![]() | ![]() | |
| |
|
Muqdisha: Shiikhu wuxuu u baahday inuu cilmi sii kororsado oo uu raadsado magaalo ay joogaan culamma aqoon ku kordhin karta. Sidaas darteed ayuu u soo xeraystey shiikhii weynaa ee magaalada Muqdisho ee waddanka Soomaaliya Al-Imaam Jamaalu-diin Muxammad ibnu Cabdi-samad. Wuxuu Kitaabka Mashruucu-rawii caddaynayaa in Magaalada Muqdisho ay markaas ahayd meel aad u Culama badan oo cilmiga fanuuntiisa kala duwan loo soo aado. Al-Imaam Muxammad Bin Calawi ibnu Axmad wuxuu sheekhiisa reer Muqdisho Al-Imaam Jamaaludiin ka akhristay Tafsiirka, Axaadiista, Fiqhiga, Tasawufka iyo Culuumta Carabiyada. Wuxuu la wadaagsaday Aslaynka, Bayaan-ka iyo Badiica (oo ka mid ah cilmiga Balaagada). Hal sano ayuu ku dul aqriyey kitaabka Muhadabka, kitaabka Tanbiiha. Sidoo kale, Wajiiska iyo Wasiidkana hal Sanad ayuu ku dul aqriyey. Wuxuu Muqdisha ku kulan saday cilmi aan la soo kobi kaqrin. Sidaas ayuuna kaga cilmi iyo meeqaan dheeraaday culumadii la samanka ahayd. Imaam Muxammad Bin Calawi wuxuu ku laabtay magaaladiisii Tariim ee dhulka Yaman halkaasoo fadhigiisa (dersigiisa) uu noqday mid Yaman iyo caalamka kaleba looga soo xeraysto..
Sida uu caddaynayo kitaabka
aanu soo xiganay ee Al-Mashruucu-rawii fii Manaaqibi
Saadatil-kiraami Aala-Baacalawi Al-Imaam Muxammad Bin Calawi
waxaa wax ka bartay oo cilmiga ka xambaaray Imaamyaal caalamka Islaamka
caan ku ah sida:- Ugu danbayntii kitaabka Al-mashruucu-rawii wuxuu faalladii Imaam Muxammad Bin Calawi ku soo gaabiyey in Imaamku geeriyooday maalin Arbaca ah, bishii Dil-xijah, sanaddii 767 Hijriyah. Tusaalaha gaaban ee aan ku soo qaadanay Al-Imaam Maxammed bin Calawi waxaan uga gol-lahayn inaan bidhaamino heerka cilmiga ay ka joogeen culumadii caalamka uga soo xeraysatay Soomaaliya. Faallooyinkan iyo qoraalladii ka horreeyey waxay noo cadaynayaan: 1. Taariikhda fog ee culammada Soomaaliyaeed ku leeyihiin faafinta iyo barista diinta Islaamka. 2. Sida ay taariikhdaas jaahil uga yihiin bidcooyinka sheegaya in wadaado soo gaarey sanaddii 2000 ay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee toddobaatameeyadiiSoomaaliya ka bilaabay aqrinta tafsiirka iyo axaadiithta. Taariikhda ummadda Soomaaliyeed iyo culammadeeda waxaa sharaf ugu filan:- · In culammadii Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen Imaamyaal sheekhya u ah saadaatkii Tariim ee ku abtirsanayey Al-faqiihul-Muqaddam caalimkii reer Yaman, iftiinkii Aala Baytka Rasuulka (CSWS) ee Tariim, Qudbigii awliyada, Imaamkii taariikhyahannada Islaamku ka qoreen kitaabbada iyo risaalooyinka maktabadaha buuxiyey. · In culammadii magaalada Muqdisha laga qaatay cilmi iyo funuun aad u fara badan oo ay ka faaiidaysteen awliyadii iyo caalimiintii faraha badnayd ee reer Tariim iyo sunniyiintii caalamka ee xerta ugu ahaa cilmiga, tarbiyada iyo barakaysiga. · In inta aqoonta wanaagsani og yihiin in magaalada Tariim ay tahay markaz awliyo oo ay qarniyo badan ku noolaayeen muftiyaal, culama caamiliin ah iyo saalixiinta ugu badan Saadaatka Asharaafta Caalamka ee Sunniyiinta Ah. · In qaar ka mid ah kutubta wax ka qortay xaruntan barakaysan ee Tariim ay sheegeen in qabuuraha Zanbal ee magaalada Tariim ay kaligeed ku aasanyihiin awliya aad u fara badan, oo kor u dhaafaya 10,000, oo ah culamma caamiliin ah oo ay ugu badan yihiin Saadaatka Asharaafta ee Aalubaytka