tagay oo aan taageero helin. Waxaa kaloo xusid mudan xilligaan 1887, ee Amxaarada iyo talyaanigu qabsadeen harar wuxuu 344 saddex boqol afartan iyo afar sano ka dambeeyey geeridii Imaam Axmad Gurey. · Kuma guulaysan gaalada iyo cawaankeeda inay caburiyaan oo tirtiraan diinta Islaamka; balse siweyn ayey u hana qaaday illaa iyo maantana u fidaysaa. · Waxay ummadda Soomaaliyeed ka dhaxleen halgankaan sharaf taariikheed oo aan marna duugoobayn, laguna faano. (2) JIHAADYADII CULAMMADA QARNIYADII 19&20-AAD Sida aad taariikhda ku soo ogaateen wixii ka danbeeyey jihaadyadii gumaysatada casharka loogu akhriyey ee uu hogaaminayey Axmed Guray muddo qarniya ah wey ka soo kaban waayeen gumaysatadu; hasa yeeshee waxaa marba marka ka dambeysa soo xoogaysanayey awooddii reer yurub. Markasta oo awoodda yurub gobolka ku soo korortana waxaa badanayey taageeradii ay u fidinayeen maamulkii Xabashida si ay isaga kaashadaan daminta ama hakinta ileyskii Islaamka ee ka ifayey Geeska Afrikada Bari. Taageeradii reer yurub kula safnaayeen gumaystada Xabashida wuxuu u suura geliyey:- · In ciidankii Minilik oo ay garab socdaan ciidankii gumaysatada Talyaaniga ay qabsadaan magaalada Harar sanaddii 1887; taasoo ahayd saldhig ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa turaathka Islaamka. · In gumeysatada Ingiriisku ay boqortooyadii Xabashida gacanta u geliyeen dhammaan dhulkii galbeedka Soomaaliya. · In gumaysatadii reer yurub ku marti geliyeen Xabashida hishiiskii qaybsashada Afrika ee Baarliin 1884kii. Hishiiskaas oo ku danbeeyey in dalkii Soomaaliyeed loo qaybsado 5- shan qaybood. Inkastoo cadowga Islaamku isu soo bahaysteen mandiqadan, haddana marna ma joogsan halgankii gumeysi diidka iyo diin difaaca ahaa ee ay hoggaaminayeen culumaa’uddiinkii Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna wal-jamaaca. Guulihii culammadu sababeen waxaa ka mid ahaa inuu mslimo boqorkii Xabashida ee lij yazu. Boqorkan waxaa dhashay gabar uu dhalay boqorkii Xabashida ee Minilik, wuxuuna xkunka Itoobiya la wareegay 1913-kii markii uu dhintay Minilik. Boqor leej (lyazu Alaha ka raalli noqdee) wuxuu Ilaahay nasiib uga dhigay inuu muslimo calankii Itoobiyana uu ku qoro Towxiidka. Boqor Ilyaasu wuxuu Muslimiyey dad madax u badan oo reer Itoobiya ah, waxaana madaxdaas ka mid ahaa Aabihii oo madax ka ahaa gobolka Wallo. Boqor Ilyaasu intaa kuma ekeysane wuxuu la xiriiray geesiyaashii Soomaalida ahaa ee gumeysiga kala dagaallamayey gudaha dalka Soomaaliya. Wuxuu boqorku fidiyey taageero milateri iyo mid dhaqaale isagoo qoray 15 kun oo Soomaali ah oo uu u xilsaaray difaaca diinta. Islaamanimada boqorkan iyo tallaabooyinkii uu qaadayba waxaa lagu tiriyaa qayb ka mid ah mirihii ka dhashay halgannadii ay hoggaaminayeen culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxaana arrintan si dheeraad ah loogu ammaanaa dadaalkii uu hawshaan ka geestey geesigii suufiga ahaa ee reer JIDLE Shiikh Maxamed Khaliif. Mar kasta gumaysatada reer yurub xog ogaal ayey ka ahaayeen inay Soomaaliya ka jirto awood ruuxi ah oo aan la loodin Karin. Waxay sidoo kale weligoodba aaminsanaayeen inay awooddan karaamaysani khatar ku tahay Imbaridooriyaddii Kirishtada ee Ioobiya iyo danaha kale ee gumaysatadu ka leeyihiin goobo badan oo ka mid ah geyigaan iyo caalamkaba. Sidaas darteed, ayay gumaysatadu si dheeraad ah bartilmaameed uga dhigteen Soomaalida, markii ay u fadhiyeen shirkii lagu qaybsaday Afrika ee Soomaaliyana shanta qaybood laga dhigay. ➽ SOOMAALIYA & HESHIISKII BAARLIIN 1884 Waxay noqotay Soomaaliya dalka kaliya ee ay sida wada jirka ah ugu soo duuleen dalalkii waqtigaas dunida ugu xooga roonaa, kuwaas oo kala ahaa Ingiriiska, Faransiika iyo Talyaaniga. Qaybsashadaas Soomaaliya loogu qaybiyey shanta qaybood waxaa ku xigay in ciidamo gaalo oo xulufo ah lagu soo bixiyo inay qabtaan isla markaana qaybiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Qabsashadaas waxay socotay min 1884tii, oo ah isla sanadkii go’aanka qaybsashada la gaaray, illaa 1908dii oo ah markii la soo af-jaray qabsashadii dhanka koofureed ee dalka. Gumaysatadani markii ay cagaha soo dhigeen dalkii Soomaaliyeed kama nabad gelin culumaa’udiinkii Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna Wal jamaaca iyo shacabkii ay hoggaaminayeen ee geesiyada ahaa. Gumeystada waxaa lagala hortagay jihaad mahiigaan ah oo ilaa hadda ka sii yeeraya dhegahooda; waxaana ka mid ah halgamadii ugu caansanaa:- ➽ HALGANKII DARAAWIISHTA EE UU HOGAAMINAYAY SAYID MAXAMED. Waxaa sanaddii 1900 jihaadkii ugu horeeyay qaaday caalimkii waynaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo ahaa:- · Sheekh aqoon dheer u leh diinta Islaamka. · Abwaan caan ku ah adabka (suugaanta) luqada carabiga iyo tan Soomaaligaba. · Geesi ummadda u soo baxay laguna salladay cadawgii Islaamka ee gumaysatada ahaa. · Daakir Dariiqada Saalixiyada, ee Axmadiyada Idriisiyada ah. Sayid Maxamed, maadaama uu gumaysatadii la dagaalamayey muddo rubuc qarni ah waxay ka fidiyeen dicaayado aad u fara badan. Waxaa dicaayadahaas rumaystay dad fara badan oo aan arrimahaaas waaci ka ahayn, isla markaana qaarkood lagu beer laxawsaday inuu dilay awoowayaashood, aabbayaashood, qaraabadooda iyo walaalahood. Halka kuwo kale loo sheegay inuu Sheekhyadoodii dilay. Waxay cadawgiisu u sameeyeen gabayo fool xun oo aanu dhihin. Waxay ku been abuurteen inuu dilay weligii Ilaahay ee Ahlu karaamada ahaa Sheekh Uways Bin Axmed Al-Qaadiri. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| Copyright© Aswana | info@ahlusunna.org |