Rasuulka (CSWS). · In culumada Soomaaliyeed ay ka mid yihiin Imaamyaal sheekhyaal u ah Mufasiriintii, Xufaaddii iyo Fuqahadii Islaamka, gaar ahaan Xaafidul Casqalaani Iyo Xaafidul Cayni oo kala ah labadii xaafid ee iska lahaa labada kitaab ee ugu waaweyn kitaabada sharaxday Saxiixul Bukhaari oo ah FATXUL BAARI IYO CUMDATUL QAARI. · In culammadii reer Saylac iyo qaar ka mid ah xertoodii ay Imaam iyo Hoggaanba ka noqdeen jaamacadda wayn ee Al-Azharu-shariif; wiliba ay safka hore kaga jireen hoggaaminta cilmiga caalamka iyo itijaaha siyaasadda Islaamka. Waxaa sidaas og qof kasta oo akhriya taariikhdii jaamacadda Al-az’har, ama daalacda fahaarista laga diyaariyey jaamacadda. Arrimahan oo dhan waa kuwa ku tusinaya doorka weyn ee culumada Soomaaliyeed ka qaadatay faafinta iyo gaarsiinta diinta Islaamka ee dunidan aynu ku nool nahay. Waxaa intaas dheer, maantadan aan joogno culammada Soomaaliyeed waxay aqriyaan:- · Tafsiirka Qur’aanka, Qiraa’aatka Quraanka, Tajwiidka Qur’aanka iyo culuumta kale ee Quraanka Kariimka. · Axaadiista Rasuulka (CSWS) kutubta ugu waawayn sida Saxiixul-Bukhaari, Saxiixu Muslim, Sunnanu-Abii Daawuud, Sunanu-Tirmidi, Sunanu-Nasaa-i, Sunanu-Ibnu Maajah iyo kutub kale oo aad u fara badan. · Culuumta Xadiiska ee Musdalixa, sida Alfiyatul-Ciraaqi Iyo Al-Fiyatu-Suyuudi. · Fiqhiga diinta Islaamka, sida Minhaajka, Irshaadka iyo kitaabbo kale oo muctamad ah. · Cilmiga Tasawufka, sida Risaalatul-Qushayriya oo ka mid ah kutubtii ay aqrisan jiren Imaamyaalka ay ka mid yihiin Imaam ibnu Casaakir, Imaamu-Nawawi, Imaamu-Samcaani, Xaafidul-Ciraaqi, Xaafidul Casqalaani iyo xufaad aad u badan. · Naxwaha iyo Sarfiga luqada carabiga sida Alfiyaha ibnu Maalik. · Cilmiga Usuulul-fiqhiga sida; Risaalada Imaamul Shaafici, Minhaajul Baydaawi, Jamcul-jawaamica Imaamu-Subki iyo kutub kale. · Culuumta luqadda Carabiga, sida qaybaha Balaaqada ee bayaanka macaaniga, Adabka ashcaarta carabiga, Curuudka iyo Qaafiyada. · Culuumta Caqiidada diiwaansan ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ay Imaamyaalka u yihiin Imaam Abul-Xasan Al-Ashcari iyo Imaam Abuu Mansuur Al-Maaturiidi. Dhanka Iftaha iyo Muxaadaraadka waxay culumada Soomaaliyeed ka diyaariyaan kutubta ugu muhiimsan cilmiga Islaamka sida;- · Tafaasiirta ugu waawayn sida Tafsiiru Dabari, Tafsiirul-Qurdubi, Tafsiirul-Bagawi, Al-Durarul-Mansuur, Tafsiirul-Baydaawi iyo kutubta la midka ah. · Axaadiista, sida kitaabbada sharaxa Ummuhaatu-Sitaha Musnadu Imaami Axmad, Muwadda’a Imaam Maalik, Sunanu-Daarami, Saxiixu Ibnu Khusayma iyo kutubta la midka ah ee aadka u faraha badan. · Maraajicda 4-ta mad’hab, sida: Majmuuca Imaam Nawawi Al-shaafici iyo kutubta la xiriirta, Nasbu-raaya li-takhriiji Axaadiisil-hidaaya oo uu qoray Xaafidu Saylaci Al-xanafi, Muqnii ibnu Qudaamah Al-xambali iyo Al-tamhiid oo uu qoray Imaam ibnu Cabdil-bar Al-maaliki. Dhanka kale, firqooyinka kasoo horjeeda culummada Ahlu-sunna Wal-jamaaca weli lama arag 30-ka sanoo ay sheegeen inay dalka joogeen hal qof oo ay wax bareen oo hal fanni aqri kara. Waxaa si marag ma doonta ah loo og yahay in kuwa hoggaamiya ee wadaaddada u ihi ay yihiin kuwii wax ka bartay culuummada Soomaaliyeed ee ay caayaan ee shaafficiyada, Ashcariyada iyo Suufiyada ah. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| Copyright© Aswana | info@ahlusunna.org